Marka laga hadlaayo calan iyo xuska uu yeelan karo, waxaa lagama maarmaan ah in ay jiran astaamo iyo fasiraad gaar ah oo uu leeyahay calanka ee ma jirto in sabab la’aan calan uu dal leeyahay si laab la kac ah loo yiraahdo “maalin heblo waxaa loo asteeyay in ay noqoto maalinta xuska clanka.”
1. Fasiraadda Calanka Qaranka (Definition of National Flag)
Calanka Qaranku waa astaan (ama Summad) u gaar ah qaranka, astaas oo loo sameeyay (designed) qaab aan cid kale la wadaagin oo ka soocaysa (Symbolises ) dhammaan calammada kale ee Qarrammada dunida kale leeyihiin, taas oo macnaheedu yahay waa astaan muujinaysa in aan Qaran kale oo astantaas leh uusan dunida ka jirin.
Calanka Qaranku waa in uu haysto aqoonsi caalami ah, taas oo macnaheedu yahay Calanku waa astaan loo aqoonsan yahay Dal, Dad iyo Dawlad xor ah oo leh awood darajaysan (Sovereignty) xudduud iyo dastuur la aqoonsan yahay.
Dadweynaha Qaranka uu Calanku matalayo waa in ay wada aqoonsan yihiin lahaanshaha Calankaas (Ownership of the Flag) iyagu taas oo sugaysa sharci ahaanshaha Calankaas.
2. Munaasabadda Xuska Maalinta Calanka.
Caada ahaan xuska malmaha heer qaran ee dunida laga xuso waxaa ka mid ah:
b) Xuska maalmaha diimeed
t) Xuska maalinta gobonnimada ama Xorriyadda
j) Xuska maalmaha murugada (memorial day)
x) Xuska maalin guul weyn la gaaray, sida maalinta cadaw dalka ku soo duulay la jabiyay, (victory day)
kh) Waxaa jiri kara xuska heer hey’adeed ee dal kasta qaar hey’adihiisa ka mid ahi yeelan karaa, sida: Maalinta xuska ciidanka qaranka, maalin gaar ah oo lagu xasuusto laguna xuso qayb ka mid ah ciidanka qaranka, iyo maalinta qayb ka mid ah ururrada bulshada iwm.
4. Ujeeddada xuska maalin taaariikhi ah laga leeyahay.
Ujeeddooyinka xuska maalmaha xasuusta mudan laga leeyahay waxaa ugu muhiimsan in taariikhda maalintaas facba faca ka dambeeya (Next Generation) uu dhaxalsiiyo, si looga hortago in dhaxalka taaariikhiga (Historical Heritage) ah ee dalkaas leeyahay uusan nabaad guurin.
5. Xuska iyo Munaasabadaha Soomaalida ee xilliyadan dambe
Wixii ka horreeyay burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991kii, munaasabadaha guud ee dalka laga xusi jiray waxay ahaayeen:
- 26ka Juune, waa maalintii ay Gobolladii Woqooyi xorriyaddooda Boqortooyada Ingriiska ka qaateen.
- 1da luulyo, waa maalintii Xorriyadda Gobolladii Talyaanigu Gumaysan jiray iyo midnimadii labada qaybood ee Soomaaliyeed ee xoroobay.
- 21ka October, waa maalintii uu dalka ka curtay kacaankii 21kii October 1969kii.
Saddexdaasi munaasabdood waxay ahaayeen kuwo si heer qaran ah dalka oo dhan looga xuso, sida uu qof kastaaba garan karana waxay lahaayeen macne weyn oo la isku wada waafaqsan yahay oo heer qaran ah. Kaas oo ah labada munasababood ee hore oo maalmaha xorriyadda iyo midnimada Qaranka iyo maalinta 21ka October oo ah maalin dalka is beddel weyn oo siyaasadeed dalka ka dhacay.
Waxaa kale oo dalka si heer hey’adeed ah looga xusi jiray maalmo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku taxan:
- 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
- 12ka Abriil maalinta xooga dalka Soomaaliyeed
- 17Abril maalinta dhirta soomaaliyeed.
