Home » Faallo, Rayi »

Dib ugu soo noqoshadeyda Muqdisho – WQ. Sadat Geesh

sadat geshWaxaan kasoo degay Garoonka Muqdisho anigoo xiran labadii qayd ee ixraamka ee la igu soo qabtay, nin danaynayay ma jirin, inkastoo wiilkii qunsuliyadu uu iigu yeeri jiray “NINKA LASOO QABTAY ISAGOO IXRAAMAN” Sidii arin cajiib ah oo Ugub ah oo ah in lala yaabo! iyadoo la wada ogyahay inaanan ugu horeyn Rag iyagoo Ixraaman lasoo qabtay, Hadana aniga macna saas u weyn ilama yeelan markii uu kaftan ahaan ii yiri adigoo labadaan qeyd xiran ayaa lagaa dejinayaa Xamar!? dabcan waa la iga dejiyay laakiin maadaama xajkii markaas uu dhexda marayay ayaan doorbiday inaan ku qariyo Qamiis uu i siiyay wiil dhalinyaro oo ka mid ahaa Rakaabkii Diyaarada?!  Kowdii bishii Dul-Xajjah ayaan kasoo Ixraamtay Bi’ra Cali ama Dul-Xulyfa oo ku taalay Duleedka magaalada Madiinah Al-Munawara oo aan ku noolaa mudo Todobo Bilood ah……..waa miiqaatka Reer Madiinah, ay kasoo Ixraantaan, Magaalada Maddiinah waxay  u jirtaa Makkah Al-Mukkaramah 410 qiyaastii, markaan soo gooyay intii badneynd oo ay ii dhiman tahay in kayar 40 KM ayaa qadarkii Ilaahay uu ii diiday inaan galo Makkah oo aan laba jeer oo hore isaga daba noqday.

Si kastaba Sheekadu waa dheer tahay mowduuca maqaalkeygana maahan, waa jilbo buurnoow meel lagu jabay waa caado rageed wax laga sheekeeyana maahan, dib iigu celi mowduuca maqaalkeyga dadka kasoo dagaya garoonka  wuxuu u muuqday Garoonku mid ay shaqadiisu yar tahay, diyaarado badan oo ay ku taalay Calaamada UN oo isgugu jira kuwa xamuulka iyo kuwa Qumaatiga u kaca ayaa yaalay meel iigu muuqatay garoonkii afizyooni ee ku dhaganaa isla garoonka Diyaarada. diyaarado kale oo markaas ka Haadayay ma jirin ama u diyaarsanaa.

Diyaarada Daallo oo  laga lahaa Jabuuti oo  Markaas kasoo jeesatay inay liqdo Shirkadii kale ee kula tartamaysa Suuqa baylahda ah ee Soomaaliya ee Juba airways ee laga lahaa dalka Kenya ayaa  nagalu soo raray! . Midowgooda waxa uu ka dhigay  Shirkad qaas ah tii ugu weyneyd Geeska Afrika….cida leh labadaas shirkadood fartaa ku godan…?!  martisoorkeeda iyo ku dhiirashadeeda inay mudo dheer ka shaqeyso Hawada Baylahdaa ee Soomaaliya ayaa ka dhigtay sidii inay tahay shirkada Rasmiga ee Soomaaliya?!  Garoonkii markaan soo galnay ayaa waxaa indhaheygu qabtaan Odoyaal qaba ookiyaalayaal  Madoow, oo taagan hareeraha Hoolka soo dhaweynta, waxbaan is iri, balse waa kasii socday ilaa aan gaaray Qof Dumar oo naga aruurinaysa warqadii go home, oo ahayd Dekumentiga kaliya ee aan wadanay isagiin iyada ayaa la wareegtay, waxay  na weydiinaysa Aryaa Xageed u hoyahee? anigu waxaan iri Wardhiigley?! wardhiigleey wasaarad waa…… inta kale wakaalad waa ayaan ku shirbay, isla markiiba waxa nala soo booday Taksiile, naga codsday inaanan cid kale raacin, Jameecadeeni oo ka koobneyd Sadex Qof ayaa soo raacnay Taksiilaha “Muqdisho waa laba qaybood, qayb waxa lagu seexdaa Hoteeladeeda ugu yaraan 30- Doolar iyo wixii ka badan”  “Qaybna waxa ugu badan 10 Doolar iyo wixii ka Hooseeya” ayuu hadalka ku bilaabay Taksiilihii. oo u muuqday nin caadi ah. Waxa uu nageeyay Hoteel lagu seexdo Qofkiiba Laba Doollar oo macnaheedu uu yahay Qolkiiba waxa yaala Sadex Sariir oo uu nin walba la baxayo Labadaas Doolar, Waxay u egtahay Nooca Motel-ska ka mid ah oo yemen looga yaqaan   Lookaanda.  Dadka Baabuureyda ah  ay Seexdaan, markaaan Qubeysanay ayuu nageeyay Darawalkii Taksiga maqaayad Shacbi ah, oo ku taala isla Bakaaraha.

