Home » News, Tacsi »

AUN waxaa maanta magaalada Columbus, Ohio ku geeriyooday marxuum Aaden Xaashi Axmed Samater “Aden Cariiri”

Aden CariiriInaa lilaahi wa inaa Illaahi Raajacuun.  Waxaa halkaan tacsi tiiraanyo leh oo lama filaana ka diraya ehelka iyo qaraabada iyo dadka kala ah Damaan Reer C/llaahi M  Shirwac, Dhamaan Reer Isaaq Biixi Samater (Ilaawe), Dhamaan –Reer Aaden Biixi samater (ilaawe), Dhamaan- Reer muuse Biixi samater (ilaawe), Dhamaan-Reer Nuur xassan looyaan, Dhamaan- Reer Nuur xassan shareeco, Dhamaan- Reer Maxamed Ciise, iyo Dhamaan-Reer  Maxamed siyaad 00 dhan.

Waxeey eheladaas iyo qaraabadaas oo kala joogta Daafaha caalamka tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii ehelkii uu ka baxay (AUN) Marxuum Aaden Xaashi Axmed Samater (Illaawe) oo manta ku geeriyoodey Magaalada Columbus Ohio ee cariga mareykanka.

Waxeeyna dadkaas oo dhan tacsi gaara u dirayaan caruurtii iyo reerkii uu ka baxay AUN Aaden Xaashi Axmed (Dhaba cadeeye) iyo weliba dhamaan Reer Xaashi dhaba cadeeye,waxeeyna illaahey uga baryayaan inuu janadii fardowso uu ka waraabiyo Dhamaanteena samir iyo iimaan uu naga wada siiyo.

Anigoo ah Durraan C/llaahi Shirwac-na waxuu ahaa Aaden Xaashi (dhabacadeeye) Ina abtigey aan aad u jeclaa eh, Illaahey janadii fardowso haka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan baan leeyahay (Inaa lillaahi wa inaa illaahi raajacuun).

Duraan Shirwac, London/Uk.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " AUN waxaa maanta magaalada Columbus, Ohio ku geeriyooday marxuum Aaden Xaashi Axmed Samater “Aden Cariiri” "

  1. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun, geeridu waa xaq. Waxaan u tacsiyeynayaa Reer Xaashi Dhabba Caddeeye oo dhan Meel kasta oo ay joogaanba,Iyo caruurtii oo ka tagey. waxaanan leeyahay Samir Iyo iimaan Allaha naga wada siiyo Aaden Ciriiri.

    Daahir Sheekh Muxamed Buraale

  2. cabdinasir xirsi diin-jecel says:

    ilaahay ha u naxariisto janadiisa fardoowsa al aclaa alaha ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna sabir iyo iimaan alaha ka siiyo
    ilaahayoow naxariistaada ku risaaq aamiin aamiin

  3. innaa lillaahi waa innaa ileeehi raajicuun waxaan halakaan ooga tacsiyeynay dhamaan reer abtigeey oodhan gaarahaan reer xaashi dhabba caddeeye iyo meelkasta oo ajoogaanba iyo caruurtii xaaskii u ka tagey waxaanan leeyahay samir iyo iimaan allaha naga wada siiyo aadan ciriir aamiina amiin

  4. BISMILAHI RAXMANI RAXIIM INAALI LAAHI WAA INAALAHI RAJICUUN WAXAN HALKAN TACSI UGA DIRAYAA DHAMAAN RER CASHI DHABACADEYE IYO IYO QARABADII UU KA TAGEY AADEN CIRIIRI ILAHAEYOW NAXARIISTI JANO KAWARABI SAMIR IYO IIMANA KASII AAMIN AAMIN

  5. Innaa Lillahi waa inna Ileeli rajucun walal Adan xashi allaha unaxariisto janaddi farduwso kawarabiyo caruurti xaaski qarabadi samir iyo immanka siyo ammiin ammin

  6. Allaha U naxariisto Aaden
    caruurtii, xaasaskii, iyo eheladiisii oo dhan samir ha ka siiyo

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.