Home » News, Rayi »

Habeenka Kowaad ee Arooska – WQ: Ibrahim Hassan Gagale

marriage-life-OptimizedMuslimka Habeenka arooska waa habeenka kowaad ee wiil iyo gabadh ay kulmaan iyaga oo isku ah say iyo oori kuwaas oo arooska ka hor ku kala noolaa laba adduunyo oo kala duwanaa. Waa habeenka ugu muhiimsan nolosha guurka ee lammaanaha oo caruuska iyo caruusaduba la rabo inay ogaadaan inay bilaabayaan nolol cusub. Habeenku maaha habeen midna caadi u ah oo labaduba waxay dareemayaan deganaansho la’aan, gabadhuna waxay si gaar ah u dareemaysaa cabsi, werwer, iyo xishood. Haddana, waa habeen labaduba farxad iyo riyaaq hoos ka dareemayaan si mid kastaba midka kale u fahmo si ay u bilaabaan nolol-guur oo raaxo leh. Waa habeen labadaba uga baahan in si taxadar leh u wada maamulaan si aanu u dhicin khalad saamayn ku yeesha nolosha guurkooda mustaqbalka.

Caruuska iyo caruusadaba mid kastaba waxaa isku dayayaa karaankiisa si umuuruhu ugu fududaadaan. Mid kastaba waxaa uu kula dhaqmayaa midka kale dabacsanaan, jiljileec, naxariis, iyo taxadar weyn. Waa habeen mid kastaba sugi la’yahay sidii mid kastaba midka kale ugu dhiirran lahaa una bilaabilaah sheeko isku soo dhaweysa labadooda oo horseedda raaxo iyo farxad. Habeenkaas waxaa labadaba la gudboon inay is-dejiyaan wadana sheekaystaan si hawluhu ugu fududaadaan. Sayga waxaa laga rabaa inuu kula dhaqmo ooridiisa cusub naxariis iyo sheeko macaan oo qalbigeeda dejisa.

Gabadhkasta waxay dareentaa werwer ama xishood habeenka kowaad ee arooska.

Dabcan, waa kulan muhiim ah oo gabadh keli ku tahay wiil markii ugu horraysey nolosheeda kana soocantay reerkeedii soo koriyay oo u ahaa hoy sannado badan si ay u bilowdo nolol cusub oo qoys. Habeenkaas waxaa ay caruusaddu u baahantahay baallasha ballaadhan ee naxariista iyo jacaylka carruuska. Dumarku weligood ma illaawaan marka ugu horraysa ee ay la kulmaan nin. Haddii habeenka kowaad noqdo habeen leh xiiso, naxariis, dabacsanaan, raaxo, farxad, iyo is-faham weyn, gabadhu waxaa ay dareentaa mahadin ay u hayso ninka nolosheeda oo dhan. Waayo-aragnimadan aan la illaawikarin waxay markasta ku jirtaa xusuusteeda, qalbigeedana kama baxdo weligeed.

Si gabadhu u uga adkaato werwerka, cabsida, iyo xishoodka hareereeya habeenkaas, waa in caruusku kula dhaqmaa caruusadiisa naxariis, asluub, dabacsanaan, iyo jacayl. Waa inuu u diyaariyaa caruusadiisa xidhiidh ku abuura kalsoooni una sharraxaa in werwerka iyo cabsida ay qabtaa aanu sabab lahayn kuna dhiirigeshaa inay hadasho. Waa inuu ogaadaa in ooridiisa cusub ay aad ugu baahantahay inay dareento jacaylkiisa iyo naxariistiisa iyo inay maqasho ammaantiisa. Caruusku waa inuu u muujiyaa caruusadiisa u dhawaansho iyo mukhlisnimo iyo inuu ka dhawro cadaadis iyo xoog kuna dadaalaa inuu ka yareeyo fulaynimada. Waa wax dabiici ah in caruusaddu ka xishooto inay si caadi ah ula hadasho caruuskeeda habeenka kowaad ee arooska. Caruusku waa inuu kula hadlaan hadal macaan, dabacsan, naxariis leh si uu si tartiib-tartiib ah qalbigeeda ugu galo isaga oo og inay caadi tahay inay maqlayso iyada oo aamusan si ay marba u siiso jawaab kooban.

Gabadhu waa inay fahamtaa, dhankeeda, inay waajib ku tahay inay saygeeda cusub la qaybsato farxadda iyo jacaylka waana inay u hoggaansantaa rabitaankiisa dabiiciga ah. Waa inay ogaataa in galmadu tahay waajib la xidhiidha abuurka Eebbe (S.W.T) Aadanaha isla markaana xusuusataa xikmadda ku jirta si ay uga adkaato werwerka iyo cabsida ay dareemayso habeenkaas. Haweeneyda caadiga ah waxaa laga yaabaa inay marka hore xishood is-giijin ah muujiso si ay u soo jiidato ninkeeda oo uu u hanto iyada oo aan muujin wax iskacaabbin ama diidmo ah, hanasho leh asluub, tudhid, iyo dabacsanaan. Marka dareenka raaxada galmadu si fiican u fusho oo ay labadaba si farxad leh u taabato, ninku waxaa uu la qaybsadaa ooridiisa dareenka farxaddaas isaga oo ku duceeya kana barya Eebbe (S.W.T) inay ku wada noolaadaan nolol leh farxad iyo barwaaqo.

