Home » News »

Baaq ku aadan shacabka Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah

BAAQ KU AADAN SHACABKA SOOMALIYEED EE QURBO JOOGTA AH KUNA AADAN ABAARTA BAAHSAN EE AAFEESAY DALKA SOOMALIYA TAASOO DHAMEESAY DAD IYO DUUNYO

Columbus Ohio, (AOL) – Kulumo isdaba jog ah oo ay yeesheen Jaaliyada ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio ayaa waxaa ay kasoo saareen Baaq gurmad ah kaaso ku wajahan dhamaan shacabka soomaliyeed ee Qurbo joogta ah Baaqaas oo ku saleesan Abaaraha baahsan ee aafeeyay Dalka soomaliya.

Madaxa GEDO DIASPORA INTELLECTUALS (GDI) Mudan Liibaan Aadan Buule ayaa waxaa ku sheegay hadaladiisii inay tahay waajib ina saaran inaan u gurmano walaalaheen ay aafeesay Abaaraha baahsan kuwaaso isgu jira (1) Kuwo dabiici ah iyo (2) kuwa ay sababeen bini aadmiga. Hogaamiyaha (GDI)Mr Buule oo xiriir joogta ah la sameeyay gobalada Jubooyinka ayaa waxaa ay u sheegeen odayaasha dhaqanka, madaxda, iyo culumo udiinka inay xaaladooda ay mareeso meel aad iyo aad u daran, lana rabbo in ay helaan gurmad degdeg ah.

Mudan Buule oo sii watta hadaliisa ayaa waxaa uu u sheegay Qurbo joogta kasoo jeeda gobaldaas inay is xilsaaraan kana qayb qaataan gurmadyada degdega ah, waxaa kaloo uu xusay Mr Buule, Ina lays weydiin doono aakhiro nimcooyinka uu ilaahay ku maneesatay dadka degan qurbaha, asagoo weli afka ku dhuftay, Ina aysan xaq aheen, inay caruurteena ka dhargaan Raashinka, filintijeeradan ay u buuxaan aydoo kuwii lamidka ahaa ay daadsan yihiin wadooyinka iyo banaanada, taasina maaha Soomalinimo, iyo weliba islaamnimo.

GDI waxaa ay sidoo kale ay cambaareen iyo dhaliil dusha ugu tuurtay, Dawlada Fedaraalka ah, taasoo ka gaabisay waxqabadkeedii, kuna mashquulsan musuqmaasuq iyo isdaba maryeen ku wajahan hantidii iyo weliba khayraadkii loogu gurman lahaa dadkaan ay aafeesay abaarta, sidoo kale waxaa si kulul ay u cambaaresay Goobaha cibaadooyinka, iyo weliba masuuliyiinta qurbo joogta ah, kuwaasoo ka gaabiyay kaalinkii ay ku lahaayeen bulshada, isla markaana ay ayaga u ahaayeen indhihii bulshada iyo hogaankiii laga sugaayay inay wax ka qabtaan abaarahan isdaba jooga ha ee aafeeyay dalkeenii.

Afhayeenka Jubaland Intellectus group (JIG)
Mudan Ayuuba L Aadam:  AyuubL08@gmail.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.