Rabbi ha u naxariistee, waxaa habeynimadii xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyootay marxuumad Xabiibo Cismaan Cabdi oo aheyd hooyada Maxamed Ibraahin Dubad Gowraar.
Marxuumadda oo qiyaastii ay da’deedu aheyd ku dhawaad 80 sano, dhashayna 8 caruur ah (4 dhimatay iyo 4 nool), ayaa caruurta ay dhashay iyo kuwa ay sii dhaleen gaarayaan 34 qof.
Rabbi ha u naxariistee, marxuumadda oo xalay si caadi ah ugu dhimatay magaalada Nairobi (natural death), ayaa waxaa geerideeda la war gelinayaa qoyska, qaraabada iyo asxaabta ay ka tagtay meel ay dunida ka joogaanba.
TACSI:
Anaga oo kala ah: Aden Colujoog, xaaskeyga Shamso Bare, caruurteyda, iyo Aden Ibraahin Dheere, xaaskiisa iyo caruurtiisa, si weyna uga tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid marwo Xabiibo Cismaan Cabdi, ayaa waxaan tacsi u direynaa qoyska iyo qaraabada ay ka tagtay maraxuumadda, waxaana leenahay “Rabbi samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, marxuumaddana ha u naxariisto, Janatul Fardowsana ha ugu bishaareeyo.” Aamiin.