Home » Faallo, News »

Qabsashada Garacad, Garabsiga UNta Iyo Qorshaha Amisom

10415697_732522016806501_3900613223240642386_n (1)Waxaa la marayaa dagaalkii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada somalia hadaba si loo meel mariyo rabitaanka beesha caalamka waa in la dhibaateeyaa meelo nabad ah maadaama kalmada Beesha caalamka ee aniga u aqaan beesha lixaad ee somalia ay tahay dhibta ugu weyn dalka.

Saddex su,aalood ayaa keenay Argagaxisada tolwadaaga yihiin beesha caalamka in ay qabsadaan deegaano ka mid ah puntland:

1. Dhul nabad ah oo ka hadal diidey beesha caalamka iskuna filnaadey?
2. Madax maamul oo leh anaga kama gudbi karno waxey dadkeena rabaan Iyagaan la tashaneynaa?
3. Iyo Deegaan nabad ah oo Amisom joogin lana ilaalin oo leh ciidan dhul, ciidan birmad,ciidan kumadoos ah iyo ciidan badd .

Hadaba su’aalahaan waxaa ka dhex heli kartaa jawaabaha ah Badda somalia waxaa jooga Ciidanka Natto ah gaaraya qiyaas ahaan 9700 kun oo dalal kala duwan ka yimid iska daa in ciidan hubeysan oo doomo wata soo ag maraane waxaa dhib ku qabay kaluumaysatada hadaba hadii aan la fududeen ma aysan soo gudbeen ciidankaan qiyaas ahaanta lagu sheegay in ay gaarayaan 250 dagaal yahan oo alshabaab ah oo saanadooda iyo hubkooda iyo sahaydooda u dhamaystiran tahay.

Si loo helo arin la isku waafaqsan yahey ka hor Augost 2016 doorashada waa in la helaa xal xalkiina waxuu noqdey in la khalkhal galiyo deegaano nabad ah oo go’aan leh si loo qasbo.

Talo:

Waxaan soo jeedinayaa Dowlada iyo Ciidanka iyo Shacabka iyo Muxaafid iyo Mucaarad intaba in loo midoobo sidii la iskaga celin lahaa kooxaha isbahaysiga qaawan ugu jira in ay gumaadaan dadkeena dalkeena iyo diinteena waa in aan ahaana dad isku fikir ah is dhiiri galiya isku kalsoon islana shaqeeya kana war haya xaalad kasta oo muhiim u ah jiritaankeena.

Waa in aysan ku sii fidin deegaan kale ee puntland ah in ay saldhig ka dhigtaan kana helaan gabaad ay ku dagaalamaan waana in la soo afjaraa waliba loo dhigaa taariikh aysan waligood danbe aysan ku soo dhiiran in ay dib danbe umad soomaaliyeed u dhibaan waxaan hubaa kuwaan waxaa soo afjarmay ajashoodii ee yaan loo dhibrinin.

Guusha Waxaan kaga dhargi doonaa labadayada sacabood mar dhow insha alaah.

Waad mahadsantihiin kuligiin wada jirkeenu ha jiro

Qore: Deeq Ali hayaan
hayaan30@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Qabsashada Garacad, Garabsiga UNta Iyo Qorshaha Amisom "

  1. Abu Fatima says:

    Maxaad fikir gaban tahay
    Adoo gaal hoosti taal
    Ayaad gobta caayay saa
    Garaad laawow miyaad
    Gar waaqsan xaqiiqda taal
    Gaboy wee yaan nin kaan
    Kufruga gayigeena rogan
    Masaar iyo Godin ladhicin
    Gaboy wee yaan nin kaa
    garawsho midaa ka wadin

  2. Maakhiri says:

    Waa talo wanaagsan maamulkasta isagaa ka masuula degaankiisa nabadiisa ,kobcinta dhaqaalaha iyo la macaamilka umadda ama shuucubta kale ee danuhu ka dhexayaan is loo kala faa’iidaysto,sideedana ma wanaagsana in caruurta dagaalka loo diro ,waayo haddii dalka caruurta laga laayo ,dadka waa waynina waa iska dhimanayaan ,markaas taasi waa tirtirista jiritaanka umadda somaliyeed ,in caruurta dagaal lagu shubona waa arin meel fog ka socota (waayo seedkii ) haddii siidhka ama abuur ka la baaba’sho waa tir tiris umadeed( in a short time of period),taas oo la rabo in la dabar jaro muddo gaaban.

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.