Home » Faallo, News »

Taariikhda qoritaanka Af-Soomaaliga – W.Q. Aden Colujoog

Aden ColujoogSaddexdii qeyabood ee qormadaan ka horeeyay ee aan cinwaanka uga dhigay (Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado ka horeeyay?), ayaa waxaan uga hadlay in boqolkii sanaba mar ay luuqado badan oo caalamka looga hadlo ay dhintaan, iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Haddaba, haddii aan intaas uga gudbo daah ka rogidda iyo toosh ku ifinta kuwa ay yihiin qatarada had iyo jeeraale lasoo gudboonaado guud ahaan luuqadaha adduunka, iminkana aan bal is dul taago, si toos ahna diiradda u saaro halka ay kasoo bilaabatay taariikhda qoritaanka Af Soomaaliga, dabadeedna aan uga sii gudbo qatarada muuqda ee aan isleeyahay haddii aanan xal deg-deg ah loo helin, dhamaadka Qarnigaan 21-aad, luuqadda Soomaaliga waxay qaadan doontaa magaca luuqad qatarta ku jirta “endangered language”, bartamaha ama dhamadka Qarniga 22-aadna, gebi ahaanba way dhiman doontaa. 

Taariikhda qoritaanka luuqadda Soomaaliga


Luuqadda Soomaaliga ee maanta ku qoran farta laatiinka (Latin script), waxay soo martay doodo iyo isku dayo badan oo muddoo dheer soo jiitamayay, kuwaasoo isugu jiray: Xiliyo ay aqoonyahano Soomaaliyeed baaris ugu jireen nooca farta ugu haboon ee lagu qori karo luuqadda Soomaaliga, tirada guud ee xarfaha uu ka koobnaan karo Af-Soomaaliga, kuwa xarfaha shibane-yaasha ah (Consonants), kuwa shaqalada (Vowels), iyo waliba, su’aasha ugu adkeyd ee mar walba maanka luuqad yahanada Soomaaliyeed ku wareegayay oo aheyd – fartee ugu haboon ee loo dooraa in lagu qoro Af Soomaaliga? Ma laatiin, Carabi, mise isku dhaf Carabi iyo Ge’ez?

Waxaa kale oo ay luuqad-yahanadii Soomaaliga ahaa (Somali linguists) ee sida weyn isugu howlayay sidii loo heli lahaa far u gaar ah luuqadda Soomaaliga ay muhiimadda saareen, in la helo qaabkii ugu haboonaan lahaa qoritaanka farta Soomaaliga (orthographic methodology of writing) sida: Sharciyada hingaadda (rules of spelling), jiitin dhax-dhigga laba xarfood (hyphenation), sidii loo dhigi lahaa xuruufaha waaweyn meesha ku haboon (capitalization), kala goynta xuruufaha (word breaks), muhiimad gaar ah u yeelid xuruufo gaar ah (emphasis), iyo calaamadeyn (punctuation.)

Isku dayada ah in Af-Soomaaliga loo helo far ku haboon oo lagu qoro ayaa waxay soo socdeen muddo dheer oo Qarniyaal ah oo kasoo bilaabatay Qarnigii 13-aad ee Miilaadiga ilaa iyo dhamaadkii Qarnigii 19-aad. Dadka hindisihii qoritaanka far Soomaaliga sida gaarka ah isaga xilsaaray ayaa waxay isugu jireen luuqad yahano wax kusoo bartay Jaamacado kala gedisan, iyo culimo/wadaado ka tirsanaa dariiqadda Shaaficiga oo ka mid ah afarta Iskuul Madhab ee Islaamka, kuwaasoo dhamaantood hadafka kaliya ee ay lahaayen ay aheyd sidii Af Soomaaliga loogu heli lahaa far rasmi ah oo lagu qoro. 

Farta wadaadada “wadaad writing”

wadaad writing_1
Bidix ka bilow, Qarnigii 14aad loox dhagax (stone tablet) oo Soomaaliya laga helay oo ay ku dul qoran tahay luuqadda Carabiga, iyo qoraalo kale oo ay wadaadadii xiligaas joogay ku qoreen luuqadda Carabiga. 

Wixii ka horeeyay soo galitaankii gumeyste-yaasha dalka Soomaaliya, iyo barashada luuqadahooda ku qoran farta “laatiinka”, luuqadda kaliya ee waqti dheer oo Qarniyaal ah ay dadka Soomaalida ah qaarkood oo u badnaa wadaado wax ku qoran jireen waxay aheyd tan Carabiga.

Luuqadda Carabiga laba siyood bay Soomaalida wax ugu qoran jirtay: (1) In qof Carabiga yaqaan uu si toos ah waxa uu rabo luuqadda Carabiga ugu qoro, iyo (2) In ayada oo luuqadda Soomaaliga la isticmaalayo lagu qoro xarfaha Carabiga (as a transliteration of Somali into Arabic script.) 

