Home » Faallo »

QORMO XASAASI AH: Galmudug waxay fali lahayd fashay ee wixii laga fali lahaa baa dhiman

Boob,  musuqmaasuq, gabood-fal’iska-hor-keen iyo wax is-daba marin meeshii u sarreysay bay ka gaartay Galmudug.  Qof kasta oo qunyar socod ahaa runtaa  quusisay.  Ma dhimana wax lagu eedeeyo oo looma fadhiyo wax san ee laga sugayo.Mugga bas waaye !! Hadda, waxaa la gaaray waqtigii laga tashan lahaa Galmudug.  Annigu waxaan ku tallin lahaa sidan:-

gal-mudug-flag

1.   Xildhibaanada la boobay ee illaa iyo hadda maraya 26 qof oo weliba sii kordhayaa, ha sameysteen gole ka dhexeeya oo wadajir dacwadahooda u qaabeeya.  Ha qoreen waay-aragnimadii kharaareyd ee la soo marayiyey iyo waxay kala kulmeen maamulka Galmudug. Waa muhim inay caddeeyeen laaluushka la weydiistay, cidda qaabilsan gorgorada iyo qofka qaada intaba.  Ha sheegeen xujooyinka la hordhigay, sida yaad dooraneysaan?  An kuu hiiliyee maxaan kaa helayaa, Iwm.  Kashifaaddu waxay fududeynaysaa in xal la helo  oo qoraalku waa markhaati raagaya.  Waa muhim in la wacyi-geliyo ummadda oo si quman oo faahfaahin leh loo wargeliyo Beesha Caalamka.

2.  Beelaha kala duwan ee Galmudug ka tirsan ee dhammaantood gefka iyo boobka loo geystay, ha ka tashadeen waxa kala gudboon dulmigii caamka ahaa ee ka dhacay Cadaado. Waa lagama maarmaan inay go’aan ku habboon ka qaataan.

3.  Tirada yar ee an ka badneyd 20% ee ku guuleysatay Xildhibaanimada an loo boobin, waxaan leeyahay hambalyo.  Xilka ad qaadeen ugu hiiliya dawladnimo hufan ee Somalia ka dhalata iyo in caddaalad caam ah la helo.  La tashada damiirkiina oo ka weynaada jeebkiina.  Ogaada in Damul-Jadiid  tahay cadawga Somalia.

Waa soo dhaweynayaa ciddii tallo ka dhiibanaysa sidii looga bixi lahaa hungada iyo  iyo dhibaatada lagala kulmay  Galmudug.

 

Daahir F. Afdheere
Email. owsame1@yahoo.com
Birmingham, United Kingdom

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.