Home » Faallo, News »

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog

Aden ColujoogInta aanan guda gelin cinwaanka qormadan oo ah “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay?”, marka hore bal aan dul istaago in aan si kooban wax uga iraahdo waxa ay luuqadi tahay, halka ay luuqadda Soomaaliga kasoo jeedo, kuwa ay yihiin luuqadaha ay isku bahda yihiin, iyo waliba gobolada looga kala hadlo luuqadahaasi.

Luuqadi maxay tahay?

Luuqad waxaa lagu fasiraa in ay tahay macnaha uu sameeyo dhawaq ama cod (an interplay of sound and meaning), ay isu diraan ama isu tabiyaan bani’aadam ama xayawaan, taasoo aakhirkana keenta in ay xiriirka noocaas ah isku af-gartaan.”

Barashada cilmiga luuqadaha ayaa la yiraahdaa “linguistics”, qofka ku takhasusa cilmigaas ama si fiican ugu hadli kara dhowr luuqadoodna waxaa loogu yeeraa “luuqadyahan” ama “linguist.”

Luuqadda Soomaaliga xagey kasoo jeedaa?

Soomaaliga waxuu ka mid yahay luuqadaha isir ahaan ku abtirsada “Afroasiatic language” oo ay ka mid yihiin Berber, Chadic, Cushitic, Egyptian, Omotic iyo Semitic.

Afroasiatic waa xididka ay ku arooraan luuqado badan oo marka dhinacyo dhowr ah laga eego si gaar ah isugu xiran, gaarayana ilaa iyo 300 oo luuqado nool ah (living languages), kuwaasoo inta badan looga hadlo Bariga dhexe, waqooyiga Afrika, galbeedka Afrika, geeska Afrika, iyo qeybo ka tirsan wadamada dhaca deegaanada la’isku yiraahdo Saaxil.

Tirada guud ee dadka ku hadla luuqadaha la’isku yiraahdo “Afroasiatic” ayaa qiyaastii gaaraya ilaa iyo 362 milyan, ayada oo tan ugu badana luuqadahaasina ay tahay Carabiga oo dadka ku hadla tiradooda ay u dhaxeyso 200 ilaa iyo 230 milyan.

Luuqadaha kale ee sida weyn loogu hadlo ee ku aroora “Afroasiatic” ayaa waxaa ka mid ah: Husa, Oromo, Amharic, Somali, iyo Hebrew-ga danbe “Modern Hebrew.”

Waxaa iyana jira, luuqado ka mid ah bahwadaagta “Afroasiatic” oo ka mid ah luuqadaha inta la og-yahay ugu faca weyn caalamka uguna taariikhda fog, balse aanan ka mid aheyn luuqaaha maanta lagu wada hadlo. Luuqadahaas oo ay qaarkood baaba’een, kuwo kalena qarka u saaran yihiin in ay baaba’aan ayaa waxaa ka mid ah: Ejebshiyaankii hore “Ancient Egyptian”, Akkadian, Biblical Hebrew, iyo Aramaic.

Shabakad la yiraahdo Ethnologue oo wax ka qorta macluumaadka la xariira inta ay la’eg yihiin luuqadaha adduunka looga hadlo, deegaanada looga hadlo, kala badalnaashaha yar ee qaabka ku hadalka luuqadda “dialects”, iyo halka ay asal ahaan luuqadaasi ku xiran tahay “linguistic affiliations” ayaa warbixin ay daabacday sanadkii 2009, cadadkeeda 16aad waxay ku sheegtay in tirada luuqadaha nool ee la yaqaano “known living languages” ay u dhaxeeyaan 5,000 ilaa iyo 10,000, ayada oo kuwa baa’bay (extinct languages), iyo kuwa qatarta ugu jira in ay dhintaan (endangered languages) ay iyana badan yihiin.

Xagee Soomaaliga looga hadlaa?

Soomaaliga waxaa looga hadlaa gudaha dalka Soomaaliya, dalka Jabuuti, gobolka ay Soomaalida degto ee ay Itoobiya xukunto, gobolka Soomaalida (NFD) ee ay Kenya xukunto, iyo qurba joog badan oo ku kala nool wadamada caalamka.

Soomaaliya: Dalka Soomaaliya waxaa ka jira laba luuqadood oo rasmi ah (2 official languages), kuwaasoo kala ah: Soomaali iyo Carabi, ayada oo luuqadda Soomaaliga si weyn looga adeegsado xafiisyada dowladda, baarlamaanka, iyo maamulka.

Jabuuti: Dalka Jabuuti waxaa looga hadlaa 5 luuqadood oo saddex ka mid ah ay yihiin luuqado ay ku hadlaan dadka u dhashay Jabuuti (Indigenous languages) oo kala ah Soomaali, Cafar, Ta’izzi-Cadani Carabi, iyo 2 luuqadood oo kala ah Faransiis iyo Carabi.

Faransiiska iyo Carabiga ayaa waxay dalka Jabuuti ka yihiin luuqado rasmi ah (official languages), kuwaasoo loo adeegsado xafiisyada dowladda, baarlamaanka, iyo maamulka. Luuqadda Soomaaliga oo ay dadka reer Jabuuti intooda badan ku hadlaan, ayaanan qiimeyn weyn oo ka baxsan ku hadalka (spoken language) ku laheyn Jabuuti.

