Home » Faallo, Rayi »

Afduubka Dhaqaalaha Dalka iyo Dabargoynta Danyarta – WQ. Ustaad Abdul-Majiid

AFDUUBKA DHAQAALAHA DALKA IYO DABARGOYNTA DANYARTA

Waxaan dhagaystaa ragga maanta haya maamulka soomaliya oo ku hadlaya ereyadan, sida iyagoo isku afgartay: “waxaa noola dhiibay waddan eber ah”, “waddanku waa sabool”, “dowladdu mishaar ma bixin karto, maxaa yeelay wax kaalma ah nama soo gaarin”. “ciidamada dhowr bilood mishaar maqaadan”, “lacagta eyraboorka aan ku dhisannay waxaa noogu deeqay Talyaaniga, eeraboorkanna Kuwayt ayaa noogu deeqday 10 milyan”, “qasnadda dowladda waxaan ugu imid $10 oo jeexjeexan”, “boqorka sacuudiga wuxuu noo ogolaaday 15000 oo booyaasooyin ah”, iyo in intaa ka badan oo ah erayo niyad jab leh oo si joogta ah ugu soo dhacdo dhagaha muwaadinka SOOMAALIYEED.

Waxaan markaa is waydiiyay, ma dhabbaa ilaa iyo heerkaa inuu waddankanagu yahay sabool?!!! Dhanka kalase, sidee waddan yar sida Singapore oo kale oo aanan lahayn xoolo, beero, shidaal, iyo haba yaraatee wax kheyraat ah, dhulkiisuna yahay 85km dherer ahaan, uu soo saaro lacag dhan 452 bilyan oo doolar!!

Dalka Singapore waa dal ballaaran marka labarbar dhigo dalka Monoko (Monaca),oo dhulkiisa yahay 2km oo kaliya, shacabkiisuna yahay 35000 oo qof, sanadkiina soo saaro 5 bilyan oo doolar!!

Hadaba maxaa naga qaldan annagoo dhulkayagu la egyahay dalwaynaha Turkiga, amma Faransiiska? Ilaahayna uu nagu galladay kheyraad bad iyo barriba leh. Kheyraadka ballaaran mar kale aan kahadalnee, ma leeyahay waddanku hanti deg deg u soo celin karto shaqada dowladda ee maalinlaha ah miisaaniyaddana deg deg u kabi karto.

HANTIDA DOOWLADDA

Waxay dowladdii (xukuumaddii), dhacday ayadoo gacanta kuhayso hantidii uu qaranka iska lahaa maadaama ay wakiil ka ahayd shacabka Soomaaliyeed oo ahaa sida dhabta ah kan hantidaas iska lahaa meel walba oo uu joogay, bari, galbeed, koonfur, iyo waqooyiba. Dowladda oo hantidaa maamuleysana, faa’iidada laga helo waxay dib ugu soo celineysay adeegga shacabka, sida waxbarashada oo ilaa heer jaamacadeed lacag la’aan ahayd, caafimaadka, kaalmada beeraleyda, bixinta mishaaraadka shaqaalaha dalka oo dhan, xoojinta xoogga dalka iyo sugidda nabadgalyada, dhismaha horumarinta howlaha guud iyo shaqooyin tira badan oo dal iyo dibadba leh.

Tan iyo maantana hantidaas waxaa iska leh shacabka Soomaliyeed dhammantii, mana jirto cid uu u idmaday in ay hantidaa u maamusho, oonan ka ahayn dowladda. Mana jirto meel intuu shacabka isugu yimid uu hantidaas ku siiyay dad kooban oo kutakri fala. Sidaa darteed waxaa waajib ku ah maamulka hadda jira oo dhaxlay sharciyaddii ay lahayd dowladdii burburtay in uu la wareego wixii hanti ah ee shacabka Soomaaliyeed uu lahaa sida: isgaarsiinta, baanka dhexe ee qaranka oo shaqaduu qaban lahaa xawaaladaha afduub ku heystaan, duulimaadka hawada, iyo dhammaan hantidii shacabka lahaa.

Mid waliba oo hantidaa kamid ah, waxaan kaga hadli doonaa qoraal madax bannaan, ee aan ku bilowno

isgaarsiintii qaranka soomaaliyeed!

ISGAARSIINTII QARANKA

Isgaarsiinta taleefoonada waxaa ay ka mid ahayd hantidii uu lahaansheheedu ku mideysnaa qaranka soomaaliyeed. Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa yaa qaatay hantidaa? Dadka hantidaa boolida ah qaatayse maxay kafaa’idaan sanadkii? Shacabkii hantidaa lahaa maxaa ka soo gaaro hantidaa? Maxaa waddanka iska badali lahaa hadduu soo ceshado hantidaas?

