Home » Islam, News »

Culimo Safar Dacwadeed ku yimid dalka Koofur Afrika (Sawiro)

Waxaa safar dacwadeed ku yimid dalkan Koofur Afrika habeenkii jimcada soo galaysay markay saacadu ahayd 12:14 AM, 14/06/13 Sheekh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli iyo Sheikh C/raxiim Abulcaynayn, labada sheekhba waxay ka mid yihiin culimda Somaalida ee caanka ka ah dalka Kenya iyo guud ahaan dhulka Soomalida ay degto ama ay u qaxday.  Sheikh Maxamuud Shibli xaruntiisa waa Nairobi sida lawada ogyahayba, waana imaamka iyo khadiibka masjidka wayn ee Al-hidaaya.  Sidoo kale, Sheikh Abul Cynayn ayay xaruntiisu tahay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana uu mudaris ka yahay masjidka wayn nee jaaliyada Soomaalida ay ku leeyihiin magaalada Mombasa.

DSC04850

Culimada safarkooda waxa uu ku saabsanyahay ka qayb qaadashada dacwada Soomaalida Koofur Afrika iyo guud ahaan muslimiinta wadankan, iyo arimo kale oo ku tacaluqa dacwada oo muhim ah, waxaana culimada soo dhaweeyay qaar ka mid ah ducaada majliska Albayaan ee dacwada dalkan Koofur Afrika, waxaana ka mid ahaa ducaadii soo dhawaysay Sheikh Axmed Dheere oo ah xoghaya guud ee majliska dacwada Al-bayaan, Sheikh Qorane oo ka mid ah golaha sare ee majliska Al-bayaan, Sheikh Maxamed Aadan Cabdulle oo ah madaxa dacwada gobolka Gauteng ee Al-bayaan,  Sheikh Muxumed Siraad oo ah ducaada Johannesburg iyo ducaad kale, waxaana culimada ay ka soo degeen garoonka caalamiga ah ee Johannesburg, isla maanta waxaa khudbadii Jimcaha galay masjidka wayn ee Imaamu Shaafici ee ku yaala Johannesburg Sheikh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo ka hadlay runtii mowduuc muhim ah (imaanka dhadhanka uu leeyhay, iyo ku sugaanta diinta), waxaana Sheekha uu khudbadiisa ku faahfaahiyay sida uu dareemaayo qofka dhadhamiya imaanka macaankiisa iyo sida uu diinta ugu sugnaanaayo.

Sheekha waxuu si waafi ah u sharxay xadiiskii anas (allaha ha ka raali noqdee) uu ka wariyay nabiga (calayhi salaatu wasaalaam) ee ka hadlaayay mowduucan, hadii Allah yiraahdo inta ay joogaan culimada magaaladan Johannesburg iyo guud ahaan dalka koofur Afrikaba waxay geli doonaan duruus iyo muxaadaraad kala duwan oo dadka ay ka faa’iidaysan doonaan, ayadoo maanta ay ka muuqatay dadka soomaalida ee ku tukaday masjidka imaamu shaafici ee Johannesburg sida ay u soo dhawaynayeen culimadooda ugu timid safarka dacwada.

DSC04844 DSC04845 DSC04848  DSC04853 DSC04855 DSC04856
—————–
Warbixinta waxaa diyaariyay:  Maxamed Aadan Cabdulle
Madaxa Dacwadda Gauteng ee Albayaan, RSA
ibnuadam15@hotmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.