Home » News, Tacsi »

Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacase) oo maanta ku geeriyooday weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen madaxtooyada Soomaaliya (Booqo buugga Tacsida)

Maxamuud IndhacaddeKaddib markii ay kooxo hubeysan maanta weerar ku qaadeen madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa dadkii halkaas ku dhintay ka mid ah Rabbi ha u naxariistee marxuum Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacase) oo ahaa xohayihii joogtada Xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

Maamulka iyo shaqaalaha AOL ayaa iyaga oo ka tiiraanyeysan qasaarihii nafeed iyo maal ee maanta ka dhashay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxay, ugana tacsiyeyneysa umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba intii ku dhimatay iyo intii ku dhaawacayba, ayaa waxuu maamulku si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Rabbi ha u naxariistee marxuum Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacase) oo ahaa shaqsi nadiif ah oo ku caan baxay wadaninimo, Soomaali jaceyl, karti iyo daacadnimo.

Maxamuud Indhacase Rabbi ha u naxariisto, qoyska, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka tagayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

Fadlan Link-igaan Guji si aad u booqato buugga Tacsida marxuumka uguna duceyso

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

11 Jawaabood " Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacase) oo maanta ku geeriyooday weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen madaxtooyada Soomaaliya (Booqo buugga Tacsida) "

  1. Surer Abshir says:

    Waxaa manta na tagey shaqsi sharafleh oo aad loo jecelyahay ; Mohamud Hersi Abdulle, ahana Madax Xafiska Ra’isul Wasarah, iyo madax kale- oo rag iyo haweenba leh oo Somali ah.Dhamman Jannadii Allaha ugu bishareyo. Sido kale dhawacana Allaha u gargaro.

  2. nasro says:

    Inaa lilaahi wainaa ilayhi raajacuun. Ilaah ha unaxariisto walaalkeen.
    Ilaah haka samir siiyo dhamaan eheladiisa gaarahaan carruurtiisa iyo xaaskiisa.

    00

  3. Waxaan Halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan beesha ree sade khaas ahaan eheladii iyo qaraabadii ree cabdule iyo xaaskii uu katagay cawrala faras cade iyo caruurtiisa .
    Waxaana ilaahay uga baryayaa inuu janatul fardowsa al aclaa ka waraabiyo dhamaanteena ilaahay sabir iyo iimaan ha naga siico
    Kaligiis nagama dhiman ee caqki iyo cilmi ayaa naga dhintay
    Ilaahay ha u naxariisto saaxiibkay aaaamiin aamiin

  4. habiba adan says:

    naa lilaahi wa inaa ilehi raajacuun ilaah u naxariisto marxuum maxamuud xirsi indhacase oo ahaa xoogayihii xafiiska ra iisalwasaaraha somaliya ee waxaan u tacsiyedeenaya eheladii uu ka tagay sida xaaskiisa iyo caruurtisa iyo ehelada kale iyo umada somaliyedaba inuu alaah samir ka siiyo iyo iimaan oo alaah uu kitaabkiisa midigta ka siiya oo jannadii ka warabiyaa aamiinalaah

  5. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehe Raajicuun, geeridu waa xaq. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay Maxamuud Indhacase, waxaanan leeyahay Samir Iyo iimaan Allaha naga wada siiyo, Isagana Jannadii Alllaha geeyo.

    Daahir Burale

  6. muktar cige says:

    INAALILLAI WA INAA ILLEYHI RAAJUCUUN.allaha unahariisto maxamuud indha case samir iyo imaan ha ka siiyo caruurtiisa iyo ehladiisa . illahay kitaabkiisa gacanta midig ha ka siiyo. su aashana ha u dhib yareeyo qabrigana waasac iyo nuur ha uga dhigo AAmin AAMIIN

  7. Haruun says:

    INAA LILAAHI WAA INAA LAYHI RAAJUCUUN. ALLAHA U NAXARIISTO EHELADII IYO QARAABADII UU KA GEERIYOODAYNA SAMIR IYO IIMAAN HA KA SIIYO

  8. Ahmed says:

    Innaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Mohamud Ilaahay ha u naxariistu. Waxaan naga dhaxeysay shaqo waxaana aqaanay qiyaastii 25 sano waxaana ahayn personal friends muddo dheer. Waxaan hadda ku wada jirnay guddi la yiraahdo PIU oo uu wakiil uga ahaa Xafiiska Raisul Wasaaraha. Nin aan habeen dhoweyd uga sheekaynayey maxamud iyo quality giisa ayaa xalay uga sheekayey warkaygii asbuuc ka hor meel ay fadhiyaan dad gaaraya 50 hadalkaas oo ahaa in aan iri Maxamud waa shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee Dowladda ku jira.

    Ilaahay ha u naxariisto Mohamud, qoyskii, ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo Iman

  9. Adam M C/lle says:

    Waxaan tacsi udirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, mid gaara ayaa udirayaa qoyskii, qaraabadii Iyo asxaabtii mudane marxuum Maxamuud anoo markaasna EEBE uga baryaya inuu marxuumka danbi dhaaf Iyo jano siiyo.

  10. garsuge says:

    inaa lilaah wainaa ileehii rajicuun dhaamaan alla u naxriisto muminiintii salaad jimcaha la soo wereray eeba wxaan ugu baryeenaa inuu u naxriiso waxaan fariin u diraayaa dhamaan umada soo maaliyeed waxaan ugu baqayaa in aan la dagaalano murtadiinta diidan nabada iyo jirataanka diint a islaamka waa rag loo soo diray in ay dadka nacsiiyaan diinteena suuban kama yee leeno mana aqbali doono insaa aalhutacaaa ascww

  11. Allaha u naxariisto saxiibkey indhacase waxaan ahaan jirnay Classmate (isku class) machadkii Diplomasiyada ee wasaradii arrimaha Dibada ee Somalia barisamaadkii mar baan NBI ku kulanay saxiib qaali ayuu ahaa alaha u naxariisto

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.