Home » Faallo »

Xildhibaan, Ha Dooran Farmaajo Haddii …..!!

FarmaajoDabayaaqadii sanadkii tagay ayaa waxaa Telifoon iisoo diray Taliyaha Amniga Dal Carbta Afrikaad ah oo aan isku dufcad ahayn Markii ay Dawladdii Soomaaliyeed Moosko tacliinta iigu dirtay , in kastoon arday wada ahayn hadana markii loo dhiibay Ammaanka dalkiisa wuxuu dhawr jeer jeclaystay inaan kasoo tago Dhulka Raafidaynn iyo Bariga dhexe oo aan Bare ka ahaa  una soo guuro Afrika barana aan ka noqdo , waan iska diiday duruufo jiray walina jira dartood , hase yeeshee 3 Jeer ayaan wax ka layliyay Saraakiil lagu biirinayay xoogaga Ammaanka Dalkaas.

Bil  ka hor ayuu igu marti sooray Dalkiisa , inkastoon da’ 70 aad kor u dhaafay , Albaabkii Aakhirana aan taaganahay nolosha Adduunna aan isaga qash dhacay , hadana kamaan raja beelin inaan arko Madax Soomaaliyeed oo ugu yaraan Dhaqan Soomaaliyeed leh , kala garanaya Qofka Soomaaliga ah iyo kaan ahayn siday u kala mudan yihiin .

Taliyaha aan iska diiday inaan Magaciisa iyo Dalkiisaba idiin sheego wuxuu ii dhiibay Qoraal ka kooban 5 bog oo laga soo xulay war ay soo tabiyeen Saraakiisha wardoonka ee Hay’addiisa , Nuxurku wuxuu ahaa Doorashada Soomaaliya iyo sida ay Dawladaha danta ka leh u arkaan :, Dowladda Itoobiya iyo Kiinya waxay ka midaysan yihiin war-warka ay ka qabaan in la doorto Maxamed C/Llaahi Farmaajo   sababta ugu waynna waxaa weeye hamigiisa Siyasadeed waxaa ugu horeeya Xooggii Dalka Soomaaliyeed ,arintaasna masaalixda labadaas dal uma adeegayso, sidoo kale Shacabka ayaa xoog u taageersan,hadduu Madaxwayne noqodo waxaa suura gal ah inuu ka faa iidaysto Taageerada shacabka una sahlaysa inay dawladdiisu badasho aragtida xooggaga mayalka adag.

Dawladda Imaaraadka waxay ku dadaalaysaa  Musharaxiinta Daarood si Farmaajo looga hor istaago labada xil ee ugu sareeya Dalka, Hadduu xukunka qabto way adkaanaysaa inay Imaaraadka Carabtu gacan  ku yeeshaan Maamulka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida Masar  si loola dagaalamo dhaq dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin ( Al Islaax ) oo dhinaca wax barashada awood ballaaran ku leh.

Dawladda Masar waxay ku haminaysaa inay  yeelato Beeraha ku teedsan wabiga Shabeelle waxayse cabsi ka qabtaa isbadalka dhacaya war laga keenay Qaahirana wuxuu Muujinayaa dhaqaalaha Masar inuusan u wanaagsanayn in Farmaajo kusoo boxo doorashada  sidaa awgeed Xukunka Askarta ee Masaarudu waxay ka codsadeen Imaaraadka inay dhaqaale fiican ku bixiyaan sidii loo soo saari lahaa nin aan ahayn Maxamed C/llaahi Farmaajo laakiin Daarood ah si aysan suura gal u noqon inuu Farmaajo mar kale noqdo Wasiirka 1 aad, sidoo kale Wasiirkiisii Wax Barashada Dr C/Nuur oo reer Hiiraan ah ayaa lagu sheegay inuu dhawaanahan waday olole xoog leh , laakiin lama sheegin cidda uu la siyaasad yahay .

Fariimaha qaar ayaa lagu sheegay intuu ahaa Wasiirka 1 aad 2010 kii waxaa ka mid ahaa qorshihiisa in la xakameeyo Cuntooyinka lasoo dhoofsado, lana kobciyo suuqna loo yeelo kuwa dalka laga soo saaro ayadoo la hir galinayo warshado yar yar oo saami leeda Soomaali ah leeyihiin, Hadduu qorshahaas la yimaado mar kale waxay adkayn doontaa rajada ay Masar ka leedahay Hiiraan iyo Wabi shabeelle Beeraha ku yaalla.

Warqadaas waxaa sidoo kale ku sheegnaa Baadiyoow oo lagu sheegay inuu yahay Nin ay Imaaraadku si xoog ah u diidan yihiin Madaxwaynaha dhacayana ay isku reer yihiin , waxaa sidoo kale la sheegay Jibriil oo ay ku qeexeen inuu yahay ( علماني متطرف ) oo loola jeedo Cilmaani Xagjir ah , inkastoo uusan lahayn khibrad uu ku hogaamiyo Soomaaliya haddana waxay lagu sheegay inuu yahay nin dhalin yaro ah oo ay Wasaaradda Difaaca Maraykanku laylisay,  waxaa suura gal ah inuu  guulaysto marka lagu qiyaaso qoyska uu kasoo jeedo , haddii ay Xildhibaanadu u battaan in la rido Madaxwaynaha haattan jira isla markaana lagu badalo nin ay isku Qabiil yihiin  waa ninka ugu dhow oo kusoo bixi kara marka lagu miisaamo qabiil, haddii uu soo boxo waxay qabaan saraakiisha Ammaanka ee Kiinya  inuu kordhayo iska hor imaadyada hubaysan ee ku dhisan caqiidada , taasoo  Ragga Ammaanka Kiinya ay qabaan inay kaalin fiican ka qaadan karto geeddi socodka Kiinyaynta Kismaayo taasoo ay rabaan inay dhacdo Saraakiisha Kiinya 25 sano ee socda.