Marka ay qolka jiifka wada galaan waxaa looga baahanyahay in mid kastaba midka kale ku salaamo salaanta Islaamka isaga oo saygu ku horraynayo. Waxaa kale oo laga rabaa sayga inuu gacantiisa midig saaro wejiga ooridiisa cusub dabadeedna uu akhriyo ducada lagu ducaysto habeenka kowaad ee aqal-galka ee soo socota:

Cabdullaah Bin Caamir (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe (N.N.K.H) inuu yidhi: “Marka midkasta oo idanka mid ah uu guursado oori cusub, waa inuu gacanta saaraa wajigeeda dabadeedna uu yidhaahdaa: ‘Eebbow waxaan ku weydiisanayaa khayrkeeda iyo khayrka ay u janjeedho, waxaana kaa magangelayaa sharkeeda iyo sharka ay u janjeedho.” [Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Sunanka Abu Dawuud iyo Sunanka Ibnu Maaja].

Marka laga hadlayo wax dhicikara, duco kasta oo haweenka si gaar ah ula xidhiidha, raggana way khusaysaa sababta oo ah midkasta lammaanaha waxaa uu rabaa inuu helo wanaagga midka kale. Sidaas daraadedd, haweeneyda waa loo oggolyahay inay iyaduna ducadan ugu ducayso ninkeeda. Oorida cusub waxay iyaduna odhanayasaa isla ducadan marka ay saygeeda cusub la kulanto marka ugu horraysa, waxayna dhahaysaa: “Eebbow! Waxaan ku weydiistay khayrkiisa iyo khayrka uu u janjeedho, waxaana ka magangelayaa sharkiisa iyo sharka uu u janjeedho.”

Sababta ducadan loo akhriyayaa waxaa weeye iyada oo Ibna Aadamku aanu ka badbaadin faqa xun ee Shaydaanka marka laga reebo Ambiyada kaas oo gayaysiinkara qofka inuu u janjeedhsado dhinaca xumaanta ama sharka. Sidaas daraadeed, waxaa lammaanaha cusub lagu dhiirigelinayaa inay ducada midkastaba ugu duceeyo midka kale si ay uga nabadgalaan sharka Shaydaanka ee isku dira sayga iyo ooridiisa. Ducada macnaheedu maaha in saygu ama ooridu tahay shar ee waxaa weeye uun in laga nabadgalo saamaynta sharka Ibliiska.

Habeen ka kowaad ee guri-galka, caruuska iyo caruusaddu aad ayay u daallanyihiin culayska hawlaha iyo diyaargarowga ee maalinta arooska awgeed. Markaas maaha wax khasab ah ama waajib ah inay habeenkaas sameeyaan galmo. Haddii uu rabo, waxaa habboon inuu habeenka kowaad u sheekeeyo, qalada iyo cabsida ka saaro gabadha, niyadeedana dejiyo oo aanu kula degdegin galmo maadaama ay nolosha intii badnayd sugayso oo ay galmada u haystaan waqti badan oo ku filan.

Laakiin, Si kastaba ha noqotee, waa ay dooran karaan inay galmo sameeyaan habeenka kowaad ee arooska haddii aaynay dhib iyo culays midna ku ahayn. Markasta oo sayga iyo ooridu rabaan inay galmo sameeyaan, waa inay akhristaan ducada lagu ducaysto oo uu samayn jiray, Muslimiintana kula dardaarmay Rasuulka Eebbe (S.C.W), taas oo ku cad xadiiska soo socda:-

Ibna Cabbaas (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe (N.N.K.H) inuu yidhi: “Marka midkasta oo idanka mid ah uu la galmoonayo ooridiisa, waa inuu dhahaa: ‘Eebbow! Aniga oo magacaaga ku bilaabaya, naga nabadgeli Shaydaan, kana nabadgeli ilmaha aad nasiiso Shaydaan.” Haddii uu markaas Eebbe u qoro ilmo galmadaas awgeed, Shaydaanku awood uma yeelanyo inuu waxyeelo ilmahaas.” [Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Saxeex Al-Bukhaari iyo Saxeex Muslim].

Waxaa kale oo muhiim ah inaan caruusku ka shakiyin ama tuhmin bikranimada caruusadiisa haddii ay ugu muuqato in aanay ahayn bikrad xuubka oo jaban awgii. Gabdho dhawrsan oo weligood aan macsi samayn ayaa uu ka jabikaraa xuubka bikranimada.Tuhunku waa wax aan sal iyo raadtoona lahayn iyo figrad shareed oo qof ka haysto qof kale taas oo reeban Diinta Islaamka. Xuubka bikranimada gabadha ee ku daboolan xubinteeda taranka waxaa dhaawicikara oo jebinkara waxyaabo badan oo ay ka midyihiin dhiig caado oo culus, xanuun gabadha ku raaga, dhicid, boodo, iyo ciyaaraha qaar. Waxaa suurtagal ah in macsi galmo lagu tuhmo gabadh aan macsi samayn weligeed sababta oo ah xuubka bikranimada ayaa jaban. Sidaas daraadeed, raggu waa in aanay tuhmin caruusadahooda wanaagsan haddii uu jaban yahay xuubka bikranimada oo u tuhmin in gabadhuhu sameeyeen galmo macsi ah guurka ka hor.

