Home » Faallo »

FAALLO: Sanadka 2016-Waxa Laga Xasuusta, Nasiib Xumada Michael Keating Iyo Fashilka Madaxda Dowlada Federaalka

AQOONYAHANSanadkan  2016-ka Dhamaan Ummadda Soomaaliyueed waxa ay  Idhaha u taagayaan Doorasho ka dhacda dalka, taas oo Madaxda Dalka ay u muuqanaysa in ay ku hor kufeen Hiigsiga 2016-ka.

Qabshada Magaaladda Marka ayaa dib  dad badan oo Soomaaliyeed ay u xasuusinaysaa Taariiq  hore, ilayn Taariiqdu waa  ma guurtee hadaba aqriste Iswaydii Maxaa dhacay 1996-daa , 2006-dii iyo sanadkan 2016-ka.

Dhamaan Taariiqahan waa kuwo dad badan  dib u Xusuusinaya sanado Colaadaha oo ragaadiyay  Nolosha  kumanaan Qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Dekada leh ee Muqdisho oo wali ka soo kabsan  dagaalo xiriir ah.

Sanadaha Tirada Lixda  u danbeysa ee  1996-dii , 2006-dii  iyo sanadkan 2016- aan  in xasuusiyo waxa ka dhacay Magaalada Marka oo hada xaalkeedu  uu ahay Allow sahal oo  dadka Magaaladaas ay filan karaan in mar kasta dagaallo ay dhici karaan.

1996 – Ganaral Maxamed Faarax Caydiid  Allaha u  Naxariistee   wuxuu waqtigaa waday dagaaladii uu doonayey in uu wadanka soomaaliya ku qabsado awoodiisa Gaar ahaan magaalada muqdisho isagoo aamin sanaa  xiligaas  inuu madaxweyne noqonayo.!

Caydiid  ayaa markii dame u dhintay  dhawac soo gaaray sanadkii 1996-dii , waxana Geerida Marxuumkaas ay keentay in isbedel sanadkaas uu dhaco inkastoo dagaalada qabaa’ilka ku salaysan halkooda ay ka sii socdeen oo uu daadanayay dhiiga dad badan oo Birma gayda ah.

Sanadkii  2006: waa  sanadkii la soo gaba gabeeyey Hogaamiya kooxeedkii kala haystay Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo xikigaas dad badan suurtagal ay u noqon waysay in ay isku gudbaan, waxana barbar socday dagaal salka  ku haya qabaa’ilka.

Lakiin  2006  Muqdisho waxa  ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socday ilaa March isla23keedii isla sanadkaas  dagaalkaas oo u dhexeyey Midowgii  Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka “Argaggixisada”.

Dagaalkan waxa uu dhabaha u xaaray in gabi ahaanba Magaalada Muqdisho loogu tag roonaado Kooxihii Hogaami kooxeedyada ee Magaalada Muqdiso mudo ku loolamayay, isbedelkan Soomaali badan ayaa u arkayay in  culays saarnaa laga qaaday.

Isla  sanadkii  2006-dii waxa  lagu xasuustaa Taariikh ahaan in  Maxkamadahii  Islaamiga ay ka baxaan  Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadaha Xiligaas Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, waxa uu  xiligaas  Shiikh Shariif  “Waxan magaalada Muqdisho ka saarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey ,Maxkamadaha Islaamiga waa  ay midaysan yihiin”.

Ka bixitaanka  Magaalada Muqdisho Shiikh Shariif waxa uu ku tilmaamay xiligaas in ay tahay xeelad isbedel ah , waxana durbadiiba Magaalada lagu arkayay Ciidamada Eithopia, waxana taas ka horeyay dagaal aad u culus  oo galaaftay Nolosha  muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa  u eg nin nasiib xun oo ku soo beegmay waqti adag  oo madaxda soomaalida hogaamisa ku Fashiltay siyaasada soomaaliya iyo Dalka deeqda bixiya oo wax dhaqaala ah u hayn xisilinta soomaalida 2016.

Qalinka iyo warqada qaado 2016 maxaa lagu xasuusan Marka oo ah magaalo muhiim ah oo Alshabaab qabsadeen sanadka 2016 waa su’aal la iswaydiin karo una baahan jawaab  sidoo kale su’aasha kale ayaa ah    maxaa sanadkan dhici kara!

Ugu danbeyntii, xaalka ma sahlana, mana cada wajiga uu yeelan doono siyaasada waxaan qabaa in sanadka yahay sanad adag.

 

Qalinkii Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka Faalooda Arimaha Siyaasaddda Soomaalia
hanadka114@gmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.