Home » Faallo, News »

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.3aad) – W.Q. Aden Colujoog

adenQebtii 2aad ee qormadaan waxaan ku xusay in aan soo gudbin doono qaar ka mid ah luuqadaha Qaaradda Afrika looga hadlo ee qarka u saaran in ay dabar go’aan ama dhintaan.

Haddaba, maadaama ay jiraan luuqado badan oo dhamaan Qaaradaha adduunka looga hadlo oo kusii socda in ay dabar go’aan, ayaa waxaan halkaan kusoo gudbinayaa inta ay la’eg tahay tirada guud ee luuqadaha Qaaradaha Afrika iyo Yurub kasii dabar go’aaya oo kaliya, waayo ma sahlana in aan qormo kaliya kusoo gudbiyo dhamaan luuqadaha caalamka waqtigaan la jooga kasii baa ba’aya amaba la oran karo way dhinteen.

QAARADDA AFRIKA

Tirada guud ee luuqadaha Qaaradda Afrika ee sii dabar go’aya waxay gaarayaan 63.

Tirada luuqadahaan sii baaba’aya amaba dhawaan qaarkood dhinteen ee Qaaradda Afrika oo badan awgood, iima suurta galeyso in aan kuligood qormadaan kusoo gudbiyo, sidaas awgeed; waxaan hoos kusoo bandhigayaa luuqadaha sii dabar go’aya ama dhawaan dhintay ee wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya oo ah kuwa soo socda:

Soomaaliya: Dalka Soomaaliya luuqadaha looga hadlo waxaa ugu ugu muhiimsan laba luuqadood oo la kala yiraahdo: MAAY IYO MAXAA. Waxaa iyana jira luuqado yar-yar oo aanay tiradoodu badneyn oo looga hadlo gobolka Banaadir, Shabeelada Hoose, iyo Jubbooyinka, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Luuqadaha Banaadiriga, Baajuunta, Galadiga, Dabaraha, Boonta iyo kuwo kale.

Luuqadda Boonta (Boon language) oo ka tirsan bahweynta luuqadaha ku abtirsada “Cushitic” oo looga hadli jiray inta u dhaxeysa deegaanada degmada Jilib iyo Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay u muuqataa in ay tahay mid sii dabar go’ eysa, waayo; tirakoob sanadku markuu ahaa 2000 lagu sameeyay inta ay gaareyso tirada dadka luuqadaas ku hadla, ayaa lagu ogaaday in ay dhan yihiin 59 qof oo kaliya.

Warbixinta laga soo saaray tirakoobka kaddib ayaa lagu sheegay in TOBANEEYADII sano ee lasoo dhaafay dadka luuqadaas ku hadli jiray ay noqdeen kuwo u badashay in ay ku hadlaan luuqadda MAAY ee looga hadlo degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Ethiopia: Dalka Itoobiya waxaa kasii dabar go’aaya 3 luuqadood oo kala ah: Luuqadda “Anfillo” oo tirada dadka ku hadla ay ka hartay 500 oo qof, luuqadda “Birale” oo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan 19 qof oo kaliya, iyo luuqadda “Shabo” oo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan qiyaastii 400-500 oo qof.

ANFILLO – Luuqadda “Anfillo” oo sidoo kale loo yaqaan “Mao” ama Koofurta “Mao”, ayaa ah mid ay ku hadlaan qowmiyadda “Anfillo” oo ku dhaqan waaxda “Anfillo woreda” oo hoos tagta qeyb horay loo oran jiray Mirab Welega” oo ku taala Koofur Galbeedka dalka Itoobiya.

Luuqadaan oo bah wadaag la ah luuqadda “Omotic” ee looga hadlo galbeedka Itoobiya, ayaa tirada dadka ku hadla ay ka hartay oo kaliya dhowr boqol oo ay da’doodu ka sareyso lixdameeyo.

Dhamaan da’ yartii luuqadaan u dhashay ayaa u leexday oo ku hadla luuqado looga hadlo Galbeedka gobolka Oromiya.

BIRALE – Luuqadda “Birale” oo sidoo kale loo yaqaan “Ongota ama Birayle” oo looga hadlo Koofurta dalka Itoobiya ayaa ah mid ay soo wajahday DHIMASHO (moribund.)

