Anigoo ku hadlaya magacayga Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u wada dirayaa dhamaan walaalahay ilma Xasan Cabaade, iyo Ilma Xaaji Axmaddeey Maxamed, reer Ismaaciil Shabeel, reer Cabdulwahaab Maxamed iyo dhammaan Eheladayadii iyo Qaraabadayadii iyo Asxaabtayadiiba meelkasta oo ay kala joogaanba, geeridii naxdinta lahayd ee nagu dhacday oo ay walaasheen Curaddayadii Marxuumah Cibaada Xasan Cabaade ku geeriyootay maanta magaalada (Helsinki) ee Waddanka (Finland), taariikhduna tahay (July, 26, 2014).
Waxaan si gaar ah ugu tacsiyadeynayaa Carruurta ay walaashey dhashay ee Ilma Xaaji Axmaddeey dhammaantood. Waxaan Ilaahay s.w.t. uga baryayaa inuu ku soo dhaweeyo Naxariistiisa ballaadhan, galiyana Jannatul-Firdawsal Aclaa, aamiin. Annagana Sabur iyo iimaan naga wada siiyo dhammaantayo, aamiin. Waxaa si gaar ah loo ogeysiinayaa dhammaan Eheladeennii oo kala jooga: America, Canada, England, Finland, Sweden, Denmark, U.A.E., Saudi Arabia, Kenya iyo Etiopia. MA DHINTE WAA ALLAAH s.w.t.