Waxay nasiisay  14-sano kadib cunto dhadhan leh tii Sadexdanada ugu horeysay  Taksiilaha wxa uu u muuqday nin saqafka Xuriyadiisu uu cirka yahay?! dad aan anigu aad uga helo?! Su’aal kasta  ayaan weydiiyay?! waxaan daartay Ruwaayadii ruwaayadii marshaale ee DHEXDHEXAADAAN AHAY!. waxaa kamdi ah muuqaalada Ruwaayadaas; waxaa la leeyahay na wadi aan maqaayadaas Shaah kasoo cabnee markaasuu leeyahay “Maqaayadaba dhex-dhexxdaan ahay” War Shaahaan ka cabeynaa? “Shaahana dhex-dhexaadaan ka ahay”? gurigaasaan booqanaynaa isagana dhexdhexaadaan ka ahay?!  macnaha ay bixinaysay Ruwaayadaas waxay ahayd inay Soomaaliya kusoo biirtay Daahirad (Phenomena) ka dhigtay meel  ay inter-cutting sides-, ku looltamayaan oo dadka Caaadiga ah ay tahay inay markay Hadlayaan inay Xisaabta ku darsadaan maadaama ay isku dhex ugaarsanayaan Mujtacmicii dhexdiisa.

Laakiin horey ayaan isu weydiin jiray in Ruwaayadaasu ay leedahay fingerprintigii Wayane oo aysan jirin Daahirad noocaan oo kale ah oo ka dhex sameysantay mujtamaca Soomaaliyeed Gudihiisa, iyagoo ka faa’iideysanaya Hiddaha Mujtamca ee ORAL SOCIETY-GA AH, yacni  ciddaad aaminayso uu san jirin, ninkasta oo aadan aqoon u lahayna  aadan u wada bixin,  oo SIDA QAACIDADA SOOMAALIDA AY QABTO MAALINTIINA HAREERAHAAGA FIIRI HABEENKIINA INTA GACANTAADA AY JEEDO HADAL oo ahaa Sawirkii ay Riwaayadaas marshaale galisay maankeyga ayaa meesha ka baxay?! maxaa yeelay markii horeba waxaan aaminsanaa in Riwaayadu ay ka hadlaysay Marxalad Caabir ah oo kamid ah marxalad uu Mujtamacu Soomalaiyeed marayay markaas, oo uu Shisheeye ku Farad Yeelayay kaliya!?  oo aysan cabireyn Daahirad (phenomena) ka dhex curatay mujtamaca Soomaliyeed, oo noqotay waaqic ka mid ah waaqica dhulka yaal.

Waxaan ogaaday, markaan magaalada sii dhex galay in Magaaladu ay u qaybsanto laba qaybood qayb la yiraahdo GREEN AREA ama waxa Af-Carabiga lagu yiraahda MANDIQATA AL-QADRAA oo ay ugu horeyso Madaxtooyada (Gurigii Maxamed Siyaad) iyo Wadada Makkah Al-Mukaramah oo Nadiif oo ay degen tahay Dowlada iyo inta kale ee Muqdisho oo ay Degen yihiin Soomalida?! qaybta labaad waxaa soo gaara askari mushaar la’aan ah aa Jiri noqoday oo Jeeb-Baarta Mujtamaca.  IN KABADAN hal qof ayaan weydiiyay oon iri ka waran Dowlada? inta Jawaabuhu waxay ahaayeen kuwo isku mid ah, Meesha waxa ka jira Dowlad Maafiya ah oo Shisheeye ka amarqaadata oo leh Ciidamamo Tuugo ah oo dadka baarta Dowlad la yiri dalka Bantustaano ukala qaybi loogu magac daray Federaal? Dowlad Goboleedyo marka looga yeero Addsi Abab u kala cararaya marka looga yeero Muqdishana ka kala cararaya?! Dowlad Canshuur Ururisa hadana aan dadki usoo celinayn  Qadamaadkii, haba ugu yaraadeene inay Nadiifiso Wadooyinka waaweyn?! Dowlad aan lahayn Mu’asasooyinkii iyo Wasaradhihii ay mujtamacu ku dhisan lahayeen Noloshooda iyo waxa kaabiyaha u ah, Dowlad daqliga soo gala lagu kala qaybsado cirka?! Dowlad wada degen Nairobi iyo meelo kasii fog-fog, oo aan ogoleyn inay dhextimaado Mujtamaceedii, Dowlad cidii ay matali lahayn laga Ilaaliyo?! Dowlada Qoslaaye Madaxweyne ka yahay…..? Indhabuurna Ra’iisalwasaare ka yahay?!  Dowlad……………………….Dowlad…………………….

Waa Socotaa.

Sadat Geesh
sadatgeesh7@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.