Home » Faallo, News »

Ixtiraam la’aan u soo hoyatay afka hooyo – WQ. Macallin Farxaan

shire-jama2-427x500Haddii aad dhageysato idaacadaha ku baxa afka hooyo, siiba kuwa na loo ka soo tebiyo waddamada shisheeyaha, iyo haddii aad daawato cajaladaha muuqaallada ah ee Soomaalida ee ku jira intarnetka, waxaa yaab kugu noqonaya inaad dhageysato ama aad aragto Soomaali badan oo aan hal daqiiqo ku hadli karin afkooda hooyo oo keliya. Ma jaahilnimo ayaa ugu wacan? Ma waxay doonayaan in la yiraahdo waa dad aqoon leh? Ma dhab ayey ka tahay aqoon la’aanta afka hooyo sida carruurta qurbaha qaarkood? Jawaabo badan ayaa loo heli karaa; hase yeeshee waxaaba ka sii daran kuwa ku sugan dalka gudihiisa ee iyaguna af shisheeye ku hadaaqa.

Taariikhda miilaadiga markay ahayd 21-kii Jannaayo, 2015 waxaa Muqdisho lagu xusay sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegatay markii la qoray farta Soomaaliga laatiinka ah oo noqotay fartii ugu dambeysay ee la soo hindiso oo dadkuna si dhakhso ah u barteen. Fartaas waxaa soo allifay AUN Shire Jaamac Axmed oo ku geeriyooday Dalka Iswiidhan. Waxaa laga dhex doortay in ka badan toban far oo ay soo allifeen aqoonyahanno badan oo iyaguna markii dambe aad uga shaqeeyey in la hirgaliyo farta cusub. Waxaa la oran karaa waa far aad ugu sahlan dadka Soomaaliyeed oo dhan, qorista iyo akhrisba, hase yeeshee wax kasta waxa ay ku xiran yihiin waa rabitaanka iyo niyadda. Sidaan ogsoonnahay fartaasi waxay noqotay mid looga maarmay adeegsiga afaf qalaad oo dhan iyo afka Carabiga oo Soomaalida weligeedba u ahaan jiray afkooda labaad, waxayna gaartay in lagu dhigto tacliinta ilaa heer jaamacadeed. Fartaasi aad ayey u hanaqaadday laga soo bilaabo ololihii barashdada akhriska iyo qorista afka hooyo ilaa iyo kolkii ay dhacday xukuumaddii ciidanka ahayd ee ku dedaashay kuna guuleysatay in ay Soomaalidu yeelato far u gaar ah.

Nasiibxumo tan iyo intii lagu jirey burburkii soo bilowday 1991, dowlad la’aanta iyo dagaallada baahsan ayaa fartiina waxaa ku yimid dibudhac ama horukicid la’aan, balse waxaaba taas ka sii daran dadkii Soomaaliyeed ayaanba niyad u hayn afkooda hooyo. Qaar badan oo laga filayey in ay wax ku qoraan farta Soomaaliga, ayaa waxa ay ku dhaqaaqeen inay af shisheeye ku dhex daraan afka hooyo ee ay ku hadlayaan.

Dadka qaar iyagoo aan si fiican ugu hadli karin ayeyba u haystaan af Ingiriiska in ay ajar ka heli karaan, ama waxay rabaan in lagu sheego in ay yihiin dad aqoon leh oo ka soo baxay jaamacadaha reer galbeedka ee Yurub ama Mareykanka, balse waxaaba dhacda qaar muddo dheer wax ka soo bartay Mareykanka in aysan afkii ay wax ku soo barteen ee Ingiriiska weli jejebinayaan hadal ahaan iyo qoraal ahaan, oo markaasna lagaba shakiyo shahaadooyinka ay wataan. Kuwa noocaas ah ayaa lagu dayanayaa oo aan ognahay shaqooyinka ay u raadsadeen dalkii hooyo ka dib marka ay ku wareereen dhulalka reer galbeedka ama ay ku yaraatay kaalmada iyo kabista dhaqaale ee dadka aan shaqeyn.

