Waxaa sanadahan dambe aad u soo baxay marka la rabo in la iibiyo badeeco in loo sameeyo suuq gayn, oo mararka qaarkood shirkadaha xafiiska wax iibinta waxaa uga qarash badan xafiiska suuqgaynta, macnaha iyo ujeedada looga danleeyahayna waa cadahay oo waa in dad badan ay badeecadaas ama khadamaadkaas ay isticmaalaan.
Waxaad mooda in dacwada faafinteeda ay uga mudantahay in loo sameeyo suuq gayn si dadka aqbalaayo dacwada ay u noqdaan kuwo badan oo ay si fiican u gaarto, allah subxaanahu watacaalaa markii uu noo tilmaamaayay waxaa uu ku laray faafinta dacwada xigmad iyo wacdi wanaagsan oo
(: ادْعُ إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ) sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah ayadoo dariiqii nabiga scw la raacaayo in dacwada aan wadno hadaa nahay ducaad iyo culimaba in loo hagar baxo fahamsiinta diinta dadka dhagaystayaasha ama aqristayaasha.
Waxaan joognaa caalam shubhaadka uu aad u batay hadaan xigmad iyo wacdi wanaagsan aadan isticmaalin waxaa soo baxayso in aad adigii khayrka waday aad dacwadii lid ku noqoto.
Waxaana loo baahanyahay sida cad in daaciga inta uusan ka howlgelin ka shaqaynta dacwada in uu soo maro tababar gudbinta dacwada, maadaama dacwada ay tahay shayga ugu muhimsan ee laga shaqeeyo, sida aan wada ognahay shaqadii nabiyayaasha waxay ahayd gaarsiinta dadka dacwada allah.
Waxaa runtii aan xasuustaa oo aan hilmaamaynin bishii sideedaad 2006dii kulan magaalada muqdisho gaar ahaan markazka ibnu baaz ay ducaada kula yeesheen labada sheekh ee kala ah sheekh maxamed umal iyo sheekh maxamed idriis, waxaa ka mid ahaa kalimaadkii sheekh maxamed idriis in ducaada ay u baahanyihiin in ay bartaan cilmiga iibinta (sales) iyo suuq gaynta (marketing) maxaa yeelay waxaa uu yiri sheekha labadaa maado cilmigooda waxaa uu ka hadlaa qancinta macaamiisha sidaa oo kale ayuu daaciga uu u baahanyahay in uu qanciyo dadka oo uu fahamsiiyo wanaaga uu sheegaayo.
Baahida aan u qabno maanta dacwo saafi ah oo xigmad iyo degenaan ku dheehantahay way ka badantahay wax kaste oo kale, sidaan soo sheegay shirkadaha waxay ku bixiyaan dhaqaalo iyo waqti badan si ay shaqaalahooda u bari lahayeen sidii ay u qancin lahaayeen macaamiilkooda, siidaa si la mid ah ama ka daran ayaa waxaan u baahanhay maanta in daaciga dacwada islaamiga xanbaarsan uu u nqodaa mid u guta dacwadiisa si ku dheehantahay xigmad, degenaan, wacdi wanaagsan, si ay u soo baxdo natiijadii la rabay ee ahayd raali gelinta allah iyo in dadkiina ay hagaagaan.
Allow nagu irzaaq in aan si wanaagsan u gudano waxa wanaagsan ee aad jecashay ee ah faafinta dacwada islaamiga ah.
W/Q. Maxamed Aadan Cabdile, Johannesbur/RSA
ibnuadam15@hotmail.com
Waxaa Mahad iska leh Allaah ee soo dhex mariyay maskxdaada kadibna kashaqeysiiyay gacantaada ku qoray….