Home » Articles, News »

FARMAAJO U GEEYA: WAA CUSUB, MISE WADDADII HORE


Waa salaamayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan jeclahay inaan la qayb sado farxada doorashada madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, dhamaan inta jecel wanaaga ummada Soomaaliyeed iyo inay noo dhalato dawladnimo dhab ah iyo isbadal siyaasadeed oo ku qotoma bisayl, aragti dheer, nafti hurnimo iyo jawi midnimo cusub.

Waa markii ugu horaysay lix iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay oo uu khilaaf adag ka dhex curtay maskaxdayda iyo wadnahayga ,kaasoo ku aadan isbadal ka siyaasadeed ee ku yimid hogaanka dalka Soomaaliyeed. Dood dheer, lagdan, xasuus, tixraac, falanqayn raadraac, is bar dhig iyo xog ururin dheer ka dib, waxaan gaaray inaan bilaabo qoraalkan aan cinwaanka uga dhigay “WAA CUSUB MISE WADDADII HORE”.

Maskaxdaydu waxay qabtaa oo taagan tahay in waxaani aysan ahayn wax nagu cusub oo ay qayb ka tahay isbadaladii aan horay u arki jirnay, oo ay dawladiani marayso meeshii hore ee ay mareen kuwii ka horeeyay ama meel ka liidata. Laakiin taa mid ka duwan ayuu wadnahaygu qabaa oo ah inay muuqato ifafaale ka duwan kuwii hore, ha noqoto doorashada iyo say u dhacday, ha noqoto baarlamaanka sida ay u rabaan in isbadal dhaco, ha noqoto shacabka rajadooda iyo kalsoonida ay u hayaan hogaan ka cusub. Waxaad moodaa waqtigan  xaadirkaa in Wadnahaygii ka adkaaday maskaxdaydii taas oo aan filayo inaan la qabo malaayiin Soomaali ah oo isbadalku si dhab ah u saameeyay dareenkooda una arka bilowgii dib u yagleel ka qaranimada Soomaaliyeed.

WADDADII HORE

In la helo taariikhda dhabta ah iyo marxaladaha kala duwan ee ummadi soomarto, waxay fure u noqonaysaa raadinta iyo samaynta cilmi baaris dhab ah oo ku wajahan horumarka, dhismaha bulshada iyo aayaha ummada. Nasiib daro, ummada Soomaaliyeed wali ma gaarin inay si cilmiyaysan , hufan isla markaana dhexdhexaad uga doodaan , una falanqeeyaan dhacdooyinkii na soo maray iyo taariikhda dhabta ah ee ummadu leedahay isla markaana aan qorno oo kaydino si jiil ba jiil ugu gudbiyo,  si aan wax uga barano oo ugu ayno mustaqbal ka dhow iyo kan dheer ba. Waxaan jeclahay in aanan waqti dheer uga dhumin akhristaha dhacdooyinkii na soo maray iyo taariikhda ummada Soomaaliyeed ee aan u daayo wakhtigeeda iyo waagii aynu gaarno bisayl caqliyeed iyo mid cilmiyeed.

Taariikh la’aanta ina haysata waxay na dhaxal siisay inaan garan wayno meeshaan ka nimid, meeshaan joogno iyo meeshaan u socono intaba. Waxaan qabaa(waa aragtidayda gaar ka ah) in bal hada wixii hore ee taariikh ah aan dadno oo yara hakino inta aynu gaarayno waqtigii aan ku heshiin lahayn qoritaanka taariikh dhab ta ah iyo wixii na soo maray  taasoo u baahan daraasad iyo cilmi baaris dhab ah, balse aan furno bog/cutub cusub oo la jaanqaada isbadalka cusub iyo guuxa shacab waynaha Soomaaliyeed iyo waaga cusub.

Ka faa’iidaysi la’aanta taariikhda iyo dhacdooyinkii na soo maray waxay na dhaxal siisay waxyaalo aan dhamaanteen isku raacsanahay 100%, daqaradoodii iyo diiftooduna yihiin kuwo ka muuqda dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Nabaradaas iyo dhaawacyadaasi waxay na gaarsiiyeen inaynu galno waqti madow oo ay dunida inteeda kale ka gudub tay waa hore, dad, dal iyo duunyo la’aan.

Inaynu  fahamno marxalada aan ku jiro, waxaan u baahanahay inaynu darisno wixii shalay na soo maray. Guuldarooyinkii iyo jabkii naga soo gaaray mugdigii aan ku jirnay, oo aad u badan, waxaa ka mid ah:

  •  Qaranimo iyo dawlad la’aan
  •  Midnimo iyo talo la’aan
  •  Dil,  dhac, boob, barakac iyo tacadiyo farabadan
  •  Qaybin, isku dir iyo siyaasad qabiilaysan
  •  Magac xumo, liidnimo iyo tayo la’aan
  •  Madax danaystayaal ah iyo shacab dulman
  •  Faragalin shisheeye

    Waxaan filayaa in hada la gaaray waqti ay ugu yaraan, ummada Soomaaliyeed fahmeen inay ku socdeen wado mugdi ah ayna u baahan yihiin wadatashi guud iyo isfaham sidii ay u heli lahaayeen wadadii saxda ahayd ee ay ku gaari lahaayeen soo celinta qaranimadii, dawladnimadii iyo midnimadii ummada Soomaaliyeed.

