Home » Tacsi »

Tacsi ku socota duuliye sare Asli Xasan Cabaade oo ay dhawaan walaasheed ku dhimatay dalka Finland

Tacsi (1)INNAA LILLAAHI WA’ INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Anigoo ku hadlaaya magacayga Maxamed Xaaji iyo Xaaskeyga Amiira Faarax oo ku nool magaalada “Washington, D.C.” ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u soo gudbineynaa Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade iyo dhammaan reer Xasan Cabaade oo idilba, reer Xaaji Axmeddeey Maxamed, reer Cabdulwahaab Maxamed Xuseen, dhammaan Eheladii iyo Asxaabtii ay ka wada geeriyootay Marxuumah Cibaada Xasan Cabaade, oo ku geeriyootay magaalada “Helsinki, Finland” bishii (July 26, 2014), tobankii dambe ee bishii Ramadaan dhexdeedii.

Marxuumadda oo ka tagtay Ilma Xaaji Axmeddeey Maxamed oo kala ah: 7 Wiil iyo 3 Gabdhood, iyo intii ay sii dhaleen oo ah: 31 Carruur oo ay Ayeeya u ahayd. Haddaba waxaan Ilaahay s.w.t. uga baryeynaa inuu ka waraabiyo Jannatul-Firdawsal Aclaa, samir iyo iimaanna ka siiyo walaalaheed Ilma Xasan Cabaade, Carruurteedii Ilma Xaaji Axmeddeey oo dhan, Eheladeedii iyo Qaraabadeedii oo dhan meelkasta oo ay kala joogaanba, aamiin. Kullu Nafsin Daa’iqatul Mawt.

Maxamed Xaaji

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.