Waqtigu wuxuu ahaa goor subax ah saacadduna ku beegan tahay tobankii subaxnimo goobtu waxay ahayd Hotel City Palace waxaa ka socday Carwada dabshidka magaalada Muqdisho.
Waxaa aad iisoo jiitay oo dareenkeyga kiciyey farxadda dhallinyarada iyo waxa meesha ka socday qoreyaasha Soomaaliyeed dhamantood waxay ahaayeen kuwo aad la dhacayso niyadsamida iyo isjacaylka ka muuqda.
Waxaan ka dhaxlay murti iyo aqoon waxay ahayd markii igu horeysay ee aan ka qeybgalo dabshid nuucaan oo kale ah kaasoo sida ka muuqata loo soo agaasimay si qurux badan oo indhihii arka aysan eegmada goobta munaasabaddu ka dhacayso ka daaleyn.
Qoreyaasha waxay ka kala yimadeen daafaha calamka, gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho dhammaantoodna waxay ahaayeen hal-abuurro mid kasta dareen gaar ah leeyahay.
Qoreyaasha isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa qoraagii ugu da’da yaraa waxay ahayd gabar aniga si gaar ah saameyn xanuun leh igu reebtay, waxaa hal mar isbedeley dareenkeyga aadna ii gilgilay markii gabadhaas ay aabaheed ku casuuntay inuu qaato buugga ay qortay oo ay goobta ku soo bandhigtay.
Gabadhaas walaashey ah ee xigmadda iyo hibada leh waxay igu abuurtay dareen mudaba iga dhex guuxayey kaasoo xambaarsan mawhado murugo ah oo dhammaantey I bedeley sababtoo ah aniga nasiibka iyo waayaha adduunka ima siin inaan aabahay laabta geliyo, waxaan dareemay kelinimo.
Illintu igama dhammaan illaa ay qoyso dhabanadeyda una sii gudubtay jirkeyga intiisa kale waxa keliya ee ii muuqdayna waxay ahayd jacaylka aan u qabay aabahay iyo inaan ahay maanta gabar aabbaheed uusan dunida joogin halkaasna ku weysay garab weyn oo wax badan ka caawin lahaa.
Inkastoo aabbahay aan waayey haddana nolosha kama rajo dhigin oo waxaa jira dad badan oo ila mid ah kuwaasoo ku jira xaaladda murugada badan ee aan ku noolahay waxaanse mar kasta nafteyda ku qanciyaa qadarta Alle taasoo ay tahay in ruuxa muslimka ah uu ku qanco.
Dadka hareeraheyga fadhiyay waxay I leeyihiin maxaad la oyday waxaan ku iri qaarkood gabadha yar qoraalkeeda ayaa isoo jiitay, waxaa Iyana jirty Naciima oo ka timid Hargeysa Naciima waxay na dareensiisay qiimaha ay leedahay wadaninimada waxaan moodayba inaan joogo meel kale waxaa I qaaday qiiro markii dhageyheyga ay soo gaareen hadalladii ay goobta ka soo jeedisay kuwaasoo ay ka buuxeen waddaniyad iyo dal jacayl.
Waxaan ogaaday in dadka Soomaaliyeed aysan meel fog kala jirin laakiin ay kala xirxireen oo keliya siyaasiyiin danahooda ka dhex arkay kala fogeynta ummadda Soomaaliyeed ee isjecel sababtoo ah qof kasta oo joogay madashii Muqdisho Book Fair waxaa maskaxdiisa xanuun ku reebay dareenka wadaniyadeed eek a muuqday dhammaan kasoo qeybgalayaashii munaasabadda
Muhiimadda gaar ah ee goobtaas aan ka bartay waxay ahayd in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin hoggaan daacad ah oo ku haga dariiqa waddniyadda iyo Soomaalinimada waxaana qof kasta oo goobta ka hadla uu si dareen leh uga hadlayey waxtarka ay leedahay in dib loo helo ummadda Soomaaliyeed oo isku duuban una jiheysan wax wada qabsi iyo horumar la gaarsiiyo dalkeenna burburka ku jiray in ka badan 20 sano.
Guud ahaan bandhiggii Muqdisho Book Fair waxaan kala soo hoyaaday farxad iyo waaya aragnimo I dhaxalsiisay inaan wax badan oo aanan horey u ogeyn aan halkaas ka ogaado, waxaas si gaar ah maskaxdeydu usoo celineysaa dhammaan qoreyaashii hibadooda wax curis amah al-abuur halkaas ku soo bandhigay iyo sida ay noola wadaageen dareenkooda dhabta ah .
Nafteddu waxaysan marnaba hilmaami doonin wiil ka yimid magaalada Ceergaabo oo sida uu sheegay loogu sheekeyn jiray in magaalada Xamar ay tahay meel qatar badani ka jirto oo aan la imaan karin islamarkaana ruuxii soo caga dhigta uu wajahayo halis nololeed.
Wiilkaas wuxuu ka sheekeeyey sida uu isu bedeley dareenkiisa markuu yimid Muqdisho iyo wuxuu kala kulmay iyo wixii looga sheegi jiray, ugu dambeyn wuxuu ka sameeyey Muqdisho gabay ka hadlaya horumarada iyo nolosha quruxda badan ee ka jirta waxaana gabaygaas uu ku ammaanay guud ahaan sida ay Muqdisho horumarka dhinac kastaba leh u sameyneyso.
Muqdisho magaalo madaxdeena
Magacii dalkeena wanaajiya
Muqdisho
Mudnaantii dalkeena hagaajiyaay
Sida miraha luulkaa
Mawjadaha badweyntaa
Ka dhex muuqataa
Dhexdooda
Muqdisho magaalo madaxdeena.
Fahma Xasan Gabax
Fahmahassan@gmail.com
0617628617
Masha allh wlh fariintan marki an aqriyay gaar ahaan marki gabadha dareente dareenka abahed aad baan u ilmeyay ilaa an qoralka dhamastay wa dareen jeceel jeceel walid nimo masha allh allh haku xafido walale aniga kama so qeyb galin farxadas lkn inta noogo shegtay baa aad ii farx gliye
runtii qormadan waxay igu abuurtay dareen gooni ah fahma hassan gabax waa wadaniyad anaana qiraya qoraalkan kaliya maahane xitaaa waxaan hubaaa inay nafteeda u hibaysay wadankeeda runtii maanta waxaan aad ugu farxay inaan arko markii u horaysay qof wadani ah sidan saa idka ah waan u hambalyaynayaaa famho waxaan u sheegayaaa guuluhu waa isdaba socdaan waaana laga baxayaaaa wakhtiga adag ee lagu jiro