Eebbe (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Kuwa (xaqa) rumeeyow! Ka jooga wax badan oo male ah (tuhun). Xaqiiqdii, malaha qaar waa dembi.” [Suuradda Xujuraat, Aayadda: 12aad].

Abu Hurayra (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe (N.N.K.H) inuu yidhi: “Iskadadka kale, ha is basaasina, ha is necbaanina, ha kala teginina (qaraabada ha goynina), noqda addoomo Eebbe, noqda walaalo.” [Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Saxeex Al-Bukhaari].

Bikrad-jebinta gabadha ee habeenka ugu horreeya ee galmada lammaanaha midna dhibaato weyn kuma hayso haddii aan gabadha lagu samayn Gudniinka Fircooniga ah ee daran. Haddii gabadhu aanay qabin Gudniinka Fircooniga ah balse ka dareento xanaf ama hafeef xubinteeda taranka waxaa ay ku qaboojinkartaa faasliin ama waxaa markaas ku habboon. Maaha wax laga argagaxo haddii gabadhu isku aragto dhiig yar ka yimaada marka xuubka bikranimadu jabo. Maaha wax dhibaato leh, waa wax caadi ah oo joogsada dhakhso. Wiilku waa in aanu noqon axmaq haddii galmadu dhibayso ooridiisa cusub oo uu marba u kaadiya.

Haddiise gabadhu qabto Gudniinka Fircooniga ah waa in wiilku ogyahay in galmadu xanuun iyo dhiig-bax ku hayso gabadha oo loo baahanyahay inuu aad ugu naxariisto kana ilaasho galmada dhawr maalmood ilaa inta gabadhu ka bogsanayso dhaawaca ay galmadu u keento xubinteeda taranka. Ragga qaar ayaa aaminsan in gabadha lagu bogsiiyo galmada. Runtii, figradaas waa jaahilnimo, axmaqnimo, arxandarro, iyo naxariisdarro. Waa in si rasmi ah looga tanaasulaa figraddan khaldan.

Jareer Bin Cabdullaah (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Eebbe (N.N.K.H) inuu yidhi: “Qofka aan u naxariisan dadka, Eebbe uma naxariisandoono.” [Diiwaanka Xigashada Xadiiska: Saxeex Al-Bukhaari iyo Saxeex Muslim].

Gudniinka Fircooniga oo dhibaatooyin badan u leh caafimaadka haweenka waa dhaqan fool xun, waaxana dhibaatada caafimaadka ee dhaqankaas xun sabab u ah bedelaadda lagu samaynayo abuuritaanka Eebbe (S.W.T). Abuuritaanka Eebbe (S.W.T) oo la bedelo waa dembi, sidaas ayuu xaaraan ku yahay Gudniinka Fircooniga ah oo ah qalliin arxandaran, oo leh xanuun badan. Dhaqankan foosha xun ee lagu bedelayo abuuritaanka jidhka qofka waa xaaraan xagga Diinta Islaamka sida ay caddahnayso Aayaddan hoos ku qoran.

Eebbe (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Abuuritaanka Eebbe lama bedelo.” [Suuradda Ar-Ruum, Aayadda: 30aad].

Soomalidu meelkastaba ha jooogtee, waa inay cidhitirtaa dhaqanka foosha xun ee Gudniinka Fircooniga ah oo raacdaa gudniinka Sunnaha ah ee wiilka laga jarayo buuryada, gabdhahana laga jaro caarada wasladda huwan xubintooda taranka. Ujeedada labadan caaro loo jarayo waxa weeye in laga ilaasho inuu jeermis ku dhasho xubnaha taranka ee ragga iyo haweenka.

Author: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Date: Dec. 18, 2014.

[Qormadan waxaan ka soo qaatay Buugayga cusub ee lagu magacaabo:- Aragtida Islaamka: Guurka, Qoyska, iyo Xidhiidhka Galmada, kaas oo ku salaysan Diinta Islaamka oo aan ka turjumay Buugayga Afka Ingiriisiga ku qoran oo lagu magacaabo:- Islamic Golden Book: Marriage, Family, and Marital Relations].

[Buugga: Islamic Golden Book waxaa hadda laga helikaraa meelaha kala ah:- USA: Amazon.com, Ebay, Books-A-million, Barnes&Nobles and so on; U.K: Amazon.co.uk; Canada: Amazon.ca; Australia: Booktopia.com. Mareegahan ku qor magaca: Islamic Golden Book si aad u aragto Buugga iyo waxa uu ka hadlayo].

[Aragtida Islaamka: Guurka, Qoyska, iyo Xidhiidhka Galmada waxaa uu soo baxayaa Xagaaga 2015 In Shaa Allaah].

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.