Home » News »

Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya

KU: MADAXWEYNAHA SOMALIAYA MUDANE MAXAMED CABDILAAHI FARMAAJO

KA :MOHAMED BIDE ABDIRAHMAN

Asalamu calaykum marka hore salan ka bacdi anigoo ku hadlaya afka dhalinyarada somaliyeed meelkasta oo ay kala joogaan ku kala firidhsan yihiin ku dhibaataysan yihiin ,waxa madaxwayne in badan soo wada galnay halgan dheer kaas oo ahaa talada wadanka in aad mar uun hogaamiso taas oo ay sababtay quluubta shacabka soomaliyeed oo ducada aan lakala hadhin  waxaa faraxad ii ah inay shacabka soomaliyeed ay urumowday riyadii ay in badan ku taamayeen ku qaylinyeen isku waraysan jireen , waa wax ilaahy loogu mahadnaqo in umada in badan dhibaato rafaad silic soo martay ay helaan hogaamiye daacad ah wadani , dareemaya dhibaatada shacabkiisa haysata ka dhiidhiyaya gumaysiga qaawan ee ay kula kaceen dawaladaha jaarka ah , mudane madaxweyne dalkan soomaliyeed wuxuu leeyahay dhalinyaro  aad u tiro badan jecel wadankoda han iyo himilo leh aan arag nidaam dawladeed aan helin waxbarsho tayo leh balse wax ku bartay wadan burbursan oo in badan ay dul  hadhiyeen dhibaatoyin badan, amni daro iyo caafimad daro , dhaqale laa an iyo hagid la aan , Mudane madaxweye qarkoodna ay dalka dibadiisa u hayaameen si ay wax uga badalaan mustqabalkoodan mugdiga galay una so nooleeyaan wadankoodii bur buray, ee lagu ciyaaray lagu dheelaya la bur buriyay kooxa gaar ah oo gacmo shisheeye hogaaminayaan ay isu kaashadeen in ay baabiyaan umad dhan ay dumiyaan sumacadoodii iyo mustqabal koodii , mudane madaxweyne waxaad balan qaaday is badel dhab a waxaad martay kitaab waxaad henatay quluubta umada soomaliyeed oo in badan dhibka iyo silica soo martay oo faraxad  darted la ilmeeyay qarkoodna ay udhinteen dartaa iyagoo muujinaya faraxada dawladeed ay qabaan in ay heleen hogaamiye daacad ah wadani ah  , mudane madaxweyne waxaa lagaaga fadhiyaa  ra iisul wasaare  tayo leh indheer garad ah wadani ah daacad ah dalkiisa jecel inaad noo soo dhisto, wacyigan lagu jiro waxaa caafimad qaba markaan quluubtooda eegno waa dhalinayarada soomaliyeed , qaybtoodna ay soo gaadhay dawaladii somaliyeed qaybtoodna aanay aragba nidam dawladeed, dalkani wuxuu yeelanayaa wasiir kowaaad oo aan laga maarmayn kuna salaysan awood qaybisaga somalida mudane madaxweyne waxaan kaaga fadhinaa WASIIR dhalinyaro ah o aad ku xulutay aqoon karti iyo hufnaan waan qirsanahahy inaan dhalinyardu dalkan wax danbi ah ka galin isla markaan ay ka madaxbanaanyihin  ,dhibkii iyo dhacii loogaysatay shacabka somaliyeed  , wa inuu noqdaa qof dhalin yaro ah , adoo markasta maanka ku haynaya in wadnkan in badan dhibka iyo dagaalada sokeeye , kan maskaxiyeed ay dawaladaha jaarka ah ku hayeen  ay la dagaalimi karaan dhalinyarata somaliyeed iyagoo ogsoon inay wadankan iyagu leeyihiin , u hadhayaan mustqablkiisu uu gacantooda ku jiro,

Mudane Madaxweyne wadankan wuxuu yeelanayaa wasaarado iyo xafiisyo ay taldiisu ka go, do waxaan kugu dar daarmayaa inaad hogaan uga wada dhigto masakaxda fiyow ee dareemaysa  caafimadka ,xiisaynaysa nidaamka dawladeed , ka shaqaynaysa xasiloonida dalkan, soo noolaynaysa sumacadii iyo karaamadii uu laha wadankan soomaliyeed

Mudane madaxweyne  waxaad balan qaday is bedel dhab ah , waxaad hanatay quluubta shacabka soomaliyeed , waxaana hore kaga barangay markaad wasiirka koowaad ahyd  inaad xoraynta wadankan diyaar u tahay  isla markaan waqti yar oo kooban kaga saartay qaybo ka mid ah wadanka cadowgii xasuuqayay maatada , in dheergaradka , birimgaydada, ganacsatada, xildhibaanada , culimo awdiinka, ee madoobeeyay mustaqbalkii umadan somaliyeed, iyagoo ugu gabanaya Diin ay ku qudhaabanayaan  waxaan dareeanay oo aan isla qirnay hadaanu nahy dhalnyarada soomaliyeed in hadii jaanis kale laguu siiyo hoganka saree e wadankan aad soo noolaynayso sharafkii wadankan cadow badan iska huleela aad oron doonto , mudae madaxweyne waxaad iminka heshay furasad aad u qaali ah , waxad fadhidaa kursiga ugu sareeya wadankan( madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto )

Waxaan kaaga fadhinaa dhisitaanka ciidan qaran oo isku dhaf oo aad ku bar barisay wadinayada waxay tahay , oo markasta helaya xuquuqdii ay ku shaqaynayeen , mudane madaxweyne waxaad balan qaday inaad dhowri doonto dastuurka qaranakan uyaala, oo aad ku dhartay , marnaba  aanad dhica ka dhaafayn , taariikhada ayaa ku xusi doonta hadba saad noo jihaysid , taladu gacantaada ayay ku jirtaa anana garbaahaga ayaanu nahay

Mudane madaxweyne ha marin wadadii hogamiyashi hore intii burburka wadankan xukumayay ,indhahagu maclin ayay ku ahaayeen  quluubta shacabka soomaliyeed ayad ka dheenaysay inaan marnaba doonayn inay soo noqdaan , waa wado furan oo Hogan kasta oo dalkiisa ,dadkiisa, iyo diintiisa dayaca uu marayo dibna aanu usoo noqonayn , waxad haysataa shacab diyaar ah u heelan inay kula shaqeeyan , gaadhiga shidaalkiisa waa diyaar ee dareewal fiican ka noqo  Farmaajo   tareenkaa dhaqaaqay ha soo celin oo wado qaldan ha marin wad ka qoomamayn doonta , magaca farmaajo wey xiiseyen wey u ooyeen ee farxad ku seexi  .

Mudane madaxweyne  guntii iyo gunaanadkii waxaad haysaa dal soo kobanaya soo kobcaya u baahan badbado iyo dib usoo noolayan , waxaad haysataa dhalanyaro nku garab taagan diyaar u ah inay wadankooda ushaqeeyaan eek a shaqaysii , hanoqon hogaamiye alabaabada xidha ee noqo mid markasta alabaabadiisu furnaadaan , waqti kasta ka fikiraya umadan mudada dheer dhibku haystay , mudane madaxweyne waad ogatahay dhalinyaradii soomaliyeed waxaa ugaadhsaday nin lagu sheegaya magafe  qayba si u isticaamalay kalyahoodi xaraashatay, hablaheeni sharfta lahaa sumcadoodii  baa biyay  , markasta waxay ku ooyaan dawlad nimo la aanta haysata , laakin maanata waxay heleen iftiin , iyo dhakharat wanaagsan  oo ah wiil laguu sheegay farmaajo  ,  waxaad haysataa umad dhan oo niyad iyo duco kula garab taagan ee soo celi   badbaadi dhalinayrada somaliyeed dakan iyagaa u hadhaya , waxa inoo balan ah inaad tallo qaate noqoto dalka saad usii jelayd aad ka sii jeclaato , gun gume  gabre  magaciisa aad iga ilaaliso maqlkiisu wuu idhibay , safar khayr qaba Ayaan u rajaynayanaa in sha alaah , ugu danabyn hadaanu nahay dhalainyarada somaliyeed waxaanu markasta kula garab taaganahay maskax fiyow iyo wadanimo inaanu dalkayaga ugu shaqayno ee aan wada shaqayno

Soomaliya guul waarta ayaan  urajayn
Wa qalainkii u qataay : Mohamed bide abdirahman
Mohshire 79@gmil.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.