Home » News »

DEG DEG: Taliye ku xigeenkii Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya oo Goordhaw lagu dhex dilay Xarunta.

capture-5Taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dilay madaxtooyada Gudaheeda, taliye ku xigeenka La dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qoorgaab waxaana la ogeyn cida dishay Taliye ku xigeenka.

Dilka taliyaha waxaa la sheegay in uu geestay Mid kamid ah Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaliya inkastoo aan la ogeyn sababta uu u dilay taliyaha iyo in Alshabaab uu ka tirsanaa askariga dilka gaystay.

Madaxtooyada Soomaaliya weli War kama soo saarin Dilka Taliye Kuxigeenka Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu dilay Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Xaaladda Madaxtooyada ayaa hada qasan waxaana la is weydiinaya Dilka Maalin Cad madaxtooyada gudaheeda loogu geestay Taliye ku xigeenkii Ciidamada Madaxtooyada Villa Soomaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.