Home » News »

Hay’adda Life Line oo Barakacayaasha Ceelwaaq u qeybisey Gargaar Lacageed (Dhageyso cod)

hdHay’adda Samafalka wadaniga ee Life-Line, fadhigeeduna uu yahay Gobolka Gedo ayaa deeq lacageed waxaa ay maanta u qeybisey ku dhowaad ilaa 300 00 qoys oo ka mid ah Kumanaanka Qoys ee Barakacayaasha degan duleedka degmada Ceelwaaq, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyeyba ka cabanayey daruufo adag oo xaga nolosha ah.

Cabdirisaaq Xaashi oo ka mid ah Howl wadeenada Hay’adda Samadalka LifeLine ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay Qoysaska la siiyey Lacagaha gargaarka in ay isugu jiraan kuwo ka soo barakacay Magaalada Baardheere iyo kuwa kale oo ka yimid dhinaca Xeryaha Qaxootiga kenya, kuwaasi oo uu sheegay in Qoyskiiba ay siiyeen lacag dhan ilaa $107.

Xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada Ceelwaaq oo gaaraya ilaa 6 xero ayaa xilligan waxaa ku jira dad lagu qiyaasay ilaa 3 kun oo Qoys, kuwaasi oo mudo haatan laga joogo ilaa  4 sano ay salkiciyeen Abaaro iyo Colaado, Qoysaskani ayaa waxay ka kala yimaadeen gobollada Gedo, Bay iyo Jubada
dhexe.

  Dhageyso Cabdirisaaq Xaashi oo ka mid ah howl wadeenada Hay’adda Samafalka Life-Line ee gobolka Gedo

 

Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia.

 

 

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.