Home » Faallo »

“Waa kaas ina adeerkey Ardogan!” WQ. Adam Abuzuhri

Ardogan

Salaamu Calaykum walaalaha qeymaha iyo qaayamaha badan ee kuxiran websitekan qaaliga ah ee ukhidmeynaya shacabka Soomaaliyeed.

Maanta iyo qoraalkeena waxaan jecleystey inaan idinla wadaaga maqaal ay qortay gabar qoraa ah oo udhalatay wadan Urdun(Jordan) oo layirahdo Ixsan Al-Faqiih oo ay kagaga hadleyso Ardogon, ra’isal wasaaraha Turkey oo dhowr beri kahor ku guuleystey tartanka madaxweynanimada wadanka, taas oo Ardogan kuguulaystay.

Ra’isal wasaare Ardogan wuxuu kamid yahay madax yar ee fara kutiris ah(hadiiba aan kaligiis aheyn)ee aniga iyo dhalinyaro badan dunida muslimka ah ay uhayaan ixtiraam gooni ah waxqabadkiisa iyo mawaaqiftiisa. Haddii madaxda dunida muslimka oo layirahdo meel la’isugu keeno oo shacabka meeshiisa ha ugu codeeyo, Ardogan waxaan filaya inuu kuguulaysanlaha codadka ugu badan. Meesha qaark ale madaxda, gaar ahaan kuwa carabta, aysan xitaa helo cod qura.

Ixtiraamka loo hayo Ardogan, waa mid kadhashay waxbaqadka wadanka gudihiisa iyo dunida inteeda kale. Qofkasta oo taariikhda Turkey dib u eego waxa umuuqanayso guulaha Ardogan.

Dhowr jeer ayaan kacaajisay inaan wax kaqora taariikhda iyo waxqabadka halyeygaan, hase ahaate markaan heley qoraalka gabadhan oo ay kusoo aruurisay macluumaad muhiim ah ayaan is iri usuu koob dadka Soomaaliyeed intooda aan Carabiga fahmeyn.

Ixsaan waxay qoraalkeeda kula hadlaysa madaxda carbeed ee doonaya inuu Ardogan siyaasada wadankiisa guulaysan ,ayagoo ka urinaya inuu leeyahay afkaar islaami. Waxaa lasheegaya madax badan oo carbeed lacaga kubixiyey mucaaradka wadankaas. Dagaalka madaxda Carabta kula jiraan Ardogan ayaa asalkiisu yahay inaan shabaabka Carbeed kudayeyn oysan xuriyad dalban.

“Ardogan ma gudoomiya xisbibaa mise waa hogaamiye ummadeed? Mise waa ramz kamid madaxda ummadda Islaamka? Mise waxaa nagu waajib ah hadii aan Carab nahay waa inaan kashaqeyno sidii aan kuridi laheyn iyo inaan toosh ku ifino gafafka iyo khiyaanada uu kagalay dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa?” Ayey kubilowday Ixsaan qoraalkeeda si jees jees ah.

Waxay intaas raacisay: Bal aan inyar ka taabano danbiyada ugu waaweyn ee lagu soo oogi karo Ardogan:

