Home » News »

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo heshiis horudhac ah ku gaaray Muqdisho

gaas-and-guuleed3Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta heshiis horudhac ah oo loogu gogol xaarayay nabad waarta oo ka dhacda deegaanada Mudug ku gaaray magaalada Muqdisho.

Qodobada ay labada madaxweyne ku gaareen Muqdisho oo ka koobnaa saddex qodob ayaa waxay kala ahaayeen: In la’isu furo isku socodka dadka iyo gaadiidka ee labada labada dhinac, in magaalada la geeyo ciidamo Boolis ah oo isku dhaf ah, iyo in bisha labaad ee sanadka cusub 2017 mar kale leesugu soo laabto wada tashi looga arrinsanaayo sidii loo sii balaarin lahaa heshiiska.

Ugu danbeyntii, kulankii maanta oo u dhacay si heer sare ah ayaa waxay labada madaxweyne ee Gaas iyo Guuleed waxay ku balan qaadeen in ay fulin doonaan qodobada ay ku heshiiyeen.

Daa’uud Cabdi Faarax, Muqdisho-Somalia.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.