Home » News »

Hay’ad laga leeyahay Dalka Sacuudiga oo Xoolo Udxiyo ka qeybisey degmada Baardheere (Daawo Sawirro)

Hay’add Samafal oo laga leeyahay Dalka Sacuudiga laguna magacaabo Xamlo Sacuudiya ayaa maanta waxay Xoolo loogu talagalay Udxiyada Ciida Carafo u qeybisey kumanaan ruux oo degan Qaar ka mid ah xaafadaha degmada Baardheere, Xeryaha ay ku jiraan Dadka Barakacayaasha iyo dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Baardheere.
DSCN0105
Xoolahan oo isugu jirey Ari cad iyo Ido, islamarkaana tiradoodu ay gaareysayso in ka badan ilaa  kun neef oo ari ah ayey hay’adda Samafalka oo howl wadeeno ka socda ay soo gaareen Magaalada Baardheere maalin ka hor ayaa waxay sheegeen kaalmadani in loogu talo galey in la siiyo  dadka faraha badan ee danyarta ah  aanan awoodin wax ay isaga bixiyaan Udxiyada Maalinta Ciida Carafo si looga faa’ideeyo.
Gargaarka noocani oo kale ah kii ugu balaarnaa oo mudo ka badan ilaa 8 sano la gudoonsiiyo dadka dan yarta ah ee ku dhaqan degmada Baardheere, waxay Qaar ka mid ah dadkii la siiyey Xoolaha Udxiyada ah ay soo dhaweeyeen Kaalmadan ka timid Dalka Sacuudiga oo Lagu soo beegay Munaasabada Ciida, waxaana labadii Qoysba la isla siiyey Neef ari ah.
 DSCN0165[1] DSCN0159 DSCN0155 DSCN0149
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.