Home » News »

Kacdoon shacab: Daawo mudaaharaadkii lagu taageerayay mudane Farmaajo ee ka dhacay Daljirka Dahsoon

Dabeesha kacdoonka dadweynaha lagu taageerayay intii mudda ahba madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u muuqda mid ay gadaal ka wadeen inta badan dhalinyaro rag iyo dumar isugu jira oo ku sugan dal iyo dibad, kuwaasoo markii aad daawato dhamaan mudaaharaadyadii ka dhacayay gobolada Soomaaliya iyo waliba dibadaha dalka ay indhahaagu ku dhacayaan dhalinyaro aad u xamaasadeysan oo isbedel doon ah.

Umad walba waxay leedahay quwad ama qaar ka mid ah bulshada oo isbedel ku sameeya arrimaha la xariira noolashooda, marka ¬†maanta waxaa xaqiiqo ah isbedelka ka dhacay Soomaaliya ee lagu doortay mudane Farmaajo in ay ka danbeysay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel ay joogaanba, kuwaas oo u badan da’ yarta isbedel doonka ah

Haddaba, muuqaalka VIDEO-ga hoose ka daawo sida uu aha dareenka umadda Soomaaliyeed ee isugu jira ciidan iyo shacab kaddib markii lagu dhawaaqay in uu mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.