Home » Islam, News »

Qaar ka mid ah culimada iyo Ducaada Albayaan oo booqday magaalada Rustenburg (Sawiro)

Rustenbur, RSA (AOL) – Waxaa maalintii shalay oo axad ahayd, 12ka ramadaan kuna beegnayd July 21, 2013,  11ka iyo barkii barqanimo booqasho dacwadeed ku tagay magaalada Rustenburg oo ka tirsan gobolka waqooyi galbeed ee dalka Koofur Afrika, una jirta jirta magaalada Johannesburg oo ay ku taalo xarunta majliska Albayaan 112km wafdi isugu jira culimo iyo ducaad ka tirsan golaha dacwada ee Albayaan.

DSC05180

Wafdigaas oo ka koobnaa 3 xubnood oo kala ahaa Sheikh Maxamed Aadan Cabdulle oo ah madaxa dacwada Albayaan ee gobolka Gauting iyo daaci Xuseen Ibraahim Cilmi oo ka tirsan xafiiska dacwada, gaar ahaan qaybta iclaamka, iyo macalim Cabdiwahaab oo ka mid ah darawalada Albayaan ahna daaci ka mid ah ducaada Koofur Afriko, ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Rustenburg wafdiga gudiga dacwada ee magaalada oo uu horkacaayo gudoomiyaha gudiga dacwada Rustenburg Sheikh Cabdulqaadir Jeexoow iyo xubno kale oo ka mid ah odayaasha iyo ducaada magaalada.

Ugu horayntii, ayaa waxay wafdigu booqasho ku tageen Markazka Dacwa Albayaan ee Rustenburg oo dhawaan un la iibiyay, Markazkaas oo ka kooban fasalo duruusta ay ku qaataan ilmaha ay dhaleen qoyasaka Soomaalida ee degan magaalada, waxaana ardaydaas ay dhanyihiin 100 arday oo lagu baro Markazka Qur’aanka, cilmiga sharciga ah iyo af Soomaaliga; waxaana Markazkaasi ku dhex yaalo fasalo wax lagu baro dumarka.  Waxaa kaloo Markazkaasi hada ku dhex yaalo mowlac lagu tukado salaadaha, gaar ahaan salaada taraawiixda.  Markazka oo horay u ahaan jiray guri wayn oo deegaan ah ayaa waxaa uu hada u baahan yahay in la habeeyo oo loo diyaariyo masjid, xafiisyo, iyo qayb madaraso ah.

Intaa ka dib, waxaa ay wafdiga kulan ay la yeesheen gudiga dacwada ee magaalada, kulankaas oo dhacay bacdal duhur ilaa casarkii ayaa waxaa lagu lafa guray dardargelinta dacwada magaalada iyo guud ahaan koofur Afrika, ayada oo dhamaan qodabadii laga wadahadlayna si wanaagsan la’isugu waafaqay, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa inta badan gudiga dacwada oo kala ahaa:

1.  Sheikh C/qaadir Jeexoow oo ah madaxa dacwada magaalada

2.  Sheikh Maxamuud Cismaan

3.  Sheikh Jaamaca Aadan Roore

4.  Sheikh Axmed Suudaani

5.  Sheikh Saalim

Kulanka kaddib oo ahayd bacdal casar ayaa waxaa uu soo jeediyay Sheikh Maxamed Aadan muxaadaro horay dadka loo sii balamiyay, muxaadaradaas oo ay gudiga dacwada ay qabtaan Axad kaste maadaama ay dadka ay firaaqo yihiin Axadii, inkastoo inta Ramadaanka ay qabanaayeen maalinkaste, waxaa soo xaadiray kulankaa muxaadarada dad wayne aad u fara badan oo aad u sugaayay muxaadarada Sheekha oo uu cinwaankeedu ahaa (Sidee Nabiga CSW uu ahaa bishan Ramadaan?)

Muxaadarada oo qiima badneed ayaa waxay socotay ilaa maqribkii laga adimo, waxaana muxaadarada lagu qabtay barxad ku taalo meesha ay Soomaalida ku leeyihiin ganacsiga oo ah meel bartan ah oo ay isgu imaadaan Soomaalida markay muxaadaro ama arin kale oo muhim ah jirto.

Xubnihii wafdiga ducaada sida diiran usoo dhaweeyay ayaa waxaa ka mid ahaa, Cabdiraxmaan Ukun oo ah madaxa jaaliyada Soomaalida ee Rustenburg, waxaana xubnihii wafdiga ducaada loo sameeyay afur ay soo xaadireen odayaasha iyo ducaada qaar ka mid ah.  Afurka kaddib ayay u soo kicitimeen wafdiga dhanka magaalada Johannesburg oo ahayd xaruntii ay ka tageen saakay, waxaana guul kusoo dhamaaday booqashadii dacwiga ahayd ee lagu tagay Rustenburg oo insha Allaah la filaayo in miro dhal fara badan ay ka soo bixi doonto waxyaabihii ducaada ay kawada hadleen.

Hoos ka daawo masawirada qaabka ay xafladda u dhacday:

DSC05130 DSC05133 DSC05134 DSC05136 DSC05137 DSC05144 DSC05154 DSC05167 DSC05169 DSC05170  DSC05181

——————–
Waxaa diyaariyay:  Maxamed Aadan Cabdulle
Madaxa dacwada Albayaan ee ee gobolka Gauting
RSA.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.