Home » Rayi »

Puntland iyo rajada sanadka cusub. By Abdullahi Isim

Ugu horeyn, hambalyo iyo guul midnimo ummada reer puntland iyo guud ahaan Soomaliya, sanadka cusub ee 2014. Waxaan Allaah ka baryayaa, in uu  umadda Soomaliyeed uga dhigo mid ay uga baxdo dhib oo dhan uguna gudubto midnimo iyo qaranimo… Aamin.

Maqalkan kooban ayaan  ku soo qaadan donaa dhowr arimood:-

Puntland maxay ay tahay?   Puntland waa astaanta u taagan midnimada iyo qaranimada umadda Soomaliyeed. Puntland maxaa ka maqan? Puntland waxaa ka maqan waa waxa Soomali ka maqan. Puntland maxay rabtaa? Puntland  waxay rabtaa cadaalad, nabad, midnimo iyo maamul iyo qaranimo Soomaliyeed.

Si hadaba,  loo helo waxa  Soomali ka maqan waa in la helo waxa Puntland ka maqan, sidaas daryteed waxaan soo dhawynayaa doorashada Puntland, Waxaan rajeynayaa in ay noqoto mid najaxda waayo, 8da Janaayo,  waa kala guurka iyo isbedelka dhabta ah, hogaanka iyo hanaanka siyaasadeed ee Soomaliya. Si la mid ah waxaan soo dhaweynayaa doorashada Xildhibaanada Puntland. Waxaan leeyahay  Xildhibaanada iyo masuuliyiinta Puntlanad,  waxaa  hubaal ah in aysan idin soomari doonin maalin umadda reer puntland  ay uga baahi badan tahay maanta  cadaalad iyo hogaan.

Xildhibaanada Puntland waxaan uga fadhinaa, waxaan ku soo  xulanay, kuna soo dooranay oo ah masuuliyadda, hagida,  cadaalada iyo wanaaga shacabka Puntland, himilada iyo horseedka qaranimada soomaliyeed.

Xildhibaanada Puntland. maanta  waxaan uga fadhinaa xulida iyo xaqiijinta doorashada hogaamiye leh aragtida iyo awooda wax qabad,  haday tahay, Puntland dhexdeeda, Soomali weyn iyo caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada dariska.

Waxaa taas lagu heli karaa  waa cadaalad, Ogaada cadaaladu ma ahan badeeco suuqa laga soo gato. maantana gacantiina ayey ku jirtaa,  ma jiri doono qof, urur ama beel iyo maamulo ama dawlado kale oo xilkaas idinla wadaagaa,  waana markhgaati ma doonto.  Waxaan Allaah ka baryayaa in aad noqotaan Xildhibaano ay ku najaxaan umada reer Puntland Soomalina u noqda horseed lagu daydo laguna faa’iido. rajada sanadka cusubi waa doorashada hogaanka Puntland iyo horseedka qaranimada soomaliya.

Ugu  dembayn ayaan Heestan uga dhigayaa  Habalyo iyo hal- kudheg doorashada Puntland, Xildhibaanada iyo hogaanka sanadka cusub 2014. Kuna soo gudbinayaa rajada aan ka qabno in uu dhaco is bedel la mahadsho. Magaca Heestan ayaa ah Puntland ku Curo.

Puntland ku curo By Cabdullahi Isim
Ayaaha cusubii
Waa kuu cawiyo
Ciid iyo farxadee
Puntland codee
.
Midnimada cuskada
Qaranimo cabiraa
Curaar kuma jirtide
Puntland codeee
.
Hogaan caadilo
Ciidaa hooyo iyo
Calankaaga sida
.
Umaduna codkiyo
Cududiisa tahay
Puntland ku curo
Cawalana u xiraa
.
Geesiga caraduu
Carbisoo dhistaa (Dhashaa)
Caqli iyo cilmibaa
Ciidan u noqdee
.
Ciilkiyo cabsidaa
Caasi iyo cadow
Kaa caabiyee
Puntland  codee

Hogaan caadiloo
Ciida hooyo iyo
Calankaaga sidaa
Umaduna codkiyo
Cududiisa tahay
Puntland ku curoo
Cawalana u xiraa
.
Caaqiido iyo
Caado iyo dhaqan
ciirtoo jugliyo
Caano iyo nabad
.
Gobanimo cubtaama
Cawil kheyr qabiyo
Midka caaradkaa ah
Cawaale ugu xiraa
.
Hogaan caadiloo
Ciidaa hooyo iyo
Calankaaga sidaa
Umaduna codkiyo
Cududiisa tahay
Puntland ku curo
cawaalana u xiraa

Abwaan Abdullahi Isim
Abduldjamal@yahoo.ca

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.