Soomaali aqoonyahan iyo barfasoorro lagu sheego iyo kuwa furtay hayado aan macaash ku shaqeyn (sida ay sheegtaan) oo ah qurbajoog badanaa ka hadla idaacadaha afka Soomaaliga ku baxa ee dalaka Ingiriiska iyo Mareykanka (BBC iyo VOA) ayaa aalaaba afka Soomaaliga aad ugu qasa afka Ingiriiska. Sidaas si la mid ah Soomaali kale ayaa iyaguna afka hooyo ku dhex qasa af Ingiriis marka ay duubaan cajalado muuqaallo ah oo shartoodu badan tahay oo ay intarnetka geliyaan. Dadka aqoonta dhabta ah xurmad gaar ah ayey u muujiyaan afkooda hooyo oo marna kuma qasaan af qalaad, xataa afka Carabiga oo aan af qalaad nagu ahayn. Tusaale waxaa noogu filan barayaal jaamacadeed oo dhab ah laguna ixtiraamo maaddooyinka ay dhigaan oo sameeyey maqaallo cilmi-baaris ah iyo buugaag badan, oo weliba qaarkood aysan af Soomaali waxba ku soo baran ama Soomaaliya ka maqnaa afartan sano ama wax ku dhow. Barayaashaas waxaa ka mid qoraaga Nuuraddiin Faarax, Cabdi Samatar, Cabdiwahaab Sh. Cabdisammad oo isagu ka soo jeeda Soomaalida Waqooyi-beri Kenya. Aqoon dhab ah dadkaas iyo kuwa la mid ah ayaa leh, sababtoo ah aad ayey u qiimeeyaan afkooda hooyo.

Waxaa mahad gaar ah mudan dowladda federaalka oo xuskan sameysay muddo laga joogo 25 sano ka dib iyo dadka ka tirsan bulshada rayidka ah ee la shaqeeyey. Waxaase ayaan darro ah in madaxda ugu sarreysa dalka ee ka hadashay xafladda ay badankoodu bartooda ka miiseen, oo ay adeegsadeen erayo badan oo ah af Ingiriis. Waxaa la oran karaa ixtiraam la’aanta ku timid afka hooyo waa arrin ay ka siman yihiin Soomaali badan, sida madaxda oo dhan ee saddexda gole, afhayeennada madaxda saddexda gole, xildhibaannada, maamul-goboleedyada, maamuleyaasha haydaha adeegga dadweynaha oo iyaguna is leh bal kuwaas gaara oo muujiya aqoonta aad u leedihiin afka Ingiriiska. Waxaa loo baahan yahay in baarlmaanku soo dejiyo xeer lagu ilaaliyo ku-hadalka afka hooyo, oo markaasna ay ugu horreyn madaxdu bilowdo ku-dhaqmidda xeerkaas si ay tusaale ugu noqdaan ummadda oo dhan. Qubrojoogta aan afka hooyo ixtiraam u hayn waa in laga ilaaliyo in ay dalka ka shaqeeyaan, sababtoo ah iyagu waxay ay raadinayaan waa sadbursi oo kolayba waxay ku noqon doonaan dalalka ay ka haystaan jinsiyadaha ee ay qoysaskooduna u deggan yihiin.

Macallin Farxaan
macallin.farxaan@gmail.com

Halkaan ka akhri taariikhda Farta Soomaaliga ee Laatiinka ku qoran iyo siday kusoo bilaabatay

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ixtiraam la’aan u soo hoyatay afka hooyo – WQ. Macallin Farxaan "

  1. Cabdullaahi says:

    Macalin Farxaan aad ayuu ugu mahadsanyahay qoraalkaan dheer ee uu noosoo gudbiyey. waxaan ku dari lahaa qoraalka Macallin Farxaan: Madaxda Soomaaliyeed ee wakhtigaan joogto oo uu ugu horeeyo madaxwayne Xassan sheekh ayaan ka cadaalad samaynaynin luuqadda Afka Hooyo ee Soomaaliga, maxaa yeelay iyagoo ku hadlayo luuqado kala duwan, misne aan xusin isku dubaridihii afka soomaaliga ayaana Madaxwaynihii hore ee qaranka Soomaliya Madaxwayne maxamed Siyaad Barre oon ognahay inuu abaal wayn ku leeyahay Taariikhda la xusaayo.
    Cadaaladii ayaa laga tagay ayaan aaminsanahay, illaa cadaalad lagahelo afka soomaaligana lama gaaraayo cadaalad guud .

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.