Home » Islam, News »

Dowradii Qawaacidul Fiqhiya ee uu Sheekh Shibli waday oo lasoo gabagabeeyay (Sawiro)

Waxaa caawa oo Abaco ah soona galayso Khamiis, bishana ay tahay Juun 19, 2013 lagu soo gabagabeeyay masjidka Imaamu Shaafici ee ku yaalo magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika Dowro socotay sedex habeen, dowradaas oo uu aqrinaayay Sheikh Maxamuud Sheikh Maxamed Shibli ayaa waxay ku saaabsaneed kitaabka qawaacidul fiqhiya uu alifay allaha u naxariistee Al-callamah C/raxmaan Ibnu Sacdi.

DSC04888

Dowrada ayaa waxay bilaabatay Juun 15, 2013 oo ahayd habeen ay soo galaysay Axad, waxaana la aqriyay dowrada Qawaacidul Fiqhiyaha sedex habeen oo uu Sheekha ku soo gabagabeeyay kitaabka, waxayna kala ahayeen habeenada la aqriyay Juun 15, 16, iyo 19 oo caawa ah oo lasoo gabagabeeyay, waxaana dowradan ka fa’iidaystay dad fara badan oo ku taxanaa inta uu socaday kitaabka.

Sida horay loo faafiyayba waxaa safar dacwo ku yimid magaalada Johannesburg Sheikh Shibli iyo Sheikh Abul caynayn oo duruus iyo muxaadaraad kala duwan u galay bulshada ku dhaqan Johannesburg, sidoo kale culimada inta ay joogaan hadii Allah yiraahdo waxaa la filayaa in ay duruus iyo muxaadaraad kala duwan ka geli doonaan Johannesburg iyo dhamaan wadanka Koofur Afrika oo la filaayo in ay meelo kala duwan tegi doonaan.

Dowradaan iyo muxaadaraadkii baxayba waxaa soo nidaamiyay maktabka dacwada ee Al bayaan ee gobolka Gauteng, qormadana waxaa isku soo dubariday oo soo diyaariyay: Maxamed Aadan Cabdille, Madaxa Dacwada Gauteng ee Albayaan, RSA – email: ibnuadam15@hotmail.com.

DSC04886 DSC04887  DSC04889 DSC04890 DSC04891

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.