Home » News, Tacsi »

Duuliye Asli Xasan Cabaade oo tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska iyo qaraabada uu ka tagay marxuum Garaad Maxamuud Garaad Dool.

MARXUUM GARAAD MAXAMUUD GARAAD DOOL
Garaad
INNAA LILLAAHI WA’INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka Jaaliyadda (DDSI) ee Gobolkan (Texas), iyo magaca Guddoomiyaha Jarar ee Gobolka (Minnesota) Mudane Xuseen Faarah, ayaa waxaannu halkan uga soo wada tacsiyadeyneynaa Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dhammaan Shacab-waynaha ka soo wada jeeda (DDSI) ee ku wada nool Dunida Dacalladeeda, siiba haddeynu nahay Eheladii iyo Qaraabadii uu naga wada geeriyooday Marxuum Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi.
Marxuumku Annagoo idil ayuu naga wada geeriyooday, waxaanse Ilaahay (s.w.t.) uga wada baryeynaa inuu ku soo dhaweeyo, kana waraabiyo Jannatul-Firdawsal Aclaa, sabur iyo iimaanna naga wada siiyo dhammaantayo, inshaa’Allaahu Aamiin.
Ma Dhinte Waa Allaah (s.w.t.).
Kullu Nafsin Thaa’iqatul Mawt.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.