Qofkii ugu horeeyay ee isku daya in xarfaha luuqadda Carabiga u adeegsado qoritaanka Af Soomaaliga waxuu ahaa Sheekh Yuusuf bin Axmed Al-kawneyn oo noolaa taariikhda Hijriga markay aheyd 678 oo ku beegneyd tan miilaadiga markay aheyd 1300 oo sano.

Isku dayo kasta oo ay sameeyeen wadaado iyo aqoon yahano Soomaaliyeed oo ku kala noolaa Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo la xariiray in luuqadda Soomaaliga lagu qoro farta Carabiga, haddana waxaa muuqatay in ay ubadka Soomaaliyeed ku adkeyd in ay wax ku qortaan far Carabi.

Farta Cusmaan ee loo yaqaan (Osmanya alphabet)

Osman_Yuusuf_KeenadiidCiismaniya
Masawirka boqor Cusmaan Yuusuf iyo fartiisa Cusmaaniyada (The Osmanya alphabet.)


Cusmaan Yuusuf Keenadiid, oo ahaa nin gabyaa ah, qoraa, macalin, iyo boqor waa ka talin jiray dhulka maanta la yiraahdo Puntland, ayaa intii u dhaxeysay sanadihii 1920 ilaa 1922-kii ku howlanaa sidii uu usoo saari lahaa luuqad u gaar ah Af-Soomaaliga, kaasoo aakhirkii soo bandhigay far ka koobneyd isku jirka xarfo uu kasoo qaatay Carabi taasoo dhanka kalena ka shabahday far u gaar ahaan jirtay luuqad facweyn oo xili hore dalka Itoobiya ka dhimatay oo la yiraahdo Ge’ez (Ge’ez language.)


In kasta oo uu boqor Cusmaan dadaalay, haddana farta uu soo bandhigay ee Cusmaaniyadda ayaa waxaa tartankii kaga guuleystay tii laatiinka ku qorneyd ee uu Shire Jaamac Axmed soo bandhigay, ayada oo cidda howshaas u xilsaarneyd oo faraha lasoo bandhigay kala reebaysayna uu ahaa guddi aqoonyahano ah oo sanaddii 1972-kii loo xilsaaray in ay isbar-bardhigaan dhamaan faraha kala duwan ee ay aqoonyahanada Soomaaliyeed soo bandhigeen, dabadeedna tan ku haboon ay kasoo saaraan.  Ma ahan in fartii Cusmaan Yuusuf oo kaliya ay tartankaas ku hartay ee waxaa ay farta Shire Jaamac laga doortay tiro soo jeedin faro cusub oo ay tiradoodu dhameyd 18, ayada oo farta kaliya ee ugu dhaweyd tan uu Shire soo bandhigayna ay aheyd tan Cusmaan (Osmanya alphabet.)

Fartii laatiinka ee Shire Jaamac Axmed

shire jama2Luuqadda Soomaaliga ee maanta ku qoran farta laatiinka ayaa waxaa qoritaankeeda la bilaabay sanadku markuu ahaa 1972-kii, wixii markaas ka danbeeyay ilaa iyo maantana, luuqadda Soomaaliga waxay ka baxday in ay ahaato luuqad lagu hadlo oo kaliya (spoken language), waxayna noqotay luuqad lagu hadlo waxna lagu qoro (spoken and written language.)


Waxaa xusid mudan in guusha usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed sanaddii 1972-kii oo aheyd markii u horeysay ee si rasmi ah loogu dhawaaqay qoritaanka afka Soomaaliga, iyo horumarka muuqda ee uu maanta Af Soomaaliga ka gaaray hab qoraalka, in aanay ku imaanin si fudud ee ay jiraan aqoon yahano Soomaaliyeed oo feker iyo waqti badan soo galiyay sidii loo heli lahaa far Soomaali qoran, loogana kaftoomi lahaa adeegsiga luuqadaha shisheeye. 

Farta Af Soomaaliga lagu qoro ee laatiinka ee rasmiga ah ayaa waxaa isku soo duba riday luuqad yahan la yiraahdo Shire Jaamac Axmed.  Shire, oo intii u dhaxeysay sanadihii 1951 ilaa iyo 1954 Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar kaga baxay barashada luuqadda Carabiga iyo sharciga Islaamka, sidoo kalena, sanaddii 1967-kii Jaamacad kale uga baxay dalka Ruushka, ayaa iska lahaa hindisaha farta laatiinka ee maanta uu Af Soomaaliga ku qoran yahay. 

