Home » News »

Qoraaladii hore ee Aden Colujoog oo hal bog la’isugu keenay (Akhri waa muhiime)

adenSida aad hoos ku arki kartaba, waxaan hal bog isugu keenay qoraalo dhowr ah oo uu horay u qoray Aden Colujoog, kuwaas oo la xariiray mawduucyo aad xasaasi u ah sida: Taariikhda Af-Soomaaliga, Af-Soomaaliga oo khatar ku jira, khatarta uu leeyahay nidaamka cusub ee ay Soomaalida qaadatay ee Federaalka, qoraalkii uu Soomaalida ku bahdilay qoraa Kenyan ah oo la yiraahdo Donald Kopkorir oo uu Af-Soomaali u turjumay iyo qoraal luuqadda Ingiriiska ku qoran ee uu cinwaankiisu yahay “Somalia’s old chauvinism theory of a Greater Somalia comes to an end!”

Waxaa xusid mudan, in uu qoraagu horaantii sanaddii 2013 uu Soomaalida uga sii digay khatarta uu leeyahay nidaamka cusub ee ay doorteen ee Federaalka, asaga oo isla markaana laba qoraal kusoo bandhigay sababta uu uga biyo diiday in la qaato nidaam Federaal ah, balse taas badalkeeda ku talo bixiyay haddiiba aanay Soomaalida ku kalsooneyn in ay isku maamusho shareecada Islaamka, in aanay badalin nidaam dowladeedkii ay mudada dheer ku soo dhaqmi jirtay oo ah mid Jamhuuri ah ama “Republic.”

Waa kuwaan hoose qoraaladii Aden Colujoog oo aan hal bog isugu keenay si cidii aanan horay u arag ay hadda fursad ugu hesho in ay akhrisato:

Af Soomaaliga qatar buu ku jiraa hadaanan la dabo qaban: Akhri 8 sababood oo muujinaya sababta keentay qatartaas – WQ. Aden Colujoog

Akhriste, haddii aad horay ula socotay saddexdii qormo ee tan ka horeeyay ee aan cinwaanka uga dhigay “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado ka horeeyay”, way sahlan tahay in aad fahanto qormadaan aan kusoo bandhigi doono calaamado muujinaaya in ay luuqadda Soomaaliga mustaqbalka dhiman doonto hadaanan la dabo qaban. Waxaa xusid mudan, in mid ka mid ah laba…

Taariikhda qoritaanka Af-Soomaaliga iyo qatarada muuqda ee lasoo gudboonaaday! W.Q. Aden Colujoog

Saddexdii qeyabood ee qormadaan ka horeeyay ee aan cinwaanka uga dhigay (Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado ka horeeyay?), ayaa waxaan uga hadlay in boqolkii sanaba mar ay luuqado badan oo caalamka looga hadlo ay dhintaan, iyo qodobo kale oo muhiim ah. Haddaba, haddii aan intaas uga gudbo daah ka rogidda iyo toosh ku ifinta kuwa ay yihiin qatarada had iyo jeeraale lasoo…

Somalia’s old chauvinism theory of a “Greater Somalia” comes to an end

Somalia, which is presumably one of the ancient lands known as “The Land of Punt” has boundaries with three countries and two bodies of water. Ethiopia borders from the West, Kenya from the Southwest, and Djibouti from the Northwest. Also, the Gulf of Aden borders Somalia from the North and the Indian Ocean from the East. It is not yet known where the term “Somali” came from,…

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.3aad) – W.Q. Aden Colujoog

Qebtii 2aad ee qormadaan waxaan ku xusay in aan soo gudbin doono qaar ka mid ah luuqadaha Qaaradda Afrika looga hadlo ee qarka u saaran in ay dabar go’aan ama dhintaan. Haddaba, maadaama ay jiraan luuqado badan oo dhamaan Qaaradaha adduunka looga hadlo oo kusii socda in ay dabar go’aan, ayaa waxaan halkaan kusoo gudbinayaa inta ay la’eg tahay tirada guud ee luuqadaha Qaaradaha Afrika…

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.2aad) – W.Q. Aden Colujoog

Isku soo dhawaashaha adduunka (Globalization) ee ay sahleen adeegsiga farsamooyinka casriga ah, iyo isku xirnaashaha bulshada caalamka ee dhinacyada wax kala badalashada, aragtiyada, wax soo saarka, figradaha iyo dhaqanka; ayaa dunida maanta ka dhigay tuulo yar oo dadka ku wada nool aanay sina u kala maarmin. Tan iyo markii uu Rabbi aadanaha ku beeray adduunka, waxaa jiray Is-riix-riix ku dhisan damac…

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog

Inta aanan guda gelin cinwaanka qormadan oo ah “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay?”, marka hore bal aan dul istaago in aan si kooban wax uga iraahdo waxa ay luuqadi tahay, halka ay luuqadda Soomaaliga kasoo jeedo, kuwa ay yihiin luuqadaha ay isku bahda yihiin, iyo waliba gobolada looga kala hadlo luuqadahaasi. Luuqadi maxay tahay? Luuqad…

Kenya-Ethiopia1Qormadii uu DONALD KIPKORIR soomaalida ugu gafay, dhulka Soomaaliyeedna Kenya iyo Itoobiya u kala qeybiyay oo Af-Soomaali lagu turjumay – By Aden Colujoog

ARAR:  Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka, Asalaamu Caleykum Waraxma tulaahi wa barakaatuhu, bacda salaam, codsi iiga yimid qaar ka mid ah asxaabteyda iyo kuwo ku xiran qoraaladeyda awgood, waxaan halkaan kusoo gudbinayaa qoraal aan turjumay, kaasoo ah mid horay dadka Soomaaliyeed ee akhristay iyo intii maqashayba si weyn uga careysiiyay. Qoraalkaas…

Farqiga u dhaxeeya nidaam dowladeedyada “Republic” iyo “Democracy” – By Aden A. Colujoog

Qormadeydii tan ka horeysay ee uu cinwaankeedu ahaa “Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay kala barato farqiga u dhaxeeya nidaamka ay qaadatay ee “Democracy” iyo kan ay ka guurtay”  ayaa waxaan ku xusay in aan qormo danbe kusoo faah-faahin doono farqiga u dhaxeeya labadaas nidaam dowladeed. Marka hore, inta aanan guda galin isu ekaashaha, kala duwanaanshaha iyo waliba dowladaha…

diimahaDoorka ay diimaha ka qaataan isfahan waaga iyo colaadda gaamurtay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya (Q.1aad) By Aden Colujoog

Ayada oo aan xal waara laga gaarin mushkiladda mudada dheer soo jiitameysay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, lagama yaabo in ay Soomaaliya degto! ARAR Muran kama taagna in markii bani’aadamka la abuurayba ay ka hoos dhasheen caqabado ad-adag oo la xariira sidii uu xal ugu heli lahaa mushkiladahaas soo wajahay, ayada oo inta badana aadanaha (humankind) iyo bay’adda uu ku nool yahay…

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.