Aad ayay u adag tahay inaad aragto Xafiis Soomaali mid Guud iyo gaar loo leeyahay oo qoraya Far-Soomaali, Madaxduse waa macquul inay ku hadlaan Af-Soomaali lagu barxay erayo Af-Ingiriisi ama Talyaani ah, malaha siday qabto ilbaxnimada haattan dhulka Soomaalida ka hana qaadday, markay la hadlayaan shacabka hadal hawl looga dhigay.
Shalay waxaa lacag dhisi lahayd dhawr Dugsi lagu bixiyay xaflad ay hadallo riyo Madax oo ay weheliyeen Qoob ka cayaarka Fanaaniinta iyo kuwa Durbaanka u garaacan lagu qabtay Xamar, waxaa dadka loo sheegay inuu Afka Soomaaliga looga Hadlo dhawr dal, laakiin lagama sheegin ogaantay meeshaas inuu jiro Dal kaliya oo qora Far-Soomaali.
Dugsiyada Wax-barasho (Ganacsiga ah) ee guud ahaan Soomaaliya waxaa lagu dhigaa Af-Carabi iyo Ingriisi, fidinta afafka shisheeye ayaa si xoog leh uga hirgalay guud ahaan dhulkeenna, magac bixinta xarumaha ganacsiga iyo dugsiyada qudhooda ayaa waxay wada xanbaarsan yihiin Afaf qalaad. Waxa loo dabaal dagayay malahayga wuxuu iigu muuqday ismuujin iyo hadal malaggii galay, waxaad mooddaa inuu ahaa dhaqan uu nifaaq iyo waxaan uurka jirin lagu barxay.
Xafiisyada Dawladda waxay isu qoraan Far-Ingiriisi, kaba sii darane markay shaqo soo baxdo waxaa lagu xayaysiiyaay Af-Ingiiri, Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa waxay bishaan gudeheeda sheegtay inay jiraan shaqooyin ka banaan, waxaase lagu sheegay Af-Ingiriisi, waxaa laga dheehan karaa xayaysiiskaas shaqo in laga doonayo qofka inuu la hadli karo waxna u qori karo Qaruumo aan Af-Soomaaliga qorin, akhrin kuna hadlin.
Xafiiska Raysal Wasaaraha wuxuu isaguna baalasha (internet) ka ku shaaciyay 6 jago oo ka banaan, dhammaan waxaa lagu qoray Af-Ingriisi , qofka lagu aadinayo laftiisa jagadiisa waxaa lagu sheegay Af Qalaad, Sideen markaa ugu dabaal dagnaa Af-kii Hooyo.
Jabuuti Afka rasmiga ee ay dawladdu ku hadasho waa Faransiis , tacliintana isagaa lagu dhigaa marka laga reebo dhawr Dugsi oo ay maamulaan deeq bixiyaal carbeed kuwaas oo lagu shaaciyo Af-Carabiga, inkastoo looga heeso inta badan Af Soomaali hadana dadka Reer jabuuti way yar yihiin inta akhrin ama qori karta Far-Soomaali.
Xafladdii uu kasoo qaybgalay Ismaaciil Cumar Geelle Madaxwaynaha Jabuuti waxaan xan ku maqlay inay ku baxday adduun kor u dhaafaya 250,000 (Laba Boqol iyo Konton Kun Doollaar oo kaliya). Dhawrkii Iskuul ee ay Dawladdu furtay barigii Farmaajo ahaa Wasiirka 1aad waxaa barayaashii loo waayay Mushaar aan ka badnayn 100 ilaa 300 oo Doollar, waa wax ka yar inta uu Xildhibaan ama wasiir 3 cashho ku seexdo Hotelada Xamar ee loo xardhay xoola aruursiga.
Wasiir ayaan maalin waydiiyay Sawir ku dhaganaa Xarunta Ciidanka Asluubta ee Hargaysa oo muuqaal ahaan loola jeeday inay Shacabka Hargyasa wax ku qaataan, Maxaa Sharaxaadda Soomaali looga dhigi waayay oo Ingriiska loogu qoray?. Wuxuu si kasftan ah u yiri ‘’Adeer shacabka yaa raba inay arkaan, Hay’adaha Adeer.
Aragtida Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com