Home » Faallo, Rayi »

Maca Salaama Yaa Yaman – WQ. Sadat Geesh

sadat geshWax walboo la iska weydiiyo yemen,  waxay la mid tahay wax walboo la iska weydiiyo Soomaaliya………..Tusaale waxaa halbeeg u noqonaya, Kow: ninka u taliya jihada uu u wado, Laba: Mujtamaca Falsafad nololeedka uu u leeyahay HIdaha iyo Dhaqanka iyo Saameynta Laacibiinta dibada ay ku leeyihiin habsami u socodka Nolosha. Hadii kan hor boodaya uu yahay mid kursigu uu u leexleexiyo Jihada uu rabo, (sidii uu ugu waari lahaa madaxtinimada!) oo qodobka ugu muhiimsan ee Halbeegyadaydaan….waxaa kuu soo baxaya…………………………….

Kow  Hadaanan Soomaali ahaan lahayn, waxaan jeclaan lahaa inaan Yemeni Noqdo,hadii khibrada noloshu ay tahay wax insaanku uu u baahan yahay, inuu ka faa’iideysto waxay ahayd Yemeni inay ka faa’iideysato casharka Soomaaliya. Dabcan Yemen way ka faa’iideysanaysay Soomaaliya waxa ka socda laakiin waxay uga faa’iideysanaysay Dariiqadeeda……Sidee? (Halkaan Yemen markaan leeyahay kama wado Yementa Shacabka ah….ee waxaan ka wadaa tii uu horboodayay Qabqable Cali Cabdallah Saalax iyo Ciyaalkiisa).

Kow: Waxa uu u adeegsan jiray cabsi galin iyo inuu hadido  Mucaaradkiisa kasoo horjeeda in ay rabaan Yemen inay Soomaaliyeeyaan??!!  waa markay yiraahdaan saan aad wax ku wado qalad weeye Sayidii Ra’iis??!!  Ayuu la boodi jiray makarafoonka oo uu dhihi jiray hadaydaan i dooran yemeneey kuwaan waxay idinka dhigi doonaan Soomaaliya oo kale?!

Laba: Waxa uu u adeegsan jiray Qaxootiga sidii inay yihiin Sac la maalayo..isagoo Caalamka meel walba oo uu tago ku sheegi jiray inuu hayo Malaayiin Soomaali ah….?! markuu bilowday Kacaankii 11 Febraayar ee Jagada looga xayuubiyay waxa uu sheegi jiray in waxa Mudaaharaadaya ay Soomali ka Buuxaan..?! (yacni ma cafinayn fursad kasta xitaa hadii ay Laa Aqlaqi tahay (unethical)). Waxa uu sidoo kale,  sheegi jiray in waxa ka feer diriraya Xowthiyiinta ay yihiin Soomaali? taasna uu u hayo cadeyn isagooo Xabsiga Muqaabraaadka M<iliteriga dhigay woxogaa Soomaali ah oo uu kasoo qabtay iyagoo u sii tahriibaya Sacuudiga………..(waa Xowthiyiinta uu isagu maanta garab taagan yahay oo Yemen oo dhan dartood uu ugu burburiyay).

Sadex: Qabqable Calli Cabdallah Saalax waxa uu ahaa Madaxweyner kaliya ee Wadanka Islaami ah Hogaamiya oo inta Addsi Ababa tagay, Taageero cad u muujiyay Faragalintii Arxanka darneyd ee uu Nidaamka Wayane uga hortagayay Nabadii ay keeneen Maxaakimtii Islamiga ahaa ee 2006-dii Muxuuse si rasmi ah u yiri?! Mataqaan? ila sii aqri…………(Ciidamada Itoobiya maahan kuwo iska qabsaday Soomaaliya! ee waxaa u yeertay Dowlad Sharci ah oo Soomaaliya ka Jirta!………………Yementu waxay ku maahmaahdaa KAMAA TADIIN TUDAAN?! oo waxaad diin ka dhigato diin bay kaa dhigtaan) waa la isu yeer-yeeranahayaa…Meehaan, Isha ku God  Xukunkii Ilaahay ayaa ku jira……….Subxaanalaah.waxay la mid tahay sheekada Suuratyul Kahaf ku jirta ee ninkii gaalka ahaa ee ilaahay uu beer iyo wiilal isugu daray markuu la hadlayay ninkii dariskiisa ahaa ee muslimka ahaa ee uu ilaahay wiilal yari iyo faqriga galiyay? ANAA ACAZU MINKA MAALAN WA WALADAA? Subxaanalaah? markuu galay beertii uu ku faanayayna cajab darteed iyo cabaad uyuu u  yiri ”Maa adunu an tabiida hadihi abadaa” laa ilaaha ilalaah! ninkaas waxa qabsaday ayaa qabsaday Cali Cabdallah Saalax.!

Afar: Hay’adaha Gargaarka ee Saacida Qaxootiga iyo Waliba Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ee Qaxootiga waxaa ka dhex dusay Nabadsugidiisa oo kaashaneysa tan Itoobiya…Taasoo ka dhigtay Hay’adihii iyo Sancaba Addis Ababa yar .Ilaa heer uu Gaaro Dr. Samiir oo ahaa Madaxa Hay’ad Parteners la ah UNHCR oo la yiraahdo ID, oo la dhihi jiray waxay bixisaa Qadamaad Caafimaad Qaxootiga  inuu Baastoolad usoo qaato Qaxootiga ka gadoodsan Qadamaadkiisa liita iyo  lacag urursigiisa nidaamsan…iyo dayaca qaxootiga ka haystay Dhinaca Caafimaadk…iyo isagoo leh UNHCR ima badali karto. maxaa yeelay anigaa ah UNHCR?!  Iyadoo dhaaftay dhamaan xuduudihii insaanimada?!  waxaa intaas sii dheer in Aw Geesh dhowr jeer ay Habro Bastoolado ku hubeysani ay inta isku soo abaareen ay gacantiisa taabsiiyeen Baastooladahooda?! si Kastaba  anigu waa sii laba Jibaarmayay Ilaahay idinkiis?!  oo waxaan hoosta iska dhihi jiray ALLOOW YAA U SHEEGA IN BAASTOOLADAYDU AY KA XOOG BADAN TAHAY KUWOODA?!  (Halkaan isha ku god, ka dhex dusitaanka Sirdoonka Itoobiya iyo ka dhaadhicinta Tuugtii Yemen horboodi jirtay in Soomaaliga la tuso BASTOOLAD, IYO WAXA KA SOCDA GUDAHA SOOMAALIYA EE U UWADO ISBATOORE GABRE OO AH INUU U SOO XIRTO BASTOOLADO MARKA UU ERIGA KULMINAYO??!! Si uu caalamka u yiraahdo waa kuwaan.balse gabre iyo nidaamka wayane ee sii dhici raba waa ogyahay cilmul-yaqiinka in doorkoodii Soomaaliya uu gabaabsi ku jiro….?! Bi’dinilaahi Kariim………..oo ay gaareen fiida gacantooda uusan ku jirin wax badiil ah.)

Shan: Shacabka yemen waxay usoo baxen Jidadka si ay u yiraahdaa Irxal  yaa cali, si kastaba ninka caqli badnidiisa iyo caqli badnida iyo xikmada Shacabka yemen ayaa isku dhacay. waxaa ka dhex dhashay sheeko cajiib ah….oo ah Cali Cabdallah Saalax adiga bax laakiin Ku xigeenkaaga ku wareeji?

Oday Cali  waxa uu yiri waa yahay..maxaa yeelay waxa uu ogaa in ku xigeenkiisu oo u ahaa ku xigeen 18-sano oo u yaqaano si weyn.. sidaa darteed ayuu ogolaaday balse waxa uu ku wareejjiyay qasriyo eber ah isagoo Hogaamintii dalka la aaday Gurigii uu ka daganaa Sanca..Halka Cama Cabdu Rabo uu usoo hurdo doonan jiray Qasriyada waaaweyn ee la dejiyay?!

Xikmada  Shacabku waxay ka hortgeysay Dagaal iyo dhiig inuu daato??! isagana xikmadiisu wxay noqotay nin maafiya ah oo silsilad maafiya ah ka dhax sameystay Mujtamciisii si uu ugu taliyo??!! (waxaa la mid maafiyada uu Rajiimka Wayane uu la dhex taagnaan jiray Soomaaliya……..taasoo gababa ku dhaw hada..allaahu akbar  )waxa uu u talin jiray dhamaan hay’adhihii Nabadsugida aminga iyo milatarigaba.waxa uu u talin jiray Madaxa Xafiiska Cabdu Rabboh……si kastaba qofka daacada ah Saab baa ilaahay idinkiis biyo u celiya….asagii waxa uu ku kashifmay Caalamkii o dhan, Dhinaca kalana Caalamkii oo dhan waxa uu ictiraafay Xikmada Shacabka Yementa ah ee Nabada Jecel.

Lix: Shacabka aan walaalaha nahay ee Yemen, iyo Dowladooda Sharciga ah waxaan leenahay haka qaxinina dalkiina marnaba, dibada ha uga bixinina iska qabta Mujrimka Saalax iyo Ciyaalkiisa iyo Ciyaalka uu Adeerka u yahay oo ka dhigtay yemen Beer ay iyagu leeyihiin. Nihaayadiisa waxay la mid noqon doontaa tii Qadaafi oo kale Insha’alaah waxaad noqon doontaa Shuclo ay ifsadaan Dadyowga Gobolka degan oo ay ugu horeyso Soomaaliya.

Kacaankii 11 febraayar ee dhalinyarada waxa uu ahaa Kacaan Nadiif ah oo Si Nabdgelyo ah oo xirfadeysan uga taqalsay Mujrim la filayay inuu soo laba kacleeyo……………… Laa buda min sancaa wa in daala safar? waxaa idinku xigi doona Marxabaa Yaa Maqadishoo?!

Sadat Geesh
sadatgeesh7@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.