Fariinta Imaaraadka waxaa xoog loogu adeeg saday erayga ‘’ Faragalinta Qaawan ee Turkiga ‘’ inaan loo ogolaan Soomaaliya iyo ka faa iidaysiga suuqa Soomaaliya  kaasoo yareeyay dalabkiisii Imaaraadka uga imaan jiray tan iyo inuu Turkigu faraha la galay Siyaasadda Soomaaliya, sidoo kale Turkigu wuxuu kala dhantaalayaa ‘’Awoodda’’ iyo ‘’ Midnimada’’ Ummadda Carbeed sidaa awgeed waa inuu Golaha Iskaashiga Khaliijka si wada jir ah u wajahaa ‘’Khatarta ‘’ Cusmaaniyiinta cusub.

Farriin ka timid Geeska Afrika oo aan is iri isha warkaas waa soomaalida ku xeeran Soomaaliya ayaa ku sheegtay Sheekh Shariif inuu yahay nin nasiibku siiyay mar inuu noqdo Madaxwayne laakiin ay aad u adagtahay inuu mar kale helo cid maqasha , doorashadaanna waxaa adag inuu kasoo gudbo wareegga 1 aad , Maslax Maxamed Siyaad riyaduu ku jiray ayuu Shariif Xassan ku jiraa doorkan ayaa lagu sheegay.

Waxaase aad ii xiisa Galiyay war bixin ka timid Adis Abab , Itoobiya , ‘’ Dawladda Itoobiya aad ayay ugu adag tahay xiligaan  inay qiyaasto cidda kusoo baxaysa sababtuna waxaa weeye , Xildhibaanadda waxaa lagu soo doortay si ka duwan hanaankii hore , waxaana meelo badan kasoo baxay dhalin yaro aan la aqoon badankoodna aan wax balwad ah lagu ogayn , sidoo kale waxay Itoobiya aamin san tahay Laaluushku inuusan shaqayn doonin marka la gaaro wareegga labaad , waxaana suura gal ah haddii uu Farmaajo wareegga labaad uu soo gaaro inay adag tahay in la loodiyo , Xildhibaanno badan oo dhalin yaro ah ayaa lasoo doortay ha ku yimaadeen laaluush iyo lacago inta badan laga helay   Madaxwaynaha hadda dhacaya iyo kuwa Gobolada ,  sidoo kale Xildhibaanno badan oo lacag ka qaatay Madaxwayne Xassan ayaa la og yahay inay codkooda siin doonaan cid kale . isku duub Itoobiya waxay aamin san tahay hadduu Maxamed C/llaahi Farmaajo kasoo gudbo wareegga 1 aad inuu yahay Madaxwaynaha 4 sano ee soo socta Xamarna  waxaa hubaal ah markaas inay waji cusub yeelan doonto.

Doorashada Hargaysa ka dhacaysa ayaa ku sheegnayd war bixintan , Sarkaal Kiinyaan ah ayaa u sheegay wardoonka inay ku faraxeen Itoobiyaanku sidii loogalay Jamaal Cali Xuseen oo la aamin san yahay inuu yahay nin ka dhalin yar ragga haattan baratamaya , kana aqoon badan ,dhaqaalaha gobalkana wax ka badali kara, laakiin wuxuu sarkaalka Kiinyaanka ah yiri ‘’ Ciise Masiix ayaa Faysal Waraabe ku saladay ‘’ asagoo hadlaya ayuu yiri ma ogtahay Soomaalida aqoon kama shaqayso ee Qabiil ayaa ka shaqeeya , xitaa Diintooda Islaamka waxay ka jecel yihiin Qabiilkooda , Sarkaalkan oo lagu koobay magaciisa Charles kana mid ahaa Ciidanka Ammaanka Kiinya  wuxuu sheegtay asagoo cabsan inuu ahaa ninkii maamulayay Gudiga Xalinta Khilaafaadka markii lasoo dhisayay baarlamaanka wuxuuna sheegay inay lacag taallo Soomaaliya , ‘’ Ma ogtahay in Ciidanka Kiinya ay Kismaayo iyo Xamar jidka u dhexeeya xireen , Ganac satadana waxaa loo fududeeyay inay toos Kiinya alaabtooda u keenaan muddo ka dib Kismaayo Kiinya ayay iska noqon doontaa asagoo qoslaya ‘’ .

Ugu danbayntii  Xildhibaanna haattan gacantooda lagu meeriyay masiirka dalka waxaa saaran waajib culus , inay doortaan cidday ku aamini lahaayeen inuu ubadkooda  nolol karaamo leh u diyaariyo inay ku Hogaamiyaan dalka barri marka qoorta naloo laabo , inaad laaluush gurataan  dalkana dayacdaan , jiilalka danbe ayaa idinku Nacaladi doonee , Xildhibaanoow Codkaaga maanta ayay tala kula joogtaaye Dalkaan la dulleeyay Ugu hiilli .

Xiirane
Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)
fahiira@gmail.com

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.