Home » Rayi »

Qof sadaqa siiyey nin maalqabeen ah – WQ. Adam Abdi Abuzuhri

Adam

Salaamu Alaykum walaalaha qiimaha iyo qaayaha badan leh ee ku xiran websitekan qaaliga ah ee u adeega shacabka Soomaaliyeed. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso cajiib ah oo hadana qariib ah.

Cinwaanka ayaad ka arkaysaa inuu u qoranyahay si kadis kadis ah oo qofkii isaga wax bixin jiray ayaa isagii wax loo taagayaa! Waa xaalad aan caadi ahayn. Qisadu waa xaqiiqo dhacday ee sifiican udhuuxa murtida iyo dhambaalkay xambaarsantahay.

Sidaad qoraaladayda ku aragteenba, qisooyinka noocan oo kale ah ayaan u isticmaala fariintaan doonayo inaan ummadda gaarsiiyo (malaha waa sheekooyinkaan jeclaa markaan yaraa).

Sheekadii: Waxaa jiray nin wanaagsanaa oo cibaado (dhaaco) badan, kaasoo maalin go’aan kugaaray (way dhici kartaa ineey nadar ka aheyd) inuu sadaqo ulabaxo Ilaahay dartiis si uu uhelo raali ahaanshihiisa.

Shardi wuxuu kadhigtay inay sadaqadiisa ahaato mid ikhlaas ah oon istustus kujirin, iyo inuu siiyo miskiin dhowrsan ooysan cidi ogeyn inuu baahanyahay iyo inkale.
Si uu shardigaas ooga dhabeeyo, ayuu doortay goor ay dadku arkaynin iyo habeenimo. Malaha wadanku nal malahayn sida dunida maanta oo habeenka iyo maalinta ay isku midka yihiin.

Ninkii wuxuu wareegaba oo baadi goobo ba maskiinkii dhowrsanaa ee aysan cidi ogayn ayuu markii dambe kusoobaxay nin uu isyiri ‘malaha waa mudanyahay sadaqada’ oo farta kasaaray sadaqadiisii.

Subixii markii lagaadhay, dadkii uu sadaqada kaqarinayey oo isla dhexmaraya “War balaayo badanaa, xalay nin tuug ah ayaa sadaqo lasiiyay!

Ninkii sadaqada labaxay ayay sheekada dadka gaartey oo weliba aad ooga xumaaday haseyeeshe wuxuu kugaabsaday “Ilahayow adigaa kumahadsan hadaad sidaas garatay waayo aniga ma ogeyn inuu tuug ahaa iyo inkale ninkan wax siiyey“.
Ninkii, wuxuu go’aan kugaarey inuu markale wax sadaqeysto si uu ugaadho hadafkiisa maadama tii hore kudhacdey gacan qaldan. Isagoo digtooni iyo feejignaan kaqaba inuusan tuug dambe sirin, ayuu kusoo baxay qof dumar ah oo isyiri way dhiban tahay, kadibna farta ayuu kasaaray sadaqadiisii. Hadana dadkii magaalada waa kuwan ayagoo subixii wareejinaya “Xalay naag dhilo ah ayaa sadaqo lasiiyay! Sadaqadii habeen hore lasiiyay tuuga tanaaba kadaran

Ninkii ayuu hadana warkii gaarey, sidoo kale aad ayuu ooga xumaadey laakinse Ilaahay ayuu kumahadiyay “Ilaahayoow adigaa kumahadsan hadaad sidaas garatay. Anigu magaranaynin ineey gabadhu ahayd dadka xun xun ee kugucaasiyay”.
Ninkii yaab iyo amakaak ayaa kasoo haray, isagoo iswaydiinaya meeshay wax kaqaldanyihiin iyo cida dabataagan ee kakhribeysa sadaqadiisa. Hase ahaatee wuxuu kudhiirigaliyay naftiisa markale inuu sadaqa labaxo oo kuhubso qof maskiin ah oo mudan silooga aqbalo oo ugaaro hadafkiisii ahaa ‘Raali ahaansha Rabbi’
Wareeg iyo kafiirsasho badan kadib ayuu soo dul istaagay qof uu isyiri waa dhibane aan u ekeen tuugii iyi qoftii xumeyd ee horay ugu qaldamay, kadibna farta ayuu kasaaray sadaqadii.

Markale, waa kuwan dadkii oo lawareegaya sheekadoodii “ Ninkii magaalada ugu taajirsanaa ayaa xalay wax lagu sadaqaystay

Ninkii yaab ayuu Alle ukeeney, wuxuuna dareemay inay meesha imtixaan kasocdo! “ llaahayow adigaa kumahadsan sadaqada kudhacday gacanta tuuga, dhillada iyo taajirka” Ayuu kucalaacalay, kadibna sadaqadii ayuu ka istaagay si aanu dad xunxun oo kale gacantooda ugu dhicin.

