Home » News »

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya oo mar kale Xildhibaan loo doortay.

ffff

Doorashada Aqalka  Golaha shacabka ee Gobolada Waqooyi oo maanta markale dib uga bilaabatay Caasimada Soomaaliya.

Xildhibaanada Maanta Soo baxay waxaa ka mid ah:

1- Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan 45 Cod

2- Muuse Siciid Jaamac 48 Cod

3- C/fitaax Ismaaciil Daahir 46 Cod

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta ka mid noqotay Xildhibaanada lagu doortay magaalada Muqdisho, Xildhibaanadan ayaa horey uga tirsanayd Baarlamaanka hada wakhtigiisu dhamaaday ayadoo sii kalana soo noqotay Haweenaydii ugu horesay ee noqota Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya.

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee gobolada waqooyi ayaa hada gaadhay heer gabogabo ah, waxaana xigi doonta doorashada xildhibaanada aqalka sare ee isla gobaladaas.

 Cabdiqadir Maxamed, Muqadisho-Somalia

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.