Itoobiya: Dalka Itoobiya waxaa looga hadlaa luuqado badan, tan ay dadka ugu badan ku hadlaana waa Oromo. Luuqadda Amxaariga ayaa ah tan rasmiga ah (official language) ee loo isticmaalo adeegsiga xafiisyada, dowladda, baarlamaanka, iyo maamulka. Waxaa kale oo ay tahay Amxaariga luuqadda qura ee ay qowmiyadaha kala isirka ah ee ku dhaqan Itoobiya ku wada hadlaan (lingua franca.)

Luuqadda Soomaaliga ayaa waxaa gobolka ay Soomaalida Itoobiya ku dhaqan tahay looga isticmaalaa oo kaliya ku hadal (spoken language), sidaas awgeedna, waxaa la oran karaa qiimeyn sidaas u weyn kuma lahan dalka Itoobiya.

Soomaalida Northern Frontier District (NFD)

Luuqadda Soomaaliga ee looga hadlo gobolka Northern Frontier District (NFD) oo ah gobol ay Kenya ka haysato Soomaaliya, ayaa u muuqda mid bulshada Soomaalida ku hadasha Soomaaliga “native Somali speakers” aanay si fasiix ah ugu hadlin, dalka Kenyana waxaa maamulka iyo qoraalada xafiiska loo isticmaalaa luuqadda Ingiriiska, halka ay Sawaaxiliga iyo Ingiriiska ka yihiin labada luuqadood ee la’isku af garto (lingua franca.)

Soomaalida Qurbaha (Somali Diaspora)

Waxaa si weyn u muuqata in da’ yartii Soomaaliyeed ee dalkooda laga kaxeeyay ee la geeyay wadamada dibadda, iyo caruurtii ku dhalatay dalalka dibadda in aanay badankooda waxba ka garaneynin ku hadalka luuqadda Soomaaliga, ayada oo cidda kaliya ee sida fiican ugu hadasha luuqadda Soomaaliga ay yihiin dadkii ayaga oo weyn tagay qurbaha.

Haddaba, marka la eego marxaladda qalafsan ee ay qaxootiga Soomaaliya ee ku nool qurbaha ku nool yihiin, iyo sida deg-degsiiyaha leh ee ay Soomaalida qurbaha ku dhaqan durbaba ugu milmeen dhaqamada bulshooyinka ay la nool yihiin, waxaa la oran karaa “luuqadda Soomaaliga qurbaha kuma sii waari doonto oo waxay u dhiman doontaa si la mid ah sidii ay u dhinteen luuqado badan oo ay ku hadli jireen qaxooti ayaga qurbaha uga horeeyay.”

La soco Q.2aad oo aan kusoo qaadan doono sababaha keena in ay luuqadi dhimato!

 

Aden Colujoog
Qoraa iyo suxufi madax banaan
adencolujoog@yahoo.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

5 Jawaabood " Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog "

  1. adeer aad ayaad u mahadsantahay sida fasiixa ah oo aad noogu soo diyaarisay qoraalkan ka hadlayo luuqaddana iyo meesha uu xaalkeeda maraayo

  2. adeer adan ahmed waxaad inoo so diyaarisaa sababta keentay afsoomaliga xitaa in si kala duwan aan oogu hadalno dadka kasoo kaka jeeda gobolada dalka iyo meelaha kale o ay somalida dagto,,, hence we are all somalians and we speak the somali language in several kinds e.g boowe ama aboowe

  3. ASC,
    Du’aale, adiga oo ku mahadsan su’aasha aad isoo weydiisay, haddana hadda waxaan ku socdaa bal in aan umadda Soomaaliyeed u ifiyo qatarada kusoo socda luuqadda Soomaaliga haddii aanan la dabo qaban.

    Taas baan adeer hadda muhiimadda saarayaa, haddii uu Rabbi idmo oo aan xasuusto marka aan kasoo jeesto qoraalada aan arrintaas kusoo qaadan doono haddii uu Rabbi idmo ayaan dib ugu soo noqon doonaa su’aasha aad i weydiisay haddii aanan hilmaamin.

    Wabilaahi towfiiq.

  4. Shukran adeer,, point well taken.

  5. ASC,
    Ducaale Shaale Axmed, adeer ku mahadsanid fariimaha dhowrka ah ee aad ii reebtay iyo codsigaaga la xariira “in aan soo diyaariyo sababta keentay afsoomaliga xitaa in si kala duwan aan oogu hadalno”.

    In kasta oo aanan anigu aheyn qof ku takhasusay barashada luuqadaha, haddana waxay u baahan tahay in arrintaas baaritaan lagu sameeyo oo la galiyo waqti gaar ah.

    Waxaanse adeer kuu sheegayaa in farqiga yar ee u dhaxeeya kala duwanaashaha qaabka ku hadalka luuqadda Soomaaliga uu yahay waxa loogu yeero “DIALECTS” ee uusan aheyn wax weyn oo u baahan in la raadiyo sababta keentay kala duwanaashahaas yar.

    Farqiga kaliya ee la xusi karo marka laga hadlaayo luuqadda Soomaaliga waa in ay jiraan laba luuqadood oo kala ah “MAY IYO MAXAA”, ayaga qudhoodana haddii la damco in wax laga qoro sababta kala gedisnaashahooda iyo meesha ay mid walba kasoo jeedo waxay u baahan tahay in lagu sameeyo baaris iyo waqti gaar ah.

    Ugu danbeyntii, adeer waxaan salaamayaa dhamaan cidda oo dhan oo ay ugu horeeyaan walaalahey reer Axmed Aden Kaar iyo caruurtooda oo aad adiga ugu horeyso.

    Wabilaahi towfiiq.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.