Warbixin ay UNESCO soo saartay sanadkii 2012 ayay ku sheegtay in tirada dadka luuqadda “Birale” ku hadli jirtay oo dhameyd 115 qof ay ka hartay 12 qof oo kaliya, ayada oo in kale oo ku nooleyd xaafadda luuqadaas looga hadla oo ku taala daanta Galbeed ee webiga Weito ay qaateen kuna hadlaan luuqad kale oo la yiraahdo Tsamai.

SHABO – Luuqadda “Shabo” ama “Mikeyir” oo ay ku hadli jireen qowmiyad horay u ahan jirtay ugaarsato ee ku dhaqan Koofur Galbeed Itoobiya, gaar ahaana ku sugnaa kana ugaarsan jiray 3 deegaan oo kala ah: Anderaccha, Gecha, iyo Kaabo; ayaa siday marba meel ugu guurayeen oo ay ugu jireen xirfadooda ugaarsiga si ay noolashooda ula soo baxaan waxay ku kala milmeen qowmiyado kale oo deegaanadooda deris la ahaa, dabadeedna waxay qaateen dhaqamo iyo luuqado kale oo aan kooda aheyn, gaar ahaan luuqadaha “Majang”, Shekkacho (Mocha) iyo Amxaariga.

Kenya: Dalka Kenya luuqadaha kasii dabar go’aya tiradooda waa 5, kuwaasoo kala ah: El Molo, Ogiek, Omotik, Yaaku, iyo Suba.

EL MOLO – Luuqadda El Molo oo looga hadlo Koofur Bari ee harada Turkana oo ay ku hadli jireen dad la oran jiray EL MOLO ayaa qarka u saaran in ay dhimato, waayo, sanadkii 1994 tirada ku hadli kartay luuqadaas waxay dhameyd 50 qof oo kaliya.

Laakiin, in kasta oo horay loo sii saadaaliyay in ay luuqadaas dabar go’i laheyd bartamihii Qarnigii 20aad, haddana waxaa qeybtii danbe ee Qarnigaas la arkay dad wali nool oo ku hadli kara luuqadaas El Molo.

OGIEK (AKIEK) – Luuqadaan OGIEK ama AKIEK ayaa waxay ka mid tahay luuqadda Nilotic ee ay ku hadlaan qowmiyado kala gedisan sida qabiilka la yiraahdo Kalenjin, taasoo sidoo kale ay horay ugu hadli jireen dadka la yiraahdo Ogiek oo ahaa Ugaarsato ku kala firirsan inta u dhaxeysa Koofurta Kenya iyo Waqooyiga dalka Tanzania.

Inta badan qowmiyadda Ogiek, haddiiba aanay kuligood aheyn, waxay ku dhex milmeen oo ay qaateen dhaqanadii qabiiladii ku hareersanaa.

Tusaale: Qabiilka Akiek ee waqooyiga Tanzania hadda waxay ku hadlaan luuqadda Maasai, isla qabiilkan Akiek ee ku dhaqan Kinare ee dalka Kenya ayaa iyana ku hadla luuqadda Gikuyu.

OMOTIK – Luuqadda Omotik waxay ka mid tahay luuqadaha la’isku yiraahdo Nilotic ee Koofurta Kenya, waxaana ku hadla Ugaarsato la yiraahdo Omotik ee ku dhaqan agagaarka harada weyn ee “Rift Valley.” Qowmiyadaan Omotik ayaa waxay muddo dheer ku ag noolaayeen qabiilka la yiraahdo Maasai oo ka tiro badan, kuwaasoo ay aakhirkii qaateen luuqadooda, toodiina ay meesha ka baxday oo ay noqotay mid dhimatay oo aan dhaqmaad danbe laheyn.

Tirakoob lagu sameeyay tirada ku hadasha luuqadaan sanadii 1980 ayaa lagu ogaaday in ay dhan tahay 50 qof oo kaliya.

YAAKU – Luuqadda Yaaku oo sidoo kale loo yaqaano Mukogodo, Mogogodo, Mukoquodo, Siegu, Yaakua, ama Ndorobo, ayaa ka mid ah bah weynta luuqadaha la’isku yiraahdo “Afro-Asiatic” ee looga hadlo Geeska Afrika iyo deegaano kale oo badan oo uu dalka Kenya ka mid yahay.

