Home » Islam, News »

Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Baladxaawo oo mar kale Codsadey in laga qeyb qaato dhismaha Masjidka (Sawiro iyo cod)

Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan marayo wejigii labaad ee Dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa Seddex Bil, waana Masjid laga doonayo ilaa Labo Dabaq in laga dhigo,iyadoo Dabaqii labaadna la bilaabayo maalmaha soo socda.
6

  Dhageyso Sheekh Cabdirashiid Qudus oo ka warbixiyay Masjidka Khadiim ee Baladxaawo

Masjidka Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baladxaawo oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 60 sano, Cabirkiisana ku fadhiya 40mm X 40mt, iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin iyo in 2 dabaq la saaro, maadama goobta masjidka uu ku yaalo ay tahay meel suuq ah oo dadkuna ay ku badan yihiin.Howsha dhismaha Masjidka Khaiim ayaa hergelintiisa waxaa u istaagay Qaar ka mid ah Culima udiinka, qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo, iyagoona isla meel dhigay in Masjidka dib loo dhiso, islamarkaana la saaro 2 dabaq si uu qaado dad lagu qiyaasay ilaa 4500 oo Qof, taasi oo Seddex lab ka badan tiradii horey ugu tukan jirtey Masjidkaasi oo ahayd ilaa 1200.

Sh. Cabdirashiid Qudus oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey, isagoona sheegay dhismaha Masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan $700,000 (Todobada boqol oo kun oo Doolar), waxaana uu tilmaamay lacagtaasi 20% in la yaboohay, halka inta dhimana ay ka sugayaan Qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

Sh. Cabdulaahi Cabdile Aden oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey sida dadweynaha Baladxaawo ay ugu qeyb qaadanayaan dhismaha masjidka iyo dhaqaalaha ay iska uruurinayaan iyo isagoo dhinaca kalena u mahad celiyey dad muxsiniin ah oo kala jooga Gudaha dalka iyo Dibada oo dhaqaalo ku biiriyey dhismaha Masjidka, kuwaasi oo uu  ku amaanay  in muruq iyo maalba ay ku bixinayaan.

Sheekh Cabdulaahi ayaa si gaar ah waxaa uu uga mahadceliyey Shirkada Isgaarsiinta HORMUUD oo ku yaboohdey Masjidka lacag dhan $32kun oo Dolar, waxuuna ka Codsadey dhamaan shirkadaha Ganacsiga iyo jaaliyadaha Dibada in ay gacan ka geystaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha Masjidka.

“Sadaqo markaad bixiso ilaahay wuxuu balanqaadey inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii ilaah uu doono,” ayuu yiri Sh. C/laahi oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Khadiimiga ee ku yaala Baladxaawo.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena (SCW) uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

FG:  Si waxii aad Sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Telefonadan Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo iyo Emailkan:

1-  Sheekh C/laahi Qaaje, Tel.  0615851497
2-  Sheekh Yaasiin Aadan, Tel.  0615833204
3-  C/nuur Xuseen Xasan, Tel.  0723838854/0615554589
4-  C/rashiid Qudus, Tel.  0714142078/0615557664
5-  C/laahi Sheekh Cismaan, Tel.  0615568885.

Ama kala xariir Emailkan: afgooye500@gmail.com

1 2 3 4 5  8 9 10 11

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.