Home » News, Tacsi »

TACSI Marxuum G/Sare Axmed Cali Yuusuf.

Anigoo ku hadlaya magaca Reer Xaaji Ismail Yussuf Faahiye, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa Walaasheen Saciido Xaaji Bashiir Ismaaciil iyo Caruurteeda, iyo Qoyska Reer Cali Yuusuf, Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Saygeeda Marxuum G/Sare Axmed Cali Yuusuf oo Talaadadii 17/01/2017 ku geeriyooday Isbitaalka Al-Qaasimi ee Magaalada Sharjah – UAE, halkaasoo uu degenaa ilaa 1991kii laguna aasay.

Marxuum Axmed Cali Yuusuf oo ku dhashay Degmada Baargaal, waxuu ka mid ahaa Macalimiintii hore ee dalka Soomaaliya, Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gudoomiye Degmooyinka Baardheere – Laascaanood – Garoowe, waxaana aad loogu xasuustaa uuna Billad Sharaf ku lahaa gurmadkii abaartii Daba-dheer, waxuunna markii ugu dambeysay ahaa Madaxii Hogaanka Tababarka ee Wasaaradda Gaashaandhigga JDS.

Marxuumku waxuu ifka kaga tagay Xaas iyo (14) afar iyo toban Caruur isugu jirta inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen, waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Jannadiisa Firowsa ka waraabiyo, Rasuulkiisana ku xiriiriyo, gadaashiisana uusan na fidneyn, dhamaanna Samir iyo Iimaan naga siiyo. Aamiin

Cabdullaahi Xaaji Bashiir Ismaaciil
ahbismail2@gmail.com

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.