Home » News, Tacsi »

Allaha u naxariistee, waxaa maanta Nairobi ku geeriyootay Cusubo Maxamuud Warsame (Tacsi)

TACSI2011
INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.
 Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Axad, October 25, 2015, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyootay Allaha u naxariistee marxuumad CUSUBO MAXAMUUD WARSAME.  Marxuumadda oo aheyd qof da’ ah oo bas Alle u dhimatay ayaa waxay ifka uga tagtay waraso lagu qiyaasay in ay gaareyso 100 qof oo isugu jira wax ay dhashay iyo waxay sii dhaleen.

Geerida marxuumadda ayaa waxaa la ogeysiinayaa dhamaan eheladeeda iyo asxaabteeda ku kala firarsan dacalada adduunka.

TACSI:  Anaga oo kala ah Xasan Aden Nuur (Caana-nuug), Aden Axmed Colujoog iyo Deeqo Maxamed Gurxan, kuna hadleyno magaca warasada reer Jaamac Xuseen ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga direynaa qoyska iyo qaraabada ay ka tagtay maraxuumadda iyo guud ahaan warasada reer Jaamac Xuseen meel ay joogaanba.

Waxaan leenahay, rabbi marxuumadda Janatul fardowsa ha ugu bishaareeyo, dhamaanteena samir iyo iimaan hanaga wada siiyo. Amin.

Tacsidaan waxaa si wadajir ah u diraayo:  Xasan Aden Nuur (Caana-nuug), Aden Axmed Colujoog iyo Deeqo Maxamed Gurxan.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.