In kasta oo uu luuqadda Carabiga wax kusoo bartay, bulshada Soomaaliyeedna ay dhaqan ahan u dhowdahay tan qowmiyadda Carabta ee badankooda muslimka ah, qur’aanka kariimka ahna uu kusoo degay luuqadda Carabiga, haddana, Shire sababta ugu weyn ee u doortay in lagu qoro Af-Soomaaliga farta laatiinka waxay aheyd, ayada oo inta badan makiinadiihii xiligaas wax lagu qori jiray lagu soo naqshadeeyay wax ku qorista farta laatiinka (specific layout for latin alphabet typewriter keys), iyo ayada oo ay u muuqatay in aanay aheyn howl fudud sidii la’isu waafajin lahaa shibaneyaasha xarfaha Carabiga oo ka kooban 28 xarfood oo qaarkood u baahan qaab ugu hadal gaar ah, balse aan ku jirin luuqadda Soomaaliga sida: غ, ظ, ض, ذ, ث, ص, ز

Waa tan hoose farta laatiinka ee uu Shire Jaamac Axmed u doortay in lagu qoro af Soomaaliga iyo sida uu u kala qeybiyay xaruufaha shibane-yasha iyo kuwa shaqalada:

Tirada shibane-yaasha (Consonants) iyo kuwa shaqalada (vowels) ee af Soomaaliga oo la’isu geeyay ayaa waxay yihiin 26 xarfood oo ah kuwaan:  B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, H, W, Y, A, E, I, O, U. 

Tirada xarfaha shibane-yaasha (Consonants) oo ah 21 xarfood ayaa ah:  B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, H, W, Y.

Shanta shaqal ee far Soomaaliga ee ah [A, E, I, O, U] ayaa waxaa loogu yeeraa shaqalada gaa-gaaban (short vowels), halka ay iyana jiraan 5 shaqal oo dhaa-dheer (long vowels), kuwaasoo ah [AA, EE, II, OO, UU.]

Shire ayaa markii uu farta laatiinka u dooray in lagu qoro luuqadda Soomaaliga, dabadeedna uu si fiican isugu dubariday, ayaa waxuu xuruufaha laatiinka ka saaray 3 xarfood oo uu yiri “kuma haboona in lagu daro farta Soomaaliga”, kuwaasoo ah [P, V iyo Z.]

Sidoo kale, Shire waxuu soo bandhigay xarfo lamaane ah (combination letters) oo ah [DH, KH iyo SH], kuwaasoo muujinaaya gooni ahaanshaha dhawaqa luuqadda Soomaaliga “the unique sounds of the Somali language.”

Waxaa xusid mudan, in cidda farta laatiinka ee uu Shire soo bandhigay go’aamisay in loo doorto in ay noqoto farta rasmiga ah ee lagu qori doono af Soomaaliga uu yahay guddi gaar ah oo ay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre u saartay sanaddii 1972-kii, si ay usoo kala reebaan hindiseyaal dhowr ahaa oo ku wada saabsanaa faro ay aqoon yahano Soomaaliyeed soo bandhigeen si loogu qoro af Soomaaliga, taasoo aakhirkii keentay, in guddigii arrintaas loo saaray ay go’aan ku gaareen in farta kaliya ee ugu haboon in af Soomaaliga lagu qoro ay tahay tan laatiinka ee uu soo bandhigay Shire Jaamac Axmed. 

Ma ahan in ragga isku dayay in af Soomaaliga loo helo far ku haboon oo lagu qoro ay ahaayeen Wadaadado waqtiyo kala fog noolaa, ama soo jeedintii Cusmaan Yuusuf Keenadiid iyo tii Shire Jaamac Axmed oo kaliya, balse waxaa jiray rag kale oo ay muhiim tahay in aan magacooda iyo magaca faraha ay soo bandhigeen qormadaan ku xuso, kuwaasoo kala ah; (1) Far uu sanaddii 1933-kii soo bandhigay aqoon yahan reer Boorama ahaa oo magaciisa la oran jiray Cabduraxmaan Sheekh Nuur, fartaasoo loo yaqaan FARTII BOORAMA “Borama alphabet”, iyo (2) Far uu sanaddii 1952-kii soo bandhigay nin reer Muqdisho ahaa oo la oran jiray Sheekh Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, taasoo la oran jiray FARTII KADDARE “Kaddare alphabet.”

Nin soo jeedintiisa la qaatay iyo nin aan la qaadanba, waxaan hubaa in ay dhamaan ragaas muddooyinka kala fog noolaa si weyn isugu soo howleen sidii ay Soomaalida uga bixi lahayd jahligii ay mudada dheer kusoo jireen, isla markaana uu afkooda u noqon lahaa mid qoran oo uu qof kasta oo Soomaali ah siduu doono wax ugu qoran karo waxna ugu akhrisan karo.

Aden Colujoog
Qoraa iyo suxufi madax banaan
adencolujoog@yahoo.com

Hoos ka daawo wareysi lala yeeshay Dr. Martin Orwin oo ah luuqad yahan afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda London (London University) oo ku taala caasimadda dalka Ingiriiska ee London:

Hoos ka daawo wareysi ay Somalitalk la yeelatay Shariif Saalax Maxamed Cali:

page counter

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.