Sida aad la wada socotaan waxaa xiliyadii u danbeeyay xaduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ka jiray Talaabooyin fool xun oo ay dowlada Kenya qaaday kadib markii ay Jeexatay in ka badan xadkii ay lahayeen.
Qayla dhaanta shacabka iyo Maamulka Beledxaawo waxay socotay mudo waxaana ay gaareen heer ay u bareeraan in ay isku dhigaan Cagafyadii qodayay oo markii danbe isaga tagay goobta, waxayna xili walba u qeylo dhaaminayeen, Dowlada Soomaaliya, Shacabka iyo Maamulada jira, arintaasi aadbaa looga daahay lakin markii xaaladu sii xumaatay waxaa talaabo aan wali la dhamaystirin qaatay baarlamanka Soomaaliya oo runtii si weyn aan ugu riyaaqnay hadalkii ka soo yeeray.
Hadaba waxaa Beledxaawo iyo xaduuda tagay wafdi ka socda labada gole ee Dowlada Soomaaliya kuwaas oo u kuurgalayay sida wax yihiin.
Socdaalka Madaxdan ee xaduuda ma waxay noqon doontaa “Arag oo ka dhaqaaq” mise waxay noqon doontaa wax loo aayo oo taariikh reeba, Taas oo noqon doonta “Guul Ama Guul Daro”
Manta waxaa ii muuqata in Soomaaliya lagu dayay wax walba ugu danbayna lagu xadgudbayo dhulkeedii Bad iyo Bari ba.
Dowlada Soomaaliya waxaa la gudboon in aysan isha ka dadan waxa socda una jixin jixin wax walba oo ay kala kumayaan dalalka jaarka marka ay timaado in lagu xadgudbo Qaranimadeena sida, Dhulkeena, Badeena, Calankeena iyo Wixii la halmaala.
Inkasta oo arimo siyaasadeed ay arintani salka ku hayso hadana waa hubaal Soomaali walba oo dunida ku nool in uu ka damqado isla markaana u dhinto, iyada oo laga gudbayo wixii Soomaalida dhexdeeda ah, Maxaa yeelay inagu makala tagi karno lakin shisheeye wixii naga galaa soo noqod malahan ee Dhulka iyo dalka aan ceshano.
Waxaa dabeecad noo noqotay xiliyadan danbe in aan nahay dad dhaqsiyo u kaca hadana u dama lakin Ogoow in dal walba jiritaankiisa uu ku xiranyahay shacabkiisa ee uusan ku xirnayn Madaxda Dowlada oo kaliya.
Waxay taagantahay xigmadii ahayd. ” Is weydii waxa dalkaaga aad u qaban karto lakin dalkaaga ha weydiin waxa uu kuu qaban karo”
Ogoow xaduuda dhulka oo la qaato waxay saqiri doontaa xaduudii Badda oo la qaato maxaa yeelay waa is leeyihiin.
Awood la’aanta Ciidamadii difaaci lahaa dalkeena waa hubaal in ay saqirtay in cadowgu suu doono yeelo, lakin Soomaalida hadii ay u soo jeestaan Difaaca dhulkooda waa hubaa in aan laga guulaysan doonin si walba oo ay ku difaacaan Af iyo Adinba.
Ugu danbayn waxaan leeyahay shacabka Beledxawo waxaa tihiin Geesiyaal dhulkooda diifaacaya lakin Garab u bahan, Ogaada Soomaalidu idinkama seexan lakin waxay isha ku hayaan sida dowladu yeesho.
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com
Jawaab Celin Deeqo Shire
Deeqo waay ku Mahadsan tahay Dareenkeda Wadanimo balse waxan Rabaa inaan Saxo Marka Hore deeqo .
Wafidiga Tagay Beled xaaw ma aheyn oo keli DFS ee waxaa La Socday Dolwlad Gobaleedka Jubalad State , ee Carabkada Ha Karo Jubaland State walal. Tankale Ciida Somalia Cidna ma Qaadan karto walal Ciddii Ku soo Xadgudubtana Waan Iska Dhcineynaa , balse waxan Isleeyahay Arinta B/Xawao waxa ku jira arima Siyaasaded ,
anigu waxan ka mid ahaa Wafdiga Tagay Beled xawa waana arkay waxa meesha ka Jiraa oo dhabta ah . mana jirta Hadda Wax dhibaato oo ka tagaan Xaduuda Labada Dal.
waxan dadka somaliyed ka Codsanaya inay ka Shaqeyaan Nabada iyo Hormarka Dalkooda
waxan ka Xumahay Sawirada Xaduuda oo aan Rabay Inaan idin soo Diiro ayaa ii bixi waayey si aad u aragtaan Xaqiiqda Ka Jirta Xaduuda Labada dal .
waad Mahadsan Tihin
Dr Shire Abdi .Mohamed ( MP Jubaland State )
Nin qaawan haduu maro yar helo wuxuu moodaa inuu yahay ninka ugu dhar fiican inta nool, shire magac aadan lahayn iyo darajo ha sheegan adoo qaawan ayaad qayd yar heshay marka deeqo maryo kuwaaga ka fiican ayay xirantahay wayna xirnaanjirtay waligeed waxayna taqaan dawladnimada iyo waxa soomaalinimadu tahay, jubland adigaa qaawanaa oo ay ku anfacanaysaa, deeqa iyo dadka lamidkaa mayaqaanaan wax ka yar soomaalinimo iyo dawladnimo.
Marka hore DEEQO: NOOLOW aniga iyo bulshoweynta soomaakiyeed iyo weliba beelaha Gedood ayaa kaa xaal siinnay sharaftaadana qirayna, cimaamad dahab ahna madaxa kuu saarna!!!
Labada damiirlaawe, oon waxba dameer ciyey ka duwanaynna waxaanu niri:
KIR iyo KUD!!!
Dameer weligiiba wax qabad iyo faaiido kale ma lahayn, in dusha laga rarto mooyee, sidaa darteed maadaama ay dameero ciyey la mid yihii, qaaqdoodu sharaftaada wax uma dhimi karto.
Kuwii Muqdisho ka yimid oo intay meesha aas-aaska dhul boobka istaageen, beeniyey hadalkoodii ay baarlamaan ku sheega gumaystuhu ku quudiyo kala baq-baq lahaayeen lagu soo amray inay beeniyaanuna, waa caadoqaateyaal iimaan iyo sharaf midna an lahay ee iska illow gacaliso!!!
Gedo iyo meel kale dalka Soomaaliya ka mid ahna kiikuuyo kuma guulaysan doonto, ee DHALLAAN QAYLADU WAA QABOONADA!!!