Allaha u naxariistee waxaa maanta dalka Talyaaniga ku geeriyooday Marxuum Ex-Ambassador Xildhibaan C/salaam Macallim Adam Aw-Cali.Waxaan ilaahay uga baryaynaa inu janadii Fardowsa ka waraabiyo intii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo. Marxuumka waxaa uu ifka kaga tagay laba xaas ah iyo 19 oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.
Guji halkaan si aad u booqato bogga tacsida marxuum Cabdisalaam Macalin Aadam
Taariikh nololeedkii Marxuum Danjire C/salaam Macalin Aadam:
Marxuumku waxaa uu ku dhashay gobolka Gedo deegaan ka tirsan oo iminka loo yaqaano Degmada Ceel-Cadde sanadkii 1941-kii. Waxaa uu waxbarashadiisa aas-aasiga ah kaga baxay degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo. Waxaa uu ka baxay dugsiga Sare ee Allaahida isagoo markii dambana ka noqday macalin. Waxaa kaloo uu ka mid noqday xisbigii la oran Leegada isagoo ka mid noqday xubin muhiim ah. Muddo ka dib waxaa uu waxbarasho u aaday wadankii la oran Sofiyeetka (USSR), kuna bartay shahaadada 1-aad ee cilmiga siyaasadda (Political Science).
1970-meeyadii waxaa uu gudomiye heer degmo iyo heer gobol ka soo noqday degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose, Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo degmada Wadajir ee Banaadir oo uu ahaa aabayaashii aas-aasay degmada Wadajir oo markaas la abuuray. 1974-kii ee ololaha afka Somaliga Marxuum C/salaam waxaa uu ahaa gudomiyaha guddi waxbarasho oo la oran (Somali literacy Committee). Muddo ka dib waxaa loo badalay Wasaaradda arimaha Dibadda, halkaas oo uu noqday Diblomaasi.
Ambassador C/salaam Macalin Adam waxaa uu safiir iyo Khunsulba ka soo noqday wadamo badan oo ka mid kuwa carabta, sida Wadanka Ciraaq, Sucuudiga, Masar iyo aakhirkii Wadanka Yemen. Mudadaas oo uu ahaa Wakiilka guud ee safaaradaha Wadamada Carabta. – Ambassador C/salaam Macallim Aadam Aw-Cali Waxaa uu Safiir ka ahaa wadanka Yemen laga soo bilaabo ilaa iyo 1983 ilaa iyo 2009. Muddo rubuc qarni ka badan ayuu Ambassador C/salaam Macallim Aadam safiir ka ahaa wadanka Yemen, kana mid ahaa Siyaasiyiintii Soomaailya ee ka shaqaynayey in qaranimda Somaliya dib loo yagleelo. Shirkii Carta ee wadanka Djibouti ee lagu soo dhisay dowladdii Sh. Shariif Sh. Axmed ayuu Ambssador C/salaam Macallim ka mid noqday xildhibaanada Dowladda Soomaaliya, waxaana uu gudoomihye ka ahaa loona xilsaaray khilaaf bixinta iyo soo xuliddii golaha wasiirada ee maamul wanaaga Dowladdii Ra’iisul wasaare Farmaajo iyo tan iminkaba ee C/wali Gaas.
Ambassador C/salaam Macallim Aadam Aw-Cali waxaa uu muddo badan ka dhiidhinayey tacadiyada ciimada Dowladaha Shisheeye ay ku hayaan gayiga Soomaailya iyo la xisaabtankooda, gaar ahaan ciidamdada Kenya oo dhow jeer hore duqaynmo ka gaystay deegaanka uu Amb C/salaam Kasoo jeedo, waxaana uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay in dowladaha dariska ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay u ilaailin lahaayeen xuquuqda shacabka deegaanka ku dhaqan ee ay amaankooda sugayaan, kana feejignaadaan inay isku khaldaan qaswadayaasha, nabad-diidka ah iyo shacabka caadiga ah.
Xildhibaan C/salaam Macallim Aadam waxaa uu ka mid yahay shakhsiyaad fara ku tiris ah oo fahamsan waxa ay dowladnimo tahay, iyo muqadisnimada Qaranimada Soomlaiya. Waxaa lagu tilmaamaa C/salaam inuu yahay qof xalaal quudato ah, daacad ah, geesi ah, wadaninimo leh, isla markaasna aanan ahayn qof qariban (corrupted), aqoona u leh howsha loo igmaday.
Ilaahay waxaan uga baryaynaa in Marxumka janadiisa fardowsa ka waraabiyo.
Taariikh nololeedkaan waxaa shabakadda Allgedo Online usoo gudbiyay Eng. A/Rashid Sh Mohamud Sh C/laahi
ainee2001@hotmail.com
waxaan ilaahay ka baryeynaa in uu xildhibaan cabdisalam macallin naxariin iyo tanatul firdowsa ugu bishaareeyo eheladiisana Samir iyo iimaan ka siiyo.
waxaa geeriyoodey muwaadin qiimo iyo wadaniyad badan lahaa. geeridu waa xaq. waxaan uga baryeynaa marxuumka Allaha Weyn ee samaawaatka, dhulka iyo inta u dhaxaysaaba dhammaantood kaligi leh in u jannadiisa ugu yabooho, qoyskiisiina iyo eheladiisii oo idilna samir, imaan iyo bedeel khayr qaba ka siiyo
Inaa Lilaahi wa Inaa Ilaahi raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan qoyskeyga iyo kan reer adeec meel ay joogaanba, kana tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid Ex-Ambassador Xildhibaan C/salaam Macallim Adam Aw-Cali, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka, iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba. waxaan leeyahay samir iyo iimaan Rabbi hanaga wada siiyo
“marxuumkana janatul Fardowsa alle haka waraabiyo aamiin, aamiin, aamiin. (adeec) minnesota USA.
Inaa Lillaahi Wa Inaa ileyhi raajcuun Anigoo ku hadlaayo magaca Reer Xassan Xuseen dhamaantood waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan reer Macalin Aadan Aw Cali gaar ahaan xaasaskii iyo Warasadii uu ka tagay walaalkeygay marxuum cabdisalaan waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu u naxariixto janadii fardowsana geeyo Eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo