Home » News, Tacsi »

TACSI: Col. Axmed Cusmaan Gurxan (Gaalkacyo) oo maanta ku geeriyooday magaalada Columbus ee dalka Mareykanka

Gaalkacyo2

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN. Waxaa maanta magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Allaha u naxariistee Ex-Col. Axmed Cusmaan Gurxan (Gaalkacyo) oo horay uga tirsanaan jiray ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliya.

Gaalkacyo oo muddo dheer ku sugnaa kuna noolaa dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Columbus ayaa waxaa uu maanta si lama filaan ah ugu geeriyooday Columbus kaddib markii uu wadnaha istaagay.

Geerida marxuumka ayaa waxaa la ogeysiinayaa ehelada iyo asxaabtii marxuumka meel ay joogaanba.

Haddaba, anaga oo kala ah dadka uu magacyadooda hoos ku xusan yahay, kana tiiraanyeysan geerida deg-degga ah ee marxuum Gaalkacyo ayaa waxaan leenahay “Rabbi marxuumka ha u naxariisto, janadiisana ha geeyo, qoyska iyo qaraabada uu ka tagayna samir iyo iimaan haka siiyo,” aamiin, aamiin.

Tacsidaan waxaa si wada jir ah u diraayo anaga oo kala ah:

  1. Ex-xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) iyo xaaskiisa Saynab Barre Ugaas Axmed Aden
  2. Aden Axmed Colujoog iyo xaaskiisa Shamso Barre Ugaas Axmed Aden
  3. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe) iyo xaaskiisa Hibo Biixi Faarax
  4. Cusmaan Muxumed Cali (Shuqaale) iyo xaaskiisa Aamino Ibraahin Macalin.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

5 Jawaabood " TACSI: Col. Axmed Cusmaan Gurxan (Gaalkacyo) oo maanta ku geeriyooday magaalada Columbus ee dalka Mareykanka "

  1. mohamed says:

    inaa lilaahi inaa ilayhi rajicuun waxaan tacsi u diraynaa anigoo ku hadlayaa magaca qoyska reer sheikh mohamud m,diini qoyska reer caaji gurxan libaan anagoo uga tacsiyeyna geerida naxdinta leh ee walaalkeen ex kornel gaalkacyo waxaan leenahay janadii firdowsa allaha ka waraabiyo kuligeena Samir iyo iimaan aamiin

  2. abdi faadaco says:

    innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajacuun. gurxaan mudoo dheer ayaan ka wadatirsanayn ciidamadii xooga dalka, saaxiib dhawna waanu ahayn .sargaal qaranimada qaali ku ah ayuu ahaa .samir iyo iimaan qoyskii ,eheladii iyo umada soomaliyeed ee uu ka baxay. naxariis iyo janno eebe ha ku galado. aamiin yaa allah . abdi faadaco ‘ copenhaagan.

  3. Ahmed Mire says:

    innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajacuun. Waxaan tacsi u diraynaa Col. Axmed Cusman iyo reerkiisa. Ilaahi haa u naxariisto. Reerkiisa waan u duceyneena insha’Allah.

    Washington

  4. iallahay ha u naxariisyo dadka ehelka samir iyo imaan

  5. osman says:

    innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajacuun allha unaxaristo ahmed dhuha runti waxa u aha nin qaali ah

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.