YAA QAATAY HANTIDAAS MAXAYSE TAHAY SHAQADA AY KU QABTAAN?

Isgaarsiintii qaranka waxaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo fara kutiris ah oo aanan ka idan qaadan shacab iyo dowlad midna. Shirkadaha qaar waxaa si gaar ah uleh dad Soomaali ah, qaarna waxaa shirkad ku ah soomaali iyo ajanabi (Maraykan iyo Carab), shirkadahaas qaar ka mid ah waxay ka shaqeyaan dalka Soomaaliya oo dhan qaarna waxaa ay ku kooban yihiin gobolada qaarkood. Waxaa saldhig u ah magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Hargeysa, Iyo Dubaay.

Waxay qabtaan: gelinta taleefoonada guryaha, iibinta iyo bixinta taleefoonda gacanta (Mobile Phones),

iibinta kaararka lagu hadlo (Calling cards), iyo bixinta internetka (Internet).

LACAGTA AY FAA IDAAN SANADKII

Dhammaan shirkadaha ka howl galo Soomaaliya, masheegaan hantidooda iyo waxa ay faa’iidaan sanadki, sida shirkadaha kale ee kajira adduunka. Sababtu way caddahay oo waa hanti dhac ah, oon la dooneyn in la ogaado. Hadaba si aan u ogaano waxay ka helaan hantidaas qaranka sanadkii, waxaan soo xiganeynaa warbixinta hay’adda UN-ta uqaabilsan horumartinta UNDP. Waxay hay’addaas sheegtay shacabka soomaaliyeed 52% (Kontan iyo labo boqolkiiba) inay haystaan taleefanka gacanta. Tiradaas waxay noqoneysaa in 6 milyan oo qof ay haystaan taleefanka gacanta. Dadka u shaqeeya sharikaduhuse way ka badinayaan tirada intaas. Si aan u qiyaasno lacagta ugu yar ee ay faa’idaan sanadki, aan ka soo qaadno inay maalin walba 2 (laba) milyan oo qof iibsadaan min hal doolar, bishii waxay noqoneysaa 60 milyan oo doolar. Marka aad kudhufato 12-ka bilood ee sanadka waxaa ay noqoneysaa 720 milyan oo doolar. Tani waa lacagta ugu yare ee ay kafaa’idaan hantida qaranka.

HALKEE BAY AADAA HANTIDAAS?

Anigoo ka xun, hantida intaa la eg waxay jeebka u gashaa dad yar oo qaarkood ajanabi yahay, iyadoo shacabki Soomaaliyeed ee hantida lahaa ka baahan yihiin. Waxaase qalbi jab ah inuusan shacabku dareensaneeyn inuu hantidaa asagu leeyahay! Dadka hantidaas qaatay kama bixiyaan wax canshuur ah, kumana kaalmeeyaan waxbarashada, caafimaadka, jidadka, qodididda ceelasha, iyo kaalmada dadka tabaaleeysan. Lacagtaas waxaa Soomaliya kasoo gaarto malaayinta doolar ee lagu laaluusho nimanka maamulka haya, si aysan uga hadlin lahaanshaha qaran ee hantidaas. Markaas ayay ku celceliyaan “waddanka waa sabool” iyo “waxaa noola dhiibay waddan eber ah”.

Hadaba marka waxaad is waydiisaa sababta barakcayaasha looga saarayo guryihii dowladda, oonan looga hadleynin dadkaa boobka kuheysta hantidii ugu wayneeyd ee dalka lahaa kuna habsaday wasaaraddii boostada iyo isgaarsiinta, shaqadii baanka dhexe iyo Soomaali airlines. 

Hantidaa waa laga maalaa ma ahane dib looguma maalgaliyo dalkii laga boobay. Waxaana ka faa’ido

dalal ajanabi ah oo lagu maalgashado sida, Jabuuti, Imaaraad-ka, Malaysia, Indonesia, Kenya, iwm.

MAXAA WADDANKA ISKA BADALI LAHAA HADDII LOO SOO CELIYO HANTIDIISA?

Miisaaniyadda waddanka ee la ansixiyay sanadkan 2016-ka waxay dhantahay 240 Milyan oo doolar. Sanadkii tagayna wayba is dhintay miisaaniyadda, markii lawaayay deeq laga heli jiray wadama ajanabi ah.

Lacagtaa yar ee miisaaniyadda ah meelna kama soo rogeyso waddan ballaaran sida Soomaaliya oo kale. Kawaranse aqristow hadday miisaaniyadda gaari lahayd hal bilyan oo doolar? Ma ahan wax adag inaan helno miisaaniyadaas, haddii aan ku darsano 720-ka milyan ee doolar ee ay dulmiga kuheystaan nimanka afduubtay isgaarsiinta qaranka. 