- 15kii May 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
- 20kii December maalinta ciidanka booliska soomaaliyeed
- 21 November maalinta macalinka soomaaliyeed
- 1da May Maalinta Shaqaalaha.
Intii ka dambaysay burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Sannadkii 1991kii, waxaa dalka Soomaaliya ka soo shaac baxay oo maalinba maalinta ka dambaysana ku soo badanaya xaflado aad u tira badan oo dalka gudihiisa iyo qurbahaba ka dhaca. Waa ifafaale (phenomena) cusub ayaa la oran karaa, kaas oo ku soo biiray jahawareerka ay Somaliya muddada 25ka sannadood ah ku sugan tahay.
Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadanno, 21kii Bishan October 2014ka, waxaa Somaliya si weyn looga xusay munaasabad loogu magac daray maalintii Calanka, waa markii ugu horraysay oo taarikhda Somaliya la xuso maalinta la sameeyaya naqshadda Calanka Somaliyeed.
Haddii aad u fiirsato xafladaha loo sameeyay maalinta Calanka waxaa ku hor imaanaya su’aalo ay ka mid yihiin:
- Ugu horrayn in Calan dal leeyahay iyo mid kale xus gaar ah loo sameeyo ma tahay wax dunida caadi ka ah?
- Haddii uu jiro dal Calankiisa xus gaar ah u sameeya, muxuu ku salaysan yahay xuskaasi?
- Waa maxay sababta keentay 60 sannadood ka dib in Somaliya laga xuso maalinta Calanka Somaliyeed?
- Calanka Somaliyeed ee la xusayo horta ma nool yahay mise waa hore ayuu geeriyooday?
- Xaaladda ay Somaliya maanta ku sugan tahay ma tahay mid Calankii 1954kii la naqshadeeyay ku midaysan kuna karaamaysan?
- Calankii Somaliya ee la naqshadeeyay Sannadkii 1954kii ma ku farxayaa in maanta la xuso mise waxaa uga habboonaan lahayd in loo baroor diiqo?
- Su’aasha intaas oo dhan ka sii macnaha weyn ayaa waxay tahay, “waxaan dunida inteeda kale wali ka dhicin, in Xus heer qaran ah loo sameeyo arrin taarikhda Qarankaas leeyahay ku weyn isla markaasna aan qofkii taariikhdaasi sameeyay ama guusha la xusayo soo hooyay aan isaga xisaabtaba lagu darin ama si iska hoosaysa (low Profile) loo soo qaato.
Wax kasta oo dunida ku soo kordha qof ayaa ku soo kordhiyay, haddii waxaase yihiin wax xusid mudan qofkii keenayay ayaa marka hore xusidda mudan, mana ahan wax dunida ka dhaca in xus la sameeyo isla markaasna ciddii waxa la xusayo soo kordhisay aan micna badan loo yeelin.
Haddaba, waxyaabaha kale ee aan hubo in dad fara badani su’aalo ka qabaan aan la gaarin, waxaa in jawaab lagu qanci karo laga bixiyo u baahan, sababta xuska maalinta Calanka aan wax weynba looga soo qaadin halgamaagii weynaa ee Calanka isagu maskaxda iyo waqtiga badan ku bixiyay “Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan?”
Haddii aan su’aashaas jawaab lagu qanco loo helin, waxaa halkaas ka dhalanaysa su’aal kale oo oranaysa “maxaa haddaba loola jeeday xuska cusub iyo maalinta cusub ee xilligan gaarka ah loogu magic daray maalinta Calanka Somaliyeed?”
Ugu dambayntii, waxaa muuqata in dad, dal, dowlad iyo qaran burburay in Calankii uu markii dhisnaa lahaan jiray geeridiisa ka dib halkii loo baroor diiqi lahaa in loo dabbaal degay, waa arrin loo qaadan karo oo kaliya in loola jeedo sidii loo dabooli lahaa oo indhaha dadka iyo caalamkaba looga qarin lahaa xogta iyo xaqiiqada dhabta ah ee hadda taagan iyo halista dhinacyada badan ee soo fool leh “haddii aan Ilaah xaggiisa badbaado laga helin.”
Dr. Xasan Sh. Cali (Xasan Cadde)
Email. info@eurosoma.org
Birmingham, United Kingdom
Your feedback is most appreciated.