    WAAGA CUSUB IYO MADAXWAYNE FARMAAJO

    Marka hore waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Allaha subaxaane watacaale ah, waxaanse mid gaar ah u jeedinayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh u turjumay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed u qabeen inay helaan hogaan wanaagsan, si aqlabiyad ahna u doortay madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo inta badan ummada Soomaaliyeed ay u aragto, ugu yaraan, inuu yahay shaqsi dhexdhexaad ah oo aan ku xuirnayn urur gaar ah, ha noqdo mid diineed, mid qabiil, mid dano gaar ah leh iyo mid u shaqeeya dawlado kale.

    Tani waxay keentay in si aan kala har lahayn loo soo dhaweeyay doorashada madaxwaynaha cusub uuna yahay shaqsi ay ummada Soomaaliyeed u hayso kalsooni badan aaminsana inay ay dowladiisu noqon doonto bilow wanaagsan iyo aasaaskii soo celinta qaranimadii iyo dawladnimadii naga burburtay. Mahadaas iyo ammantaas, Alle ka sokow, waxaa is leh goloyaasha shacabka soomaaliyeed, waxayna noqonayaan kuwo baal dahab ah ka gala taariikh cusub ee Soomaaliya.

    TALO KU SOCOTA MADAXWAYNE FARMAAJO

    Marka hore waxaan rabaa inaan halkaan uga hambalyeeyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan madaxwaynaha cusub Maxamed cabdullahi Farmaajo, guusha u soo hoyatay ummada Soomaaliyeed, ilaahayna waxaan kaaga baryaynaa  inuu kuu fududeeyo xilkaan wayn ee aad ummada u qaaday.

    ISBADAL DOON

    Isbadal doonka dhabta ah waxaa weeye golayaasha baarlamaanka oo si aan kala harlahayn kuu doortay, una arkay inaad tahay shaqsi Soomaaliyeed oo lagu aamini karo masiirka ummada Soomaaliyeed, kalsooni wayna kugu qaba, iyo ,dhamaan shacab ka Soomaaliyeed oo si aan kala har lahayn u soo dhaweeyay doorashadaada meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah in awoodii iyo taageeradii ummada Soomaaliyeed ay maanta labaduba gacan taada ku jiraan, mar hadii shacab kii Soomaaliyeed taagan yahay dhinacaaga midig, labadii gole ee sharci degintuna intooda badan ay taagan yihiin dhinacaaga bidix.

    Waxaa iga talo ah inaan la isku khaldin isbadal doonka dhabta ah(shacabka iyo baarlamaanka) iyo ururo ama shaqsiyaad  xil doon ah oo la baxay isbadal doon. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa imaanaysa kalsooni daro taasoo keeni karta hoos u dhac sumcada madaxwaynaha cusub iyo dawladiisaba. Shacabka iyo baarlamaanku waxay u baahan yihiin isbadal cusub, dawlad cusub, siyaasad iyo aragti cusub, dhaqan iyo xilkasnimo cusub iyo wado cusub.

    DIB U HESHIISIIN DHAB AH

    Waxaad moodaa in inteena badan ummada Soomaaliyeed aan si fiican loo fahmin, loona dhuuxin macnaha erayga dib u heshiisiin. Fasiraada erayga dib u heshiisiin iyo ficilka loo baahan yahay in la sameeyo si loo gaaro dib u heshiin dhab ah, xaqiiqdii waa mid ka duwan oo ka fog dib u heshiisiin ta ay ummada Soomaaliyeed u baahan tahay,  waana aragti ka timid meelo kale, lana rabo in lagu jaah wareeriyo ummada Soomaaliyeed. Waxaan jeclahay inaan ummada soomaaliyeed waydiiyo sadex daan su’aalood ee soo socda bal si aan isula garano dib u heshiisiinta aan u baahanahay.

    1. Ma qabiilo Soomaaliyeed baa is dagaalay?
    2. Dagaalkii Soomaaliya ka dhacay muxuu salka ku hayaa?
    3. Maxaa inaga maqan oo aan dib ugu heshiinaynaa?

    Ma qabiilo Soomaaliyeed baa islaayay?

    Waxaa muhiim ah inaan fiiro gaar ah u yeelano oo aan si fiican uga fikirno erayada iyo hadalada aan isticmaalayno marka aan ka hadlayno dhacdooyinkii ka dhacay Soomaaliya. Qabiilada Soomaaliyeed isma layn ee waa la isku laayay. Waa inaynu kala garan karno farqiga u dhexeeya is dil iyo isku dil. Ma jiraan qabiilo Soomaaliyeed oo ku heshiiyay inay weeraraan qabiilo kale. Shacabka iyo qabiilada Soomaaliyeed waa la isku laayay, waxaana isku laayay dad danaystayaal, xukun raadis ah oo u arkay sida kaliya ee ay awood iyo xukun ku heli karaan inay tahay in la qaybiyo ummada iyo shacab ka Soomaaliyeed oo ninba qayb meel ku xirto . Dadka iyo shacab ka iyo dhamaan qabiilada Soomaaliyeed waa dad dulman oo gacan ta u galay dad yar oo manaxayaal ah oo u arka dhiiga , baaba’a iyo colaadahu inay yihiin sida kaliya ee ay xukun ku heli karaan.