Makulatahay markaa in ciidamada waddanka loo waayi lahaa mishaar? Ama Talyaaniga loogu qaraaba sheegan lahaa gumeysigii dulanka ahaa? Ama gabdhaha Soomaaliyeed booyaasooyin noqon lahaayeen?!

Sidoo kale, aan fiirino gobollada isbadalka ay kuyeelan karto hadday soo ceshadaan hantidaa laga boobay. 6-da gobol ee koonfurta hoose ee Soomaaliya: Jubbaland, iyo Koonfur-Galbeed Soomaliya. Waxaa kasoo jeedo dadka ugu dhibban Soomaaliya iyo barakacayaasha uu baaska kuhabsaday ee seeraaraya Soomaaliya. Dhanka kale waxaa kunool kalabar shacabka Soomaaliyeed. Sidaa awgeed waxay sanadkii ku bixiyaan isgaarsiinta lacag ka badan 360 MILYAN OO DOOLAR, hadday la wareegi lahaayeen hantidaa qaranka, makula tahay inay dadkooda kujiri lahaayeen dhibkaan aad ila aragtid?!!!

hq

Tusaalaha 2-aad waa gobolka Gedo, oo dadkiisa halka milyan gaarayo ay wehliyaan boqolaal kun oo ah soomalida dagan xadka kenya iyo Itoobiya oo isticmaalo isgaarsiintaas. Gobolkaa wuxuu sanadkii kubiiriyaa hantidaa la dhacayo lacag kabadan 70 milyan oo doolar. Haba yaraatee lacagtaa dib uguma soo laabato iskuuladiisa, waddooyinkiisa, caafimaadkiisa, iyo ceelal loo qodaba. Iyadoo gobolkaa uu baryahaan danbe kucaan baxay macluul, abaaro, iyo biyo la’aan, waxaana kufilnaan lahaa haddii dib loogu celin lahaa 2 milyan oo kamid ah lacagtaa laga boobay!!! Ama dadka daggan ay garan lahaayeen inay sameystaan isgaarsiin ayagu leeyihiin sida gobollada qaarba kajirto una adeegta dadkooda. Ama ugu yaraan ay laxisaabtami lahaayeen dadkaa hantidooda boobaya waxna aanan kusoo celineynin hormarka gobolka.  

ww

Qoraalka soo socdana waxaan uga hadli doonaa, xawaaladaha iyo hantida ay qaranka kala maqan yihiin.

Danqasho Diiran, iyo Doonista Dib Udhiska Dalkeeyga

Qore: Ustaad Abdul-Majiid
amajiid1@yahoo.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Afduubka Dhaqaalaha Dalka iyo Dabargoynta Danyarta – WQ. Ustaad Abdul-Majiid "

  1. M KHADAR says:

    Runtii waa arrin xaqiiqa ah oo qof damiir leh oo qudha uu garanayo, keenayna geerida dad badan oo dan yar ah ooy dabar gooyeen daneystayaal doolar un raadinaya!!!

  2. qoralkaan waxaa uu daaha kaqaaday xaqiiqada kajirta wadanka siiba xaga dhaqaalaha , dadka waa inay ku baraarugaan xoolaha wadanka oo la boobaaya

  3. Runsheeg says:

    waa run warka qoraaga, laakiin waa in la helaa xukuumad caadil ah oo dadka hantida haysta ka qaada Sakada siisana dadka baahan sida diinteenu qabto.
    Marka innaga soomaali ah hadafkaas dad u hiilin kara ma nahay.

  4. Allaahu akbar
    marka hore ilaah ayaa mahad leh,shacabka qaar ka mid ah tusiayay dhibka jirta iyo xalkiisa, intaa ka dib. Sh cabdulmajiid aad ayuu umahadsanyahay
    arimaha uu kahadlayana waa marag madoonto u baahan rag u kaca shacabkana hantidooda usoo dhiciya.waxaanse leeyahay akhyaar badan ayaa jirta sida sh cabdulmajiid oo kale ufahansan xaaladaha dalka iyo dadkiisuba marayaan hadaba waa in ay dadka noocaas ah is raadsadaan caalamka meel walba ooy ka joogaanba lana xisaabtamaan dadka fara ku tiriska ah ee hantida dadka seey rabaan ka yeela. waxaa dhab ah hadii ay xisaaabtan dhab ah arkaan in aysan is madax adkeeyn karin balse waxa xaqa loogu leeyahay laga heli lahaa.
    socod tallaabo ayuu ka billawdaa ee halkaa aynu kasii wadno waanu gaari doonaa maalin aan shacabka xaqooda usoo celino bi idnillaah.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.