Home » News, Tacsi »

Xasan Ugaas Daahir Ugaas Sheekh Xuseen iyo Aden Colujoog oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumad Saruuro Cismaan

TACSI

Inna lillahi wa inna ilayhi raji‘un إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون Anaga oo kala ah:  Xasan Ugaas Daahir Ugaas Sheekh Xuseen oo ku hadlaya magaca Ugaaska iyo dhamaan Ree Ugaas Daahir, iyo Aden Colujoog oo ku hadlaya magaca qoyska reer Colujoog, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh ugu direynaa dhamaan Reeer Adeer Yaroow Cismaan, Gaar ahaan Wasiirka Xuduudaha Maamulka Soomaalida Itoobiya Mudane Maxamed Yarow Cismaan oo dhawaan hooyadii Saruuro Cismaan ay shiil baabuur ugu geeriyootay dalka Itoobiya.

Waxaan marxuumadda Ilaah ugu baryeynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo; qooyskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.  Aamiin.

Xasan Ugaas Daahir Ugaas Sheekh Xuseen iyo Aden Colujoog

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.