Home » Islam, News »

Kulan ducaada oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika (Sawiro)

Johannesbur, South Africa (AOL) – Waxaa maalintii khamiista oo bisha ahayd 06/06/13 bacdal maqrib lagu qabtay magaalada Johannesburg gaar ahaan markazka albayaan kulankii ducaada, kulankaas oo ahaa kii sedexaad oo la qabto, ayaa waxaa looga hadlaayay horumarinta dacwada iyo katashiga arimaha dacwada quseeyo, kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga dacwada gobolka Gauteng ee Johannesburg ka mid tahay ee albayaan, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayay locationada sidii dacwada loo gaarsiin lahaa.

DSCN2945[1]

Ugu horeyntii, waxaa kulanka aayado qur’aan ah ku furay macalim Cabdiwaab oo ka mid ah ducaada firfircoon ee maagalada Johannesburg, kaddibna waxaa kalimad wacdi ah soo jeediyay sheekh maxamed akhayaar oo ka mid ah ducaada magaalada Johannesburg sheekha oo si gaar ah uga hadlay taqwada allah iyo dacwada dadka in ay ku nool yihiin oo hadii dacwada ay dayacanto aduun iyo aakhiraba dadku ay dayacmaayaan, ka dib waxaa kalimadii lagu soo dhaweeyay sh.

Maxamed aadan Cabdille oo ah madaxa dacwada albayaan ee gobolka Gauteng oo ka warbixiyay intii gudiga dhisnaa waxii u qabsoomay iyo mustaqbalka dhaw waxa ay damacsanyihiin in ay qabtaan hadii allah yiraahdo, waxaa uu sheekha si wayn ugu mahadceliyay allahii u suurtagliyay in qorshahoodii dacwo uu qabsoomo, ka dibna si gaar ah waxa uu ugu mahadceliayay ducaadii kulanka ka soo qayb gashay oo uu ku tilmaamay in ay yihiin hogaankii ummada si gaar ahna waxa uu sheekha uga codsaday in ay katala bixiyaan ducaada sidii bal dacwo dhamaystiran loogu gudan lahaa dadka ka shaqeeyo locationada oo u badan dhalinyaro, halkaas oo ah meel dacwo ahaan iyo nabadgalyo ahaanba ay ku dayacan yihiin dhalinyarada, waana meesha sida wayn soomalida ay dhaqaalaha uga helaan, marka uu intaa sheekha soo jeediyay ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaashii kulanka oo ahaa ducaada magaalada Johannesburg, waxaana ragii hadlay ka mid ahaa sheikh qorane oo ka mid ah majliska sare ee albayaan, sh c/raxmaan balaceey, sheikh cali siciid, macalim ibraahim, macalim saxane, macalim bishaar, sheekh maxamed akhayaar, oo dhamaantood si isku mid ah u tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin horumarka ay samaysay dacwada iyo tashiga joogtada ay gudiga dacwada la leeyihiin ducaada magaalada, waxayna aad u soo dhaweeyeen kulamada noocaan oo kale in la badiyo lana joogteeyo, waxayna si gaar ah ay  fikirkooda uga dhiibteen sidii dacwada loo gaarsiin lahaa locationada, islamarkaasna dhalinyarada joogta locationada looga badbaadin lahaa halista ay kala kulmaan dadka ay kula nool yihiin locationada, iyo sidii suurtagal u noqon lahayd in dadkaas muslimka aan ahayn ee degan tuulooyinkaas in la gaarsiiyo ayaga laftiigooda diinta islaamka taas oo ay xaq noogu leeyihiin, waxaana lagu soo koobi karaa hadaladoodii 5taan qodob oo kala ahaa:

1.  In Jowlo dacwi ah lagu qaado locationada oo gudiga dacwada ay hor kacayaan, ayagoo sheegay ragii mesha ka hadlay in ay ayagana diyaar yihiin

2.  In la bilaabo sidii masaajido yaryar loogu samayn lahaa soomaalida ku dhaqan locationada si halkaas ay ugu cibaadaystaan, laguna booqdo si joogto ayadoo lagu towjiihinaayo mowlacyadaas.

3.  In laga tashto sidii shirkado amni ah loogu samayn lahaa locationada oo ah halka ay ka dhacaan dilalka iyo dhaca soomaalida dalkan loogu gaysto, taas oo wax wayn ka tarayso badbaadada dadka soomaalida hantidooda iyo naftoodaba

4.  In wacyi gelin wayn loo sameeyo dhalinyarada joogto locationada si aysan si fudud uusan uga dhicin ficil keeni kara marka danbe in la boobo hantidooda ama ayagiiba la dhibaataayo

5.  In kulan lala yeesho milkiilayaasha dukaamada ku yaalo locationka oo badankood ku sugan maagaalooyinka gaar ahaan magaalada johannesburg si ay qayb uga noqdaan badbaadinta dhalinyarada shaqaalaha u ah dacwo ahaan iyo nolol ahaanba, iyo qodobo kale oo muhim ah,  ugu dabaystii waxay balanqadeen gudiga dacwada in ay talooyinkaas ay u bedeli doonaan waxqabad iyo in ay la kaashan doonaan bulshada soomalida ee ku dhaqan dalkan in ay fusho soojeedintaas muhimka ah, waxaana lagu balamay in waxaas oo howl ah la qabto insha allah inta ka horeeyso ramadaanka, waxaa fadhigaa xiriirinaayay sh. Maxamed maxamuud oo ka tirsan gudiga dacwada ahna mas,uulka dhalinyarada, waxaana goobta joogay xoghayaha guud ee albayaan sheikh axmed dheere oo ahna kusimaha amiirka albayaan sheekh xasan guure oo safar ku maqan, waxaa kaloo goob joog ahaa sh. Qorane oo ah xubin ka tirsan golaha sare ee albayaan, waxaa kaloo joogay sh. Qaasim cabdi hayaan, macalim cali ibraamim cali oo labaduba ah gudiga dacwada albayaan ee gobolka Gauteng, waxaa kaloo kulanka ka soo qaybgalay ducaad isugu jirta, macalimiin, ganacsato, odayaal, ducaad duruusta aqriso, iyo rag shaqaale ah, iyo rag dukaamo ku leh locationada, waxaana kulankaas uu ku soo gabagaboobay jawi aad u fiican oo loo wada riyaaqay.

DSCN2940[1]  DSCN2952[1] DSCN2968[1]

Qormadaan waxaa soo diyaariyay:

Maxamed Aadan Cabdille
Madaxa dacwada Albayaan ee gobolka Gauteng
Johannesbur, RSA.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Kulan ducaada oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika (Sawiro) "

  1. bishaar says:

    maashaa allah waxaa idinka muuqda wax qabad waa intaas ood ugasii dhawaataan laakiin waxaan aad uga heelay meelkastoo soomaalida ay aado culumada kama haraan sasnoo dabataagnaada insha allah ilaahay ajarbuu inkasiiniyee

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.