Inkastoo aanan halkan ku soo koobi kareynin dhammaan Taariikhda Soomaaliyeed, ayaan jecleystay inaan ka hadlo ama idin wada xusuusiyo Taariikh Taariikhaha Soomaaliyeed ka mid ah oo aan marnaba la’ illaawi kareynin, ayna mudantahay in si wayn loo xuso, lana xusuusto siduu ku hirgalay Qoritaankii Afka Soomaaliga.
Allaah (s.w.t.) ayaa Mahadi u sugnaataye, waxaan halkan mahad ballaadhan uga soo gudbinayaa Madaxwaynaha D.F. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynaha Dawladda Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo bishan aynu ku jirno ee (Feb. 21, 2015) ka, si wadajir ah u dhagax-dhigay Xarunta loogu magac daray (Akadeemiya Goboleedka Daryeelka Afka Soomaaliga), taasoo laga dhisaayo Caasimaddeenna Muqdisho, gaar ahaan Degmada (Shangaanni) ee Gobolka Banaadir. Waana mid aannu ku wada faraxnay sida ay halkaa uga sii hanaqaadeen xoojinta, iyo sii hirgelinta xusuusta Qoraalka Afka-Soomaaliga, intii ka dambeysay dagaalkii sokeeye oo ay Ummadda Soomaaliyeed ku baaba’day.
Kow iyo toban (11) sannadood oo muran ka dhex taagnaa Guddigii loo xilsaaray Qoritaanka Afka-Soomaaliga sannadkii (1961) kii, ayey isku Af-garan waayeen xuruufta lagu qorayo Afka Soomaaliga oo ay qolaba dhinac la’ aadday, kaddibna gabi ahaan ku fashilmeen iney wax natiija ah ka gaadhaan. Waxay markaa Dawladdu keensatay Khubaro ka socday (UNESCO), taasina ma’ aysan dhicin in lagu guuleysto.
Kaddibna Dawladdii Kacaanka Soomaaliyeed ayaa dib boodhka uga jaftay Guddigii fashilmay, waxyaabaha ay qaban doonaanna ka mid ahaa Qorista Afka-Soomaaliga. Haddaba Madaxwaynihii Dawladda Kacaanka Soomaaliyeed Mudane S./Gaas Marxuum Maxamed Siyaad Barre (Naxariistii Janna Allaha siiya eh) ayaa sannadku markuu ahaa (1972) kii, ayuu Guddi u magacaabay, amarna ku bixiyay in si deg-deg ah loo qoro Afka Soomaaliga, xarfaha (LAATIINKANA) lagu qoro, waxaana muddo laba (2) sannadood ah lagu hirgeliyay Qorista iyo Barashada Af-Soomaaliga.
Halkaas ayeyna Ummadda Soomaaliyeed Jahligii uga baxday, Luqaddeennuna ku soo biirtay Luqadaha qoran ee Afrika, ayagoo Ardayda Soomaaliyeed fursad wanaagsan u heleen in ay Afkooda Hooyo wax ku bartaan. Sidaa darteed, Taariikhda ayaa xuseysa, oo waa mid aan la’ illaawi kareynin, lana xusuusan doono waligeed inta’ ay Soomaali-wayn nooshahay. Waxaan qoraalkeyga ku soo gunaanadayaa, Midnimada Soomaaliyeed ha guuleysato, ha midowdo, hana is raacdo.
Muuqaalka Ardayda ka qayb gashay Ololaha Hurumarinta reer Miyiga ee (1974) kii SOOMAALI WAA SOOMAALI, GUUSHEENNUNA WAA MIDNIMO Axyaa Waddanii, Axyaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Axyaa Waddanii aslicalansida@hotmail.com ama aslicalansida@yahoo.com