Goor uu xaalku halkaas marayo, ayaa hurdo (manaam ama riyo) loogu soodiray fariintan loogu fasirayo sideey wax udheceen.
“ Bishaaro, marka hore Sadaqadaadii waa la aqbalay! Marka labaad, ninkii tuuga ahaa eed wax siisay, waxay unoqotay sabab uu kaga dhowrsado xatooyada xoolaha dadwaynaha, baahi ayaana ugaysay tuuganimada.

Qoftii dumarka aheyd, waxay unoqotay sabab ay suuqa kaga baxdo, baahi ayaana ku kaliftay ineey howshan kaganacsato. Ninkii maal-qabeenka ahaa, wuxuu ahaa qof bakhayl ah oon masaakiinta waxba kutarin. Sadaqadaadii ayuu kucibraqaatay, oo wuxuu bilaabay inuu wax kutaro masaakinta baahan!”

Fiiro Gaar ah

Qisadan meesha ay ka dhacday iyo qofkay qabsatay magaciisa midna lamahayo,waxayse ubadantahay inay ahayd umadihii naga horeeyey iyo reer Banii Israa’iil. Qisada asalkeedu waa sax oo waa xadiiska nabiga (SCWS) lagasoo wariyay walow ay jirto siiqooyin kaladuwan oo lagu soo wariyay.

Qaabka turjumidda, maraacin siday ugu soo aroortay Xadiiska ee waxaan soo guuriyey micnaha sheekada, farqiga udhaxeeya luuqada Carabiga iyo Soomaaliga oon kabaqay inuu dhumo micnaha iyo fariinta uu xadiisku xambaarsanyahay awgeed.

Intaan sheekada rog-rogayay ayaan iswaydiiyay, waxaan sameyn lahaa Aniga hadii sadaqo aan leeyahay gacanta ugasho qof kamid ah dadka noocaas ah een kor kusoo xusnay ” Adanow, masoo ceshan laheyd (gar iyo gogal waxaad udhigataba) sadaqadaas? Ama waxaad joojin lahayd sadaqada iyo wax bixin dambe inaad udirto meeshaas maadama halmar lagu qalday? Ama sida ninkan ayaad Allah kumahadin lahayd siday wax noqdaanba?”

Shicaar inoo gaar ah

Shacabka Soomaaliyeed, duuruuf kastoo lagu jiro, wuxuu ahaa mid iskaalmeeya, wax wadacuno oo wada caba. Allaha Raxiimka ah isuguma kaayo darin xabbad iyo bakhaylnimo, taasoo haddii ay jiri lahayd Somalia qof qura kuma noolaadeen maanta oo waxay ukala qaybsami lahaayeen waxay xabad disho iyo waxay gaajo disho.
Hooyo Soomaaliyeed ayaa iiga sheekaysay siday labo wiil ooy midi eedo utahay iyo miday habaryar utahay ugu wada noolaayeen gurigeeda walow ay ukala dagaalamayeen labo kooxood oo iska soo horjeeda. Midkasta wixii uu soo helo (soo dhaco) ayuu guriga keenayaa inuu lacuno kan ay cadawga yihiin ee guriga jooga! “Waryaa, xalay waan ku arkay oo xabada ayaan kaa duway, waxaan toogtay kii kale” Meel aan Somalia ahayn kama dhici karto qisadan oo kale.  

Ayadoo uu dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah uu sidaas ahaa, ayaa maalmahan dambe waxaa soo badanaya inay dad badani kahadlaan qaaranka iyo waxyar oo laga soo uruuriyay dad badan oo laga yaabo inuu kudarsaday 1%!

Waloow ay katahay hubsiinyo iyo armay gacan qaldan kudhacdaa, hadana waa wax khilaafsan siyaasada waxbixinta diinta Islaamka oo kuxidhan niyada iyo aqbalaada Ilaahay, sidaan ku aragnay qisadan kore! Badana sadaqo aan hubsanay meeshii aan kubixinay oon la’aqbalin!

Gunaanad iyo gabo-gabo

Walaalayaal sidaan maalmahan warbaahinta kamaqalay,dalka waxaa kajira abaarihii soo noqnoqan jirey taariikhda wadanka , taasoo sii cuslaysay dhibaatooyinka horey ujirey. Waxaa kale oo arinta sii adkeeyey, aduunkii kale oo aad ugu mashquulsan dhibaatooyin kawayn ama uga muhiimsan Somalia.

Sidii abaartii 2011, waa in la arkaa Soomaali isu gurmanayso. Sadaqada waa inaan lagu qaldin siyaasada iyo qoyska loo aruurinayo meesha ay joogaan ama deegaanka ay kunoolyihiin toona.

Ugu dambayntii, dawlada Somalia iyo mucaaradka hubaysan waxaa loogu baaqayaa inaysan howlaha samafalka lagawado deegaanada hoos taga maamulkooda aysan gacanta lasoo galin.

Intaan markale kulmayno, waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri oo idinleh salaamu Caleykum. Wixii talo iyo tusaale ah abuzuhri1@gmail.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.