Luuqadani ayaa la sheegaa in ay gasho faraca luuqadda “Cushitic”, laakiin, ilaa iyo hadda ma sugna ka mid ahaashaheeda farac luuqadeedkaas.

Tira koob lagu sameeyay tirada dadka ku hadla luuqada Yaaku sanadii 1983, ayaa lagu ogaaday in ay dhan tahay 50 qof oo kaliya oo ay da’doodu weyn tahay.

SUBA – Luuqadda Suba oo ay ku hadasho qowmiyadda Suba ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa kusii socota heer la oran karo “qatar bay ku jirtaa”, waayo, qowmiyadda luuqadaas ku hadasha ee Suba ayaa qaatay kuna hadla luuqadda qowmiyadda Luo ee Dholuo.

Luuqadda Suba ayaa hadda qarka u saaran heer dabar go’ ah, sababtoo ah, tirada dadka ku hadla luuqadaas ayaa yar, da’doodana way weyn tahay.

QAARADDA YURUB

Tira koob ay sanadku markuu ahaa 1993 sameysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qabilsan waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka ee “UNESCO”, ayaa waxay tirada guud ee luuqadaha qatarta ugu jira in ay sii dabar go’aan ee Qaaradda Yurub ku sheegtay in ay gaarayaan 153.

Luuqadahaan Qaaradda Yurub kasii dabar go’aaya oo ay mid waliba tirada dadka ku hadla sanad walba si weyn hoos ugu sii dhaceyso, ayaa tan ugu badan ee dadka ku hadla ay wali nool yihiin ay tahay luuqadda “Abkhaz” ee looga hadlo wadamada Georgia, Russian Federation iyo Turkey, taasoo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan 110,000.

Wadamada looga hadli jiray luuqadahaan sii dabar go’aaya ayaa waxaa waayadaan danbe laga dhex waayay cid ku hadli karta qaar badan oo ka mid ah luuqadahaan sii dabar go’aaya.

Tusaale ahaan, luuqadda “Wymysorys” ee looga hadlo dalka Poland, tirada dadka ku hadla waxaa ka haray 70 qof oo kaliya, halka luuqado kale oo badan oo ay ka mid tahay “Luuqadda Yiddish” oo looga hadli jiray wadamada Germany, Austria, Belarus, Belgium, Denmark, Estonia, Finland, France, Hungary, Italy, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Moldova, Norway, Netherlands, Poland, Romania, United Kingdom, Russian Federation, Slovakia, Sweden, Switzerland, Czech Republic iyo Ukraine ay gebi ahaanba dabar go’een.

La soco qeybta 4aad ee qormadaan oo aan kusoo qaadan doono IFAFAALE MUUQADA ee sababi kara in mustaqbalka luuqadda Soomaaliga ay dabar go’do hadaanan la dabo qaban.

 

Aden Colujoog
Qoraa iyo suxufi madax banaan
adencolujoog@yahoo.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.3aad) – W.Q. Aden Colujoog "

  1. jirde says:

    asc aad waxaan tuhun uga qabaa inay dabargoyso luqada soomaaligu , siiba 23 sano dalku burburku jiray waxaa jiray dhaawac aad u wayn oo gaaray luqadaas, tussaale ahaan ardaydii wax ku baranjiray luqada soomaaliga dhamaan dalka oo ka jirto mida kale dhalinyarada soo qoraysa webka 60% waxa ay qorayaan ma fahmi kartid mmida kale malaha dad soomaaaliyeed oo u kacay luqadaasi inaanay dabargo,in oo qoraalo iyo buugaag iyo taariikhdeeda faafiya oo isku daya in uu dadka ka dhaadhiciyo sida ay u sii adkaysan lahaayeen mida kale aad laysuma fahmo luqada soomaaliga dadbani waxay ka jecel yihiin luqadaha kale sida ingriiska iyo carabiga meelaha maamulku ka jiraan sida puntland iyo soomaaliland oo kale weli waxaad moodaa in skuulada lagu siidhigo laakiin waxaad moodaa in aan dadwaynihii aad u aaminsayn luqadooda waana taas ta dhibaatada ugu badan ku haysaa luqadan.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.