Home » Suugaan »

Gabayga “Danaheena Eega” – Curiye abwaan Aadam Asad Ibraahim

fanka-iyo-suugaanta1Gabaygi Labaad magaciisuna yahay “DANAHEENA EEGA” ee ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) WAXAANA TIRIYAY ABWAAN ADAM ASAD IBRAAHIM.

Silsiladdan Dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xil qaaameen abwaano hal abuuro iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardeyba leh, kalana joogta adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo lana doonayo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan inuu qof weliba ku cabiro Hal abuurkiisa qaabka uu arko qabyaaladda iyo dhibkeeda sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa ka socota, Golayaasha Suugaaneed, ee Barta xidhiidhka Bulshada, “ Facebook” Golaha Tartanka Suufgaanta, iyo Golaha Abwaanka iyo geedka Suugaanta Haddaba gabaygam oo noqon doonaa kii koowaad ee aanu ku faafino, Mareegaha Afka Soomaaliga lagu qoro, haddaba Silsiladdan oo ka socota labadaa Gole ayaa waxaa la soo bandhigayaa Gabayada lagaga qaybgeliyo, labada Maalmood ee Sabtida iyo Jimcaha, haatana Bogasho wacan iyo Gabaygii

“DANAHEENA EEGA”

1. Danbi maleh Qabyaaladi, Ninkii diidoidilkeede
2. Hayeeshee ninkii doojistaa, duuda loo suriye
3. Daacadiyo cadliga duul ka duday, duhur majoogaane
4. Danahooda way daba maraan, lagadaboolaaye
5. Dowladaha ma gaaraan dayaxa, duulimaadtagaye
6. Waxashkiyo midkii dubi jiraa, dabrodabadeede
7. Waxaan oga danleeyahay ayaan, idindareensiine
8. Iminkaba dadkeennaa qabiil, loogudowgalaye
9. Saqiir iyo duqoow iyo dhamaan, da’yartiyoshaabka
10. Gidigood wixii daashaday, sii dugsanayaane
11. Kuwii hore dabkii ay shideen, naarti lagudaatay
12. Oo aan La damin bay markale, dogobyosaareene
13. Dooyiyo colbay dumahayaan, daa’inabidkooode
14. Xasiloooni lagu diirsadiyo, diide nabadiiye
15. Ubadkoodi way daayaceen, manadaryeelaane
16 Dariiqaad maraysaba wakaa, tubandadkeeniiye
17 Dureemada kabadan maydka iyo, dhaawacdaadsaniye
18. Dumarkeeni waataa saxraha, oonku daashadaye
19. Dibjirkiyo dadkii darafta yaal,daalinbaa galaye
20. Gaajadu kuway dubataybaa,docodocaystaaye
21. Keenyan dalkii kaa diraa, kuugu siidarane
22. Ragbaan jirin u diirnaxahayoo, galindaneeyaaye
23. Nin damqada la waayoo dalkiyo,eego danahiiye
24. Qabiilbay la dananaan dhamaan,duulku waa ebere
25. Cadowgeeni kii ugu darnaa,waakan soo dagaye
26. Dabaabaadka baa lagu dunshaa,daar wixi haraye
27. Dheemenkaa la dalandalanayaa,dowrka maantada e
28. Kaluun dabasho waa waxay,badaha uga dinnaahayne
29. Xoolaha dagaalbaa ku socon,mana dareentaane
30. Daawaday ku durayaan wallee,waa sun tii darane
31. Waa cadow dahsoonoo runtii, waydagaalamiye
32. Dadaal iyo juhday galinayaan,dabarjarkeenaaye
33. Daaqina ragbaa gubahayoo, diirayidilkiiye
34. Caqli durugsanbaynaan lahayn,lagu difaacaaye
35. Qabyaaladi darteedbay indhihi,damag yidhaaheene
36. Anaa daran dantay ma aha iyo,diidey taladiine
37. Intii aynu doodaas wadney,guurtay dunidiiye
38. Rakaabaynu nahay doon sugiyo,daaladii rariye
39. Iga dadan waxaan doonayniyogoob la dagayaaye
40.Dakanada kuwii naga hayeenwaaya badan daynay
41. Damacbaa markale soogaloo waydurbaan tumiye
42. Daandaansibay muujiyeen waynadagayaane
43. Dal lahely sidiisii y soodurjinayaane
44. Waataa dafooftii (xabashi) xumayddoonyo keensadaye
45. Safiiray u soo diranayaan daginkaqaarkiiye
46. Nin seexdaa sicii dibi dhalaa da inabidkiiye
47. Inagaa duliga hoorsanoo duudnaloo suriye
48. Dubaabkaan ismaqal oon lahaynduub hagaajiyo e
49. Dabcigiisabaan leenahoo daa inwaa marage
50. Dhex dabaasha goobtaad rabtaandawarsadoo jooga
51. Dunidana gunbaan noqonaynaaciida lagu daadsho
52. Dir dir loo dagaaliyo col iyo Guutodaba joogto
53. Degin la isu diidiyo dhul iyo daaqaiyo baadka
54. Hadaynaan xumaha daynin iyodirirtan aafaysan
55. Danteeniyo hadaynaanan garandiinta waxay reebtay
56. isku dire hadaynaanan qabandaalin iyo tuuga
57. Dalka waa la dhacayaa ragowgoortan dabadeede
58. Dunidana gunbaan noqnaynaa ciidalagu daadsho
59. Waxbo yaanan maansada durjinewaan dabrahayaaye
60. Isku duubnibaa lagu helaa dowladxoog badane
61. Duul wada jir qaataan wallee cidiku duulayne
62. Danaheena eegaay ehlooy oodadnimo raadsha
63. Kala didid danaaniyo ka taga eheldagaalkiisa
64. Daalimkii wax dulmana qabtaaydoogsi wuu imane

Gabay:- ( DANAHEENA EEGA)

CURIYE:- abwaan Aadam Asad Ibraahim

Fiiro Gaara.  Qofkii doonaya inuu silsiladda, waxaad si toos ugugudbinaysaa, labada gole ee barta Facebook, Golaha Abwaanka, iyo Golaha Tartanka.

Mahadsanidiin dhammaan.

———————-
Gabaygaan waxaa AOL usoo gudbiyay Salaad Cali, oo uu email-kiisu yahay:  salaad3000@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.