  1. Wax soosaarka Turkey 2013 wuxuu gaaray tirilayoon iyo 100 milyaar, taas udhiganta isugeynta wax soo saarka Sacuudiga, Iran iyo Imiraadka oo ah wadamada ugu dhaqaalah xoogan beriga dhexe.
  2. Ardogan kahor Turkey waxay aheyd kaalinta 111 dhaqaalaha aduunka, maantana kaalinta16, taas oo kadhigeyso inay Turkey gashay 20 dowladood ee aduunka ugu dhaqaalaha xoogan, oy sidaas xubin buuxda kanoqotay naadiga loo yaqaan G20
  3. Sanadkii 3aad oo isdabajoog ah ayaa diyaarada Turkish Airline lagudoonsiiyey inay tahay diyaarad laraaco tan ugu fiican.
  4. 10 sano gudahood dowlada Turkey waxay talaashey 2milyaar iyo 770 milyoon geed oo isu jira kuwa miro leh iyo geeda sikale looga faa’ideysto
  5. Dowlada Turkiga waxay sameysatay markii uhoreysey taariikhda wadanka gawaarida gaashaaman ee aysan rasaasta Karin, diyaarada xamuulka,diyaaradaha sirdoonka ee aan laheyn tuuliye(drones), dayax-gacmeedk loo istimaali karo howlaha militiriga iyo ujeedooyin kala duwan!
  6. Ardogan 10 sano gudahood wuxuu dhisey 125 jaamacadood , 189 iskuul,510 dhakhtar,169 kun oo fasalo casri ah oo kiiba ay fariisanayso 21 arday.
  7. Markuu burburay dhaqaalaha Europe iyo America ee jaamacadahooda kordhiyeen lacagta(rusoom/fee) waxbarashada, Ardogan wuxuu soo saaray amar in dhamaan waxbarashada wadanka laga dhigo bilaash oo ay dowlada bixiso wixii kharash ah
  8. Dakhliga qofka Turkiga wuxuu ahaa 10kii sano ee lasoo dhaafay isku celcelis $3500 kaas, sanadkii 2013 wuxuu gaaray11,000, kaas aad ugu sareeyo dakhliga muwaadinka France kunool! Lacagta wadanka ee loo yaqaan Lira ayaa qeymaheeda kor ukacay 30 jeer.
  9. Dowlada Turkey, 300,000 oo caalim oo kutakhasusay majaalo kaladuwan ayey kahawlgalisay inay sameeyaan cilmi-baaris si loo gaaro hormarka latiigsanayo sanadka markuu yahay 2023
  10. Dhanka siyaasada, Ardogan wuxuu nabad kadhaliyey labada jasiiradood ee ay ukala qeysantahay Qubrus(Cyprus), wadahadalo nabadeedna lagalay Kurdiyiinta sidii loo joojinlahaa dhiiga qubanaya, wuxuu ucudurdaartay wadanka Armania oo khilaaf udhexeeyey 90 sanadood
  11. Ardogan intuu xukunka qabtey, mushaarka shaqaalaha wuxuu kor ukacay 300%. Waxaa hoos udhacay shaqo la’aantii aheyd 38% ilaa ay gaartay 2%
  12. Miisaaniyada waxbarashada iyo caafimaadka ayaa kabadan tan difaaca, isagoo siiyey macalinka mushaar udhigma kan dhakhtarka!
  1. Turkey waxay dhisatay 35,000 mukhtabar(laboratory) lagu baaraya technology iyo macluumaad casri ah oo muhiim ah, kuwaas oo ay kutabobaranayaan da’yarta wadanka, ayagoo xur ka ah hay’adaha sirdoonka reer galbeed ee had iyo jeer gacanta kudhiga maskaxda qofkay soo tababaraan
  2. Ardogan wuxuu bixiyey deyntii Turkey kulahaa bankiga aduunka gabi ahaanba, qeybtii udanbeysay wuxuu bixiyey bishii May ee lasoo dhaafay, kadibna isagaa amaahiyey bankiga aduunka 5 bilyan! Wuxuu kusoo shubay bankiga dhexe ee dowlada 100 bilyan, xili ay dowlada waaweyn ee Europe iyo America ay lakufaa kacayeen mashaakilka kadhashay deymaha, ribada iyo hay’adaha dhaqaalaha ee kacay(iflaas).
  3. 10 sano kahor Turkey dhaqaalaha kasoo galo waxyaabaha ay aduunka u iibgayso wuxuu ahaa 23 bilyan, maanta wuxuu maraya 153 bilyan.
  1. Xukuumadda Ardogan waxay dib uhagaajin kusamaysay qashinka iyo wasaqta magaalooyinka si ay ugu soo saarto tamarta koronta ay kafaa’ideystaan sedex meelood shacabka Turkey, guud ahaan, 98% guryaha wadanka waxay leeyihiin koronta
  2. Ardoganka aad kusheegteen(Carabay) inuu yahay kaligiis taliye(dictator),waa kan meel lafariistey gabaryar oo 12 jir ah, oo ay dhexmartay dood lagawada daawaday warbaahinta, ayagoo kadoodaya mustaqbalka wadanka. Dood intay socotay, Ardogan wuxuu ahaa mid aad ula cajiibey caqliga gabadhaas, wuxuuna muujiyey ixtiraam ra’yigeeda isagoo kudhiirigalinaya caruurta Turkey inay kudaydaan habka dood wanaaga iyo cida mustaqbalka xukumi doonta.
  3. Ardogan wuxuu saaxibo layahay Israel sida aad sheegataan carabay laakinse wuxuu kuqasbay inay kacudur daarato dhacdadii Marmara ee usocotay Gaza, wuxuuna shardi kaga dhigay inay Gaza cunaqabateyta kaqaado si uu u aqbalo cudur daarkeeda
  4. Ardagan waa kii cambaareeyey madaxweynaha Israel Shemon Pares oo shirka isaga kacay ayadoo ay carab iyo cajaba fadhiyaan Gaza darteed isagoo yiri: Waa ceeb iyo wax laga yaqyaqsooda inaad usacab tuntaan hadalka Shemon kadib markii ay Israel kugumaadey kumanaan caruur iyo dumar ah magaalada Gaza
  5. Kuwiinaan daba dhilifka u ah Bashaar iyo Sisi, Ardogan mucaaradkiisa wuxuu kala hortagay biyo ee kuma weerarin diyaaraha dagaalka iyo baraamisha qarxa
  6. Ardogan waa hogaamiyaha kali ah ee diidey inay gabadhiisa xijaabka iska dhigto si ay uaado Europe oo ay wax ugu soo barato, kahor intaan la ogalaan xijaabka Turkey
  7. Ardogan waa hogaamiyaha Muslimka ee booqday Borma(Miyamar) isaga iyo xaaskiisa, isagoo lakulmay dhibanaasha muslimiinta wadankas
  8. Ardogan wuxuu amar kubixiyey arday kasta oo reer masar ah oo jaamacada kacayriyeen afduubayaasha Masar inuu kadhameystirto waxbarashadiisa Turkey lacag la’aan
  9. Ardogan wuxuu soo celiyey in Qur’aanka iyo xadiiska Nabiga(SCW) lagu dhigo iskuulada wadanka kadib markii ay arintaas mabnuuc aheyd 90 sanadood. Afti laga qaaday ardayda ayaan ku ogalaadeen cod 91%
  10. Ardogan wuxuu uduubtay sidii xijaabka looga qaadan lahaa jaamacadaha dowlada hoostaga iyo goobaha cadaalada, afti lagaqaaday shacabka wadanka
  11. Ardogan waa hogaamiyaha kali’a ee muslim ah ee kadul ifiyey buundada aduunka ugu weyn dusheeda bisinka Allah, ayadoo sida la’ogyahay dowlad Carabnimo iyo muslimnimo sheeganayso ay sameysay Chrismass tree (geed-gaaleed) ugu weyn aduun, qeymahiisa gaaraya $40 milyan (Emirates)
  12. Ardogan wuxuu qabtey isu soo bax weyn oy isugu yimaadeen 10,000 caruur 7 jir ah ayagoo kuwareegaya wadooyinka Stanbul si ay dadka ugoysiiyaan inay 7dii sano ubuuxsantay oo laga bilaabo maanta ay tukanayaan salaada oo ay bilaabayaan Qur’an akhris.

Guulaha Ardogan ma’ahan wax lasoo koobi karo.Sidey aniga ilatahay guulaha ina adeerkey Ardogan,wuxuu nadareensiiyey sharaf, karaamo iyo inaan madaxa kor dhulka ugu qaadno oo aan isdhiibin.

Madaxda Carbeed, waxay ukala hormarayaan sidii ay dhulka noogu jiidi lahaayeen oy noo duleyn lahaayeen, ayagoo had iyo jeer naxasuusinayaan inaan nahay geel jirayaal aan xukun xaq ulaheyn. Intaas waa qaar kamid ah guulaha uu gaaray Ardogan ee yaa kale muteystey walaaalnimaday (walaa’i) oo aan Ardogan aheyn?

Qore Ehsan Al-Faqeh Al-urdinaya

(الكاتبة الاردنية الارهابية الظلامية الاردوغانية الاخوانية الحمساوية التميمية)

احسان الفقيه

Turjume Adam Abuzuhri:Abuzuhri1@gmail.com

Qoraalkii oo Carabi ah: https://ar-ar.facebook.com/ehssanfakih/posts/797738986918026 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " “Waa kaas ina adeerkey Ardogan!” WQ. Adam Abuzuhri "

  1. adams says:

    ha u baahan tahay amaah ah ee marketing

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.