Home » Islam, News »

Warbixin la xariirta halka uu marayo Masjidka Khadiim ee B/xaawo & guddiga Masjidka oo u Mahad celiyey Taksiilayaal degan Norwey oo Sadaqo soo gaarsiiyey (Sawiro iyo Cod)

Balad-xaawo, Somalia (AOL) – Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan uu marayo wejigii labaad ee Dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa 6 Bilood, waana Masjid laga doonayo in laga dhigo ilaa Labo Dabaq.

   Halkaan ka dhageyso Sheekh Cabdulaahi Khaaje oo ka warbixinaya dhismaha Masjidka Khadiim ee Balad-xaawo

 

A_1

Masjidka Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baladxaawo oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 60 sano ayaa ujeedada dhismahiisuna waxay tahay sidii dadka Islaamka ah ay ugu cibaadeysan lahaayeen, waxaana loo qorsheeyey Masjidka in laga dhigio ilaa labo dabaq, maadama goobta masjidka uu ku yaalo ay tahay meel suuq ah oo dadkuna ay ku badan yihiin.

Howsha dhismaha Masjidka Khadiim ayaa hergelintiisa waxaa u istaagay Culimaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo, iyagoona isla meel dhigay in Masjidka dib loo dhiso, isla markaana la saaro 2 dabaq si uu u qaado dad lagu qiyaasay ilaa shan kun oo ruux, taasi oo Seddex laab ka badan tiradii horey ugu tukan jirtey Masjidkaasi oo ahayd ilaa 1,200 oo qof.

Sh. Cabdulaahi Qaaje oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey, isagoona u mahadceliyey Qaar ka mid ah Taksiilayaasha Soomaalida ee degan Dalka Norwey oo dhowaan soo gaarsiiyey Masjidka lacago ay iska aruuriyeen oo dhan ilaa shan kun oo Dolar,waxaana uu tilmaamay lacagtaasi iyo kuwa la midka ahba in ay wax ka tareyso dhismaha Masjidka.

A_8

Sidoo kale Cabdirashiid Qudus oo ah Madaxa horomarinta iyo dhismaha Masjidka khadiim ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey sida dadweynaha Baladxaawo, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyada Soomaalida ee degan dibada ay ugu qeyb qaadanayaan dhismaha masjidka iyo dhaqaalaha ay iska uruurinayaan.

Dhismaha Masjidka oo loo qorsheeyey in ay ku baxdo lacag dhan ilaa $700,000 (Todoba boqol oo kun oo Doolar) ayuu sheegay ilaa iyo hadda in ay heleen lacag dhan 30% (boqolkiiba soddon) oo loo yaboohay, halka inta dhimana ay ka sugayaan Qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

“Sadaqo markaad bixiso Ilaahay wuxuu balan qaadey inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii Ilaah uu doono,” ayuu yiri Sh. Cabdulaahi oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Khadiimiga ee ku yaala Baladxaawo.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena (SCW) uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

FG:  Si waxii aad Sadeqaysan kartid aad u bixisid, fadlan la xariir Telefonadan Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo iyo Emailka hoose:

1-  Sheekh Cabdulaahi Qaaje
Tel.  252615851497

2-  Sheekh Yaasiin Aadan
Tel.  252615833204

3-  Cabdi-nuur Xuseen Xasan
Tel.   254723838854/252615554589

4-  Cabdirashiid Qudus
Tel.  254714142078 ama Tel. 252615557664

5-  Cabdulaahi Sheekh Cismaan
Tel.  252615568885
Ama Emailkan:  afgooye500@gmail.com

——————————————————————————————————————————————————————————-

Hoos ka daawo masawirada Masjidka Khadiim iyo halka uu hadda dhismuhu maraayo:

A_1 (9)  A_2 A_3 A_4 A_5 A_6 (1) A_7  A_9

Link-iga hoose fur si aad u aragto muuqaalka masawirada Masjidka Khadiim ee Balad-xaawo sida uu ahaa hal bil ka hor:

http://www.allgedo.com/2013/06/16/gudiga-dhismaha-masjidka-khadiim-ee-baladxaawo-oo-mar-kale-codsadey-in-laga-qeyb-qaato-dhismaha-masjidka-sawiro/

 

Link-iga hoose fur si aad u aragto muuqaalka masawirada Masjidka Khadiim ee Balad-xaawo sida uu ahaa 4 bilood ka hor:

http://www.allgedo.com/2013/04/30/gudiga-dhismaha-masjidka-khadiim-ee-baladxaawo-oo-codsadey-in-laga-qeyb-qaato-dhismaha-masjidka-sawiro/

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Warbixin la xariirta halka uu marayo Masjidka Khadiim ee B/xaawo & guddiga Masjidka oo u Mahad celiyey Taksiilayaal degan Norwey oo Sadaqo soo gaarsiiyey (Sawiro iyo Cod) "

  1. Osman says:

    Asc wr wb
    Salaanta islaamka kadib walaalayaal waxaan idinka codsanayaa, taleefanada aad soo qorteen inaad kusoo dartaan furaha ama wadanka uu yahay soo sheegtaan. Si aan ula soo xiriirno oo aan wax kabaxsano sadaqada.
    ————————

    From: Allgedo Online

    Walaal, adiga oo ku mahadsan xasuusintaada FURE-YAASHA Teleefanada waan ku darnay ee sidaas la soco.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.