Home » News »

Akhriso: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go’aan ka gaaray arimo badan oo doorashada quseeya.

bbbbKulan ay maanta Muqdisho isugu yimaadeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa waxa ay kaga hadleen Arimo dhowr ah oo doorashooyinka quseeya.

Xildhibaanada ayaa maanta waxa ay go’aan ka gaareen Lacagaha laga qaadaayo Musharxiiinta u taagan xilka Madaxweynanimo iyo guddoonka baarlamaanka soomaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaariyay 12 xildhibaan, iyadoo intaas kadib baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka uu maanta go’aamiyay in musharaxiinta xilka madaxweynaha laga qaadi doono lacag dhan $30,000, halka musharaxiinta guddoonka labada aqal laga rabo $15,000.

Sidoo kale, baarlamaanka waxaa ay isku raaceen in mudane kasta oo labada aqal ka tirsan uu u saxiixi karo ugu yeraan sadex musharax.

Kulanka baarlamaanka maanta ayay xildhibaanada waxa ay ku diideen in guddiga doorashooyinka dadban ay ka mid noqdaan dadka kormeeraya doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa waxaa uu ansixiyay in musharaxa Madaxweynaha uu  la yimaado illaa labaatan xildhibaan saxiixooda waxaana xildhibaan walba loo oggolaaday in uu saxiixi karo saddex musharax.

Kulankii baarlamaanka Aqalka Sare ayaa la isku raacay in ay kulankooda ugu horeeya ay yeelan doonaan marka la soo dhamaystiro senatarada gobolada waqooyi ka imaanaya oo doorashadooda dhowaan la qabanayo.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.