    Dagaalka dhacay muxuu salka ku hayaa?

    Su’aashan jawaabteedu waa mid aad u sahlan, waana raadin xukun iyo awood iyadoo la adeegsanayo siyaasad qabiilaysan oo lagu kala fogaynayo ummada Soomaaliyeed ee walaalaha ah , lagana dhigayo cadow gooda koobaad ee ay leeyihiin inuu yahay iyaga dhexdooda. Siyaasada qabiilaysan waxay noqotay qaacido iyo aragti ay isticmaalaan danaystayaasha xukundoon ka ah, ayagoo taageero aad u badan ka helaya wadamo badan oo aan jeclayn in la helo qaranimo, dawladnimo iyo midnimo Soomaaliyeed.

    Maxaa inaga maqan oo aan dib ugu heshiinaynaa?

    Waxaa inaga maqan oo naga dhumay qaranimo, dawladnimo, iyo midnimo. Dib u heshiisiinta dhabta ah ee aan u baahanahay waa inaan helno hogaamiye isu keena, mideeya isla markaana fahamsiiya waxa shacabka soomaalida ka maqan ,oo ay u baahan yihiin inay ku heshiiyaan,  oo ah in dib loo helo qaranimadii, dawladnimadii iyo midnimadii ummada Soomaaliyeed. Waa inaan helno hogaamiye la yimaada siyaasad iyo aragti dheer, dhaqan iyo haykal dawladeed, qorshayaal iyo waxqabad dhab ah oo ka turjumaya inaan u jihaysanay wadadii isbadalka iyo horumarka.

    HAYKAL DAWLADNIMO

    Soomaalidu waxay tiraahdaa  wixii aragiisu ku qanciyaa oontiisu ku deeqdaa. 26 kii sano ee la soo dhaafay, dawladihii wadan ka isaga dambeeyay waxay ahaayeen kuwo aad u muuqaal xun oo aysan ka muuqan haykal dawladnimo, sharaf iyo karaamo intuba. Dowladihii hore waxaan uga baranay in xafiisyada iyo goobaha dawladu laga soo bilaabo xafiiska madaxwaynaha ilaa heer degmo ay noqdaan meelo lagu shiro, sheekaysto, lagu hayo siyaasad qabiilaysan oo aanay haba yaraatee ka muuqan shaqo dawladeed iyo haykal dawladeed midna.

    Waxaa muhiim ah in la helo dawlad leh muuqaal ay ummada Soomaaliyeed u arkaan inay xambaari karto sharafta iyo karaamada shacab ka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin u noqda shacab ka tusaale suuban oo kor u qaada rabitaanka , taageerada iyo kalsoonida ay u muujiyeen dawlada cusub.

    Shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan dawlad aad uga duwan kuwii hore, waana waxa ugu horeeya ee lagu cabirayo in madawaynaha cusub uu yahay hogaamiye awood iyo karti leh , diyaarna u ah inuu ummada Soomaaliyeed jiheeyo ayna ka goantahay in dantiisu tahay danta guud, danta guudna tahay dantiisa gaarka ah.

    GUNAANAD

    Mudo aad u dheer ayay ummada Soomaaliyeed ku jirtay habow iyo mugdi. Shacabka Soomaaliyeed aad iyo aad bay u dareensan yihiin caqabadaha waawayn ee ku horyaal, laakiin waxaad ogaataa mudane madaxwayne in marnaba aan laguugu garaabayn waxqabad la’aan. Mudane madaxwayne adi iyo dawladaaduba waxaad noqonaysaan kuwo baal dahab ah ka gala taariikhda ummada Soomaaliyeed haddii dhamaadka afarta sano ee laguu igmaday aad dadka iyo dawladnimada Soomaaliyeed gaarsiiso xaalad ay fahmeen si dhab ah Meeshay ka yimaadeen(qaran la’aan, dawlad la’aan, midnimo la’aan, colaad , faqri iyo gaajo); meeshay joogaan(isfaham, midnimo, Soomaalinimo, rajo iyo mustaqbal wanaagsan) iyo meeshay u socdaan(qaranimo, dawladnimo. Horumar, aqoon, dhaqaale abuur, dad iyo dal dhis).

    Ugu dambayn, waxaan ilaahay kaaga baryaynaa mudane madaxwayne inuu xilka wayn ee aad qaaday kuu fududeeyo, dawladaaduna ay ummada Soomaaliyeed u noqoto waa cusub oo u iftiimay.

    Abdiqani A. Khalif